Sign in to follow this  
Gabbal

Odayaasha Beesha [Hiiraale] oo ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Kismaayo

Recommended Posts

Gabbal   

Odayaasha Beesha [Hiiraale] oo ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Kismaayo

 

Click here to find shabelle news in english

 

Kismaayo 24, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha Beesha [Hiiraale] ee ku sugan xarunta magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa maanta sheegay in hubkii shalay ay ku qabsadeen dagaaladii shalay si toos ah ay ugu wareejin doonaan wasaaradda G/dhigga dowladda KMG ah.

 

Odayaasha Maleeshiyada shalay la wareegtay magaalada Kismaayo ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen Kismaayo waxa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ku wareejiyaan wasaaradda G/dhigga ee dowladda KMG ah.

 

Odayaasha ayaa waxa ay sheegeen in ay taageerayaan dowladda KMG ah, laakiin magaalada ay kula dagaalameen maleeshiyo beeleedyo ka soo duulay gobolo kale sida ay hadalka u dhigeene.

 

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saakay aad u dagan, iyadoo wadooyinka magaalada Kismaayo ay wareegayaan kooxo hubeysan oo maleeshiyooyin ah.

 

Xabsiga, Saldhigga iyo xarunta degmada Kismaayo ayaan gabi ahaanba shaqeyneyn, iyadoo maxaabiistii ku jirtey halkaasi la kala direy shalay.

 

Dhinaca kale Kulan balaaran oo degmada Baardheere ay ku yeesheen odayaasha beesha **** ayaa waxa ay ku dhaleeceeyeen hadalkii ka soo yeeray shalay Ra'isulwasaare Geedi, oo ahaa in dagalaada ka dhacay Muqdisho, Kismaayo, iyo Dahar ay isku mid yihiin isla markaana ay wadaan kooxo argagixiso ah sida uu ku soo waramay Wariye Axmed Cumar Saaliixi oo shabelle uga soo warama degmada Baardheere.

 

Max'ed Axmed

 

Shabelle Media Network J/hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Odoyaasha maleeshiyadii qabsatay Kismaayo oo beeniyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-qaacida.

 

Kismaayo, Talaado, April 24, 2007 Simba Radio

 

Kulan xasaasi ah oo ay maanta magaalada Kismaayo ku yeesheen odoyaasha ay kasoo jeedaan maleeshiyadii shalay qabsatay magaalada Kismaayo ayay kaga hadleen hadalkii shalay kasoo yeeray Ra'iisul-wasaare Geedi ee ku aadanaa in Kismaayo ay dagaal ka wadaan kooxo uu ugu yeeray inay xiriir la leeyihiin ururka Al-qaacida.

 

Odoyaasha ayaa sheegay inaysan maleeshiyaadkooda wax xiriir la laheyn Al-qaacida isla markaana aysan aheyn kooxo argagaxiso ah.

 

Odoyaasha ayaa tilmaamay in magaalada Kismaayo ay qabsadeen ciidamo taabacsan Dowlada KMG ah ee Somalia , halka ay qireyn in magaalada laga saaray ciidan kale oo Dowlada ka tirsan.

 

Afhayeen u hadlay odoyaashaasi oo lagu magacaabo Xasan Dheere ayaa sheegay in Dowlada KMG siyaasadeeda ay aad u taageersan yihiin isla markaana aysan al-qaacida wax xiriir la laheyn.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka Jubbada Hoose uu ka shaqeynayo gudaha Kismaayo, isagoo ku tilmaamay saraakiishii magaalada laga bixiyay inay ahaayeen kuwo qas ka waday magaalada.

 

Saraakiishii Dowlada KMG ah ee gobolada Jubbooyinka oo kala ahaa Aadan Goojaar, Ismaaciil Khaliif iyo Afgaduud ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen gudaha Kismaayo saacadihii lasoo dhaafay iyadoo aaday deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

 

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa degan iyadoo dhamaan ganacsigii magaalada si wanaagsan uu u socdo.

 

Leyla Sheekh Aadan

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Odayaasha beesha [Hiiraale] oo sheegay inay dowladda ku wareejin doonaan hubkii ay shalay qabsadeen iyo Ugaas Ciise Ugaas Faarax oo ka codsaday Cali M. Geeddi inuu soo kala cadeeyo…

 

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose odayaasha iyo waxgaradka beesha [Hiiraale] ayay ku shaaciyeen in dowladda federaalka KMG Soomaaliya ay ku wareejin doonaan hubkii ay shalay ka qabsadeen maleeshiyooyin ka soo jeeda beelaha dega gobolada maamul goboleedka Puntland.

 

Odayaashan ayaa shaaciyay inay ku wareejin doonaan hubkan wasaaradda gaashaandhigga dowladda, isla markaana ay doonayaan inay cadeeyaan inay taageersan yihiin dowladda federaalka KMG Soomaaliya, waxayna odayashani caddeeyeen in wixii shalay uu dagaalku dhex maray ay aheyd labo maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan ciidamada dowladda federaalka.

 

Dhinaca kale, kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, odayaasha, waxgaradka, iyo siyaaiyiinta beesha [Hiiraale] kaasoo uu ka soo qeyb galay Ugaaska beeshaasi Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa lagu cambaareeyey hadalkii shalay ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG Prof. Cali Max’ed Geeddi kaasoo uu ku sheegay in dagaalkii shalay uu u dhaxeeyey kooxo argagixiso ah iyo ciidamada dowladda.

 

“Aadbaan uga xunahay in ra’iisal wasaarihii dowladda uu la safto beel gaar ah, waxaana mar labaad ka xunahay in ciidamadii dowladda oo ay dowladdu hubeysay lagu tilmaamo argagixiso, ciidamada uu argagixisada ku tilmaamay ra’iisal wasaaruhu waxay ahaayeen kuwii la xorreeyey magaalada Kismaayo” ayuu si kulul u yiri Ugaasku isagoo ugu dambeyntiina ka codsaday ra’iisal wasaaraha inuu cadeyn rasmi ah ka siiyo hadalkaasi waxa uu ula jeeday.

 

 

Xafiiska Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

“Aadbaan uga xunahay in ra’iisal wasaarihii dowladda uu la safto beel gaar ah, waxaana mar labaad ka xunahay in ciidamadii dowladda oo ay dowladdu hubeysay lagu tilmaamo argagixiso, ciidamada uu argagixisada ku tilmaamay ra’iisal wasaaruhu waxay ahaayeen kuwii la xorreeyey magaalada Kismaayo”

So Ugaaska has good things to say about the men who fought side by side with Amxaaro against their blood brothers to 'liberate' the city from the hands of the ICU? Cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

laakiin magaalada ay kula dagaalameen maleeshiyo beeleedyo ka soo duulay gobolo kale sida ay hadalka u dhigeene

What is this is statement supposed to mean, and suprisingly it was issued by Odayaasha reerka, is this another gafe from Geedi? or More like it...

 

I thought both of the fighting sides were part of the TFG forces although from two different subclans, and while Odayaasha are calling for peaceful settlement, they are making another provacation, it seems both sides are not ready for peace and it's going to get worse and dirty, Waar Blood-ka magaalada Kala baxa Uun please...

 

N/AA tell me sxb was that a wise statement coming from Odayaasha reerka?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^^^^Ninyahow wareer ma jiro ee yaan la is waliin about this one, kismaayo will be solved peacefully inshallah.

 

Afgadud did the rite thing by pulling out....kismaayo is not like xamar u can not fight in that city, if the situation gets worse i wonder what the likelhood of Kismaayo being shelled from the air?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Odayaasha perhaps have a gut feeling that TFG won't negotiate with what they perceive as 'argagixiso' elements and dispatch Addis to liberate the city once again. Makes sense with one side peace initiatives so far.

 

I second that Emporer! It’ll get worst. Keep Out of the City.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Khalaf, I think it is a defeat, not a voluntary pullout to avoid conflict, when you are forced to go after a firefight taking half a day and numerous casualties.

 

Emporer, they mean the Puntland soldiers sent to the south recently and brought to Kismaayo by Afgaduud.

 

Jimcaale, according to AllPuntland, the TFG is sending Defense Ministry officials to meet with the clan as the odayaal requested.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Horn,

 

Somalis have been committing atrocities on each other for years and TFG side [which I’m sure you welcome] has committed far more atrocity than any group in the recent history of the conflict or this particular incident you cited. Do you think all those committed should dissolve the blood brotherhood of each other?

 

Defense Ministry Hiiraale? Wasn't he depressed with the treatment he got from his boss and was evaluating to either walk-away or leave for Ohio? :D Just kidding.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalaf   

^^^^Are u guys underestimating the influence of beesha Hiiraale?

 

Horn, it was a very dumb move to start a fire in an alreadly burning country because of huungri, lets leave it at. I believe u smarter then this sxb, think about what will come from this conflict, if it continues? it is a defeat but a defeat to the ppl of kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, you don't believe he quited.......how come he is not saying anything today ? he maybe injail since he is not getting alone with the Old man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khalaf, are you able to see a difference between his beel and HIM? Don't you think there's a difference between the AYusuf and his BEEL?

 

come again adeer---you must be a lot brighter than this!

 

lol@Xog. Ask his informed followers and they would tell he's firmly behind the old man's compaign. The deal was to let Jeele talk since he's from that city...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Xiinoow, Adigu Hiiraale iyo Militia-yadiisa ayaa lagu daba dhigay ninyahoow.

 

Run ahaan markii loo fiiriyo Hiiraale, waa ninka Worlordka ugu roon adiguse taa ma aragtid, balaayo kale ayaad aragtaa.

 

Intaadan la soo boodin Hiiraale inaa taageero, let me make it clear for you, I don't support Hiiraale I was fiercely against him when he joined the AMXAARO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this