Sign in to follow this  
Gabbal

The accused killers of a U.N officer in Kismayo brought to court.

Recommended Posts

Gabbal   

Maxakamada Kismayo Oo Maanta Damiin Ku Siideysay 9 Qof Oo Ku Eedeysan Dilkii Marxuun Guraage

 

Waxaa manta abaare 1: 35 daqiiqo la soo taagay maxakamada magaalada kismayo sagaal nin oo ku eedesynaa dilkii marxuun ka tirsanaa qaramada modobay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Muuse Guraage oo dabayaaqadii sanadii 2005 ta lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

 

Goobta maxakada lagu saarayay ragaan ayaa waxa ku suganaa oo ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Doxada Jubba iyo dadweyne loo ogalaaday in ay wax ka dhagayestaan dacwad qaadista ragan eedesyanayaash ah.

 

Waxaana ugu horeyntii maxakamada ka bilowday soo jeedinta dacwadaha loo hayesto ragan ayadoo daqiiqado kadibna ay xeer ilaaliyeyaasha ay soo jeediyeen in ay racafaan ka qaadashada maxakada ee ragaan ay dib u dhacday waxaana ay maxakamadu ay so jedisay in ragaan eedesyanayasha ah si damiin ahaan ah loo siidaayo inta dacwad qaadistoodu ay dib u furmayso waxaana islamarkiiba la magac dhabay ugaasyo iyo nabadoono ku heyab ah ragan eedeysanayaasha ah oo markaasi ku sungaa goobta ay dacwadu ka socotay.

 

Ninka ugu sareeya maxakamada oo lagu magacaabo sheekh Maxamed Cali dheere (Maxamed Facaye ) oo saxaafad la hadlay ayaa waa uu sheegay in siideynta ragaan ay tahay mid maslaxadu ku jirto sababtoo ah ayu yiri shareecadu ma qabto in qof bini aadam ah u xabsi isaga jiro ayada oo aan danbigisa la so cadeyn sidaas ayaana ugaasyada iyo nabadoonada oga codsanay in ay damin ka noqdaan ragan eedeysanayaasha ah.

 

Hadab maxakamadeynta ragaan ayaa waxaa ay ahayd hadal heytna ugu badan oo ay isweydin jireen dadka reer kismayo balse haatan waxaa wali suaal ka taagan tahay goorta ay dib u bilaabanayso dacwada qaadista ragan oo sida la sheegay ay wali socoto danbi baaristoodii ayadoo tani ay noqonayso talaabo ka mid ah kuwa la doonayo in dib loogu soo ceshto kalsoonida beelo ka gadooday xabsi dhigida ragan.

 

Gedonet News Desk

Gedonet, Kismayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Damiin lagu sii daayay dadkii ku eedeysnaa dilkii Sarkaalkii Q.M

 

 

Kismaayo 01 Jan. 06 ( Sh.M.Network) 9 kii qof ee loo heystay dilkii loo geeystay sarakaalkii Q.M ee lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa lagu sii daayay damiin, ka dib markii maxkamad la soo taagay maanta.

 

Saakay abaarihii 8:30 kii subaxnimo ayaa waxaa ka furmay maxkamada magaalada Kismaayo dacwado lagu qaadayo 9 kaan eedeysane oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilkii Marxuum Guraage.

 

Gudoomiyaha Maxkamadaasi oo hadal ka jeediyay furitaankii maxkamadda ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybglay dacwada, iyadoo ka dib uu microfoonka qabsaday Xeer ilaaliyaha maxkamada Xaaji Saalax Max'uud oo ka hadlay amuuro badan oo ku saabsan eedeysanayaashaan ayaa waxa uu ka codsaday Maxkamadda iyo garsoorayaasha in damiin lagu siidayo dadkaasi, iyadoo baaritaankana uu halkiisii ka sii socdo.

 

waxa uu sheegay in uu arkey dhibaatoyin badan oo ragaani ku heysta gudaha xabsiga iyo sida ay ugu baahan yihiin in ay xuriyad helaan.

 

Garsoorayaasha oo si gooni ah kulan u qaatay ayaa waxa ay sheegeen in ay aqbaleen codsiga Xeer ilaaliyaha , iyadoo 2 ka mid ah maxaabiista la waayay cid damiinata, waxaana mudo yar ka dib damiintay Gudoomiyaha degmada Kismaayo Daahir Carabeey.

 

Marxuum Guraage oo isagu Q.M u qaabilsanaa dhinaca amaanka ayaa kooxo hubeysan waxa ay toogasho ku dileen horaantii bishii October ee sanadii tagtay, isagoo ku sii jeeday gudrigiisa oo ku yaala magaalada Kismaayo.

 

 

 

Shabelle Media Network, Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taariikhda Marxuumka oo kooban

------------------------------

 

Maxamuud Sheekh Muuse Warsame (Uraage) waxa uu

sanadkii 1959kii bishii Disember ku dhashay

magaalada Moyale ee wadanka Itoobiya, Hooyadiis

ayaa waxa la yiraahdaa Nuuriya Maxamed Geelle

waxana ay iminkaba ku nooshahay magaalada Moyale

ee wadanka Itoobiya, waxana ay dhashay 4 wiil oo

amxaaro ah oo ay marxuum Maxamuud Sheekh Muuse

Uraage isku hooyo yihiin.

 

1977dii ayuu marxuumka aabbihiis Sheekh Muuse

Uraage dhintay, xilligaasna marxuumka Maxamuud

Muuse Uraage waxa uu jiray dhinaca Kenya.

 

Waxbarashadiisii hoose iyo dhexeba waxa uu ku soo

qaatay isla magaaladaas Mooyaale ee uu ku dhashay,

in kasta oo xilligaas aanu jirin dugsi sare ayaa

waxa uu Maxamuud Sheekh Muuse Uraage u wareegay

dhinaca Kenya magaalada Mombasa, halkaas oo uu

illaa heer Jaamacadeed ku gaaray, waxana uu ka

dhigtay Mombasa Jamacad isaga oo ku soo takhasusay

cilmiga Injineeriyada oo uu ka watay shahaadada

Masterka.

 

1982 horraanteedii ayuu marxuum Maxamuud Sheekh

Muuse Uraage waxa uu yimid wadanka Soomaaliya

isaga oo ka soo galay dhinaca magaalada Dhoobley

ee gobolka Jubbada Hoose, waxana markiiba qabtay

ciidammadii booliska Soomaaliyeed oo u arkay inuu

yahay basaas Kenyaan ah maadaama uusan marxuumku

aqoonnin afka Soomaaliga, isla markaasna uusan

Soomaaliya imaannin marka laga reebo hal bil oo uu

xilligii uu yaraa yimid Muqdisho.

 

Muddo 2 bilood ka dibna waxaa loo sii dhaadhiciyay

dhinaca xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo

halkaas oo uu ku xirnaa 3 illaa 4 bilood.

Muddadaas ka dibna Nabad sugidda Soomaaliyeed

xafiiskeeda Muqdisho ayaa soo amray Kismaayo in

ninkaas loo soo dhaadhiciyo Muqdisho. Waxaana

markii Muqdisho la geeyay isaga oo weli xiran

kiiskiisa loo xil saaray sarkaal ka tirsanaa nabad

sugidda Soomaaliyeed xafiiskeeda Muqdisho,

xilligaas oo dhan waxaa loo haystay in uu yahay

jaajuus ka yimid waddamada Itoobiya iyo Kenya,

waxana dhibaayay afka Soomaaliga oo uusan si

fiican u aqoonnin.

 

Sarkaalkii baarayay ayaa maalin maalmaha ka mid ah

waxa uu marxuumka weydiiyay magiciisa oo

dhameystiran waxana uu u sheegay waxaa la i

yiraahdaa Maxamuud Sheekh Muuse Warsame Beddel

(Uraage), waxaa kaloo la weydiiyay aabbahaa cid la

dhalatay ma taqaannaa mase jiraan xaggee ayeyse

joogaan, waxana uu marxuumku ku jawaabay waxaa la

dhashay laba nin oo adeerraday ah, waxana aan

aqaannaa oo keliya mid, waxana la yiraahdaa Xasan

Warsame Bedel waxana uu joogay Soomaaliya.

 

Sarkaalkii baaritaanka waxa uu gartay Xasan

Warsame oo xilligaas ka shaqeyn jiray dekeddii

hore ee magaalada Muqdisho, waxana uu u tegay

Xasan Warsame oo uu weydiiyay su’aalo la mid ah

kuwa uu weydiiyay wiilka, waxana ka mid ahaa

su’aalahaas, ma jiraan wiil aad adeer u tahay oo

Kenya jira, waxana uu ku jawaabay HAA waxaana la

yiraahdaa Maxamuud Sheekh Muuse Uraage, haddaad

aragtid ma garanaysaa ayuu mar kale sarkaalkii

weydiiyay Xasan Warsame (Xasan Fuusto) waxana uu

Xasan Fuusto yiri haa, waa uu soo waday oo waxa uu

kor keenay niman badan dabadeedna ka soo dhex saar

ayuu yiri waana uu ka soo dhex saaray.

 

Sida uu Xasan Warsame oo marxuum Maxamuud Sheekh

Muuse Warsame (Uraage) adeer u ahaa ii

xaqiijiyayna waxa uu sii deyntiisa ka soo maray

dhibaato xoog leh, ugu dambeyntiina waa uu ku

guuleystay.

 

Dowladdii Soomaaliya ee xilligaas ayaa waxa uu ka

waayay marxuumku shaqo u qalanta, waxana uu shaqo

la’aan ahaa muddo dhan, sarkaal ciidanka ah ha

lagaa dhigo ayaa mar la yiri waana uu diiday.

Aqoontiisa oo sarreysayna waxay soo jiidatay dad

badan waxana uu si ka fiican sidii hore u bartay

luqadda afka Soomaaliga.

 

Xilli aanan hadda la xusuusneyn laakiin 80aadkii

ah ayuu waxa uu shaqo hoose ka helay warsahaddii

bariiska ee Mugambo, muddo yar dabadeedna waxaa

loo tix geliyay aqoontiisa iyo shahaadadiisa iyo

weliba kartidiisa waxana uu noqday injineerka

keliya ee Soomaaliga ahaa ee mashruucii Mugambo ee

bariiska. Waxa uu sare u qaaday wax soo saarkii

mashruuca, isaga oo weli sidii u wada

mashruucaasna waxaa dhacday dowladdii Soomaaliya,

dalkuna waxa uu galay dagaal iyo qalalaase.

 

Waxa uu marxuumku dib ugu laabtay wadanka Itoobiya

magaaladii uu kaga dhashay ee Mooyaale, halkaas

oo uu intii Mudda ahba ku sugnaa. Waxa uu dib

dalka ugu soo noqday 1995tii xilligaas oo uu yimid

gobolka Gedo magaalada Beledxaawo waxana uu

markiiba ka helay shaqo Field Officer ahaa hay’ad

mareykan ahayd oo la oran jiray International

Rescue Committee (IRC) shaqaalihii la shaqeyn

jiray oo aan qaar kala kulmayna waxa ay ii

xaqiijiyeen in uu ahaa nin qaali ahaa oo aad ugu

fiicnaa dhinaca xallinta khilaafaadka, aqoon

ahaanna dhisnaa.

 

Waxa uu shaqadaas waayay markii ay guurtay IRC, ka

dibna dhowr shaqo oo yaryar ayuu marar kala duwan

qabtay, waxana uu Kismaayo tegay sanadkii 2001

isaga oo daneynayay in uu ka shaqeysto.

 

 

Hay’addii ugu dambeysay cimrigiisa ee uu la

shaqeynayay ee UNDP ayuu waxa uu shaqo ka helay

dhammaadkii sanadkii 2003 isaga oo ka ahaa ku

xigeenka dhinaca ammaanka ee gobollada Jubbooyinka

u qaabilsan UNDP.

 

Ifka waxa uu uga tegay hal xaas oo la yiraahdo ina

Cabdi Qalalab iyo 4 carruur ah oo ay u haysay oo

kala ahaa 3 wiil iyo gabar.

Waxa uu ahaa nin ku hadli jiray luqadaha English,

Kswahili, Amharic iyo Somali waxana uu ahaa nin

deggan aamus badan isla markaasna xurmeyn badan oo

xishood badan, ma ahayn dadka maqaayadaha iska

fadhiya mana ahayn shaqsi siyaasadeed, waxa uu

daacad u ahaa shaqadiisa.

 

Allaha u naxariisto

 

 

-----------------------------

am

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this