Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasan asks Clan Court leaders to surrender...

Recommended Posts

Flip floper, asked a few days ago to keep fighting, now he says surrender, the man is confusing himself.

 

NAIROBI: Shariif Xasan Sheekh Aadan: "Madaxdii Maxkamadaha waxaan kula talin lahaa inay is dhiibaan"

Posted to the Web Jan 07, 18:53

 

 

Nairobi (PP) - Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qaar ka mid ah wakaaladaha wararka kula hadlay Nairobi ayaa sheegay inuu ka codsanay madaxdii Maxkamadaha inay isdhiibaan maadaama laga awood badiyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegay wareysigiisa inuu u soo jeedinayo Madaxdii Maxkamadaha iyo dagaalyahaniinta ka hartay inay is dhiibaan si ay uga badbaadaan inay ku dhammaadaan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka iyo Ciidammada Ethiopia.

 

"Waxaan kula talin laha inay is dhiibaan madaxdii Maxkamadaha si loo dhameeyo dagaallada ka socda weli gudaha Soomaaliya, waxaana qabaa in haddii ay is dhiibaan ay baaqan karaan dagaallo ka sii socda gudaha Soomaaliya" ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan Nairobi.

 

Shariifka ayaa sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay inay Maxkamadaha hadalkiisa qaadan doonaan ayna is dhiibi doonaan, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inaan dhibaato loo geysan doonin haddii ay is dhiibaan.

 

"Waxaan aad ugu kalsoonahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan hubo inuu hadalkayga qaadan lahaa haddii aan fursad isku heli lahayn, waxaana filayaa in hadalkeyga haddii uu maqlo uu qaadan doono" ayuu mar kale yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u muuqda inuu iska hilmaamay hadalkiisii ahaa inuu diidan yahay ciidammo shisheey ah ayaa ku jira gudaha Soomaaliya, waxaana siyaasad ahaan lagu tilmaamay inuu taageeray Ethiopian-ka.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maxkamadaha ugu baaqay inay is dhiibaan.

 

Muqdisho, Axad 07 Jan 07 Simba Radio

 

Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ugu baaqay waxa uu ugu yeeray haraadiga Maxkamadaha Islaamiga ah inay isa soo dhiibaan Islamarkaana ay ka qeyb galaan hanaanka Siyaasadda ee dalka si loo soo geba gebeeyo 15 sano oo fowda ah.

 

Shariif Xasan oo xiriir Wanaagsan la lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah, ayaa codsaday degenaasho, iyo in wax uu ku tilmaamay haraadiga Maxkamadaha ay is dhiibaan.

 

Shariif Xasan oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa sheegay in xilligii Dagaalka uu dhamaaday, islamarkaana dhammaan Soomaalida ay tahay in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii Dalka.

 

Shariif Xasan, ayaa waxa uu sidoo kale hoos u dhigay mucaaradnimadiisii ku aadaneyd ciidamo nabad ilaalin ah oo dalka la keeno, waxaana uu dhammaan Soomaalida ugu baaqay inay soo dhoweeyaan ciidamadaasi, si ay hab nabadeed u keenaan.

 

“dadkeyga Soomaaliyeed, waxaana ku oran lahaa inay degenaasho muujiyaan, ayna nabad baaqi kusii ahaadaan” ayuu yiri Shariif Xasan kadib kullan uu Magaalada Nairobi kula yeeshay diblomaasiyiin Mareykan ah.

 

“waxaan ugu baaqi lahaa Maxkamadaha Islaamiga ah inay nabad u yimaadaan, waxaana ugu baaqi lahaa inay yimaadaan miiska, islamarkaana laga dhaadhiciyo inay qeyb ka noqdaan wada hadallada dib u heshiisiinta qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif Xasan.

 

Shariif Xasan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhego nuglaan doono codsigiisa.

 

“waxa aan isaga ka garanayo, ayaa ah inuu yahay nin nabadeed, haddii aan helo fursad aan kula hadlana, waxaana ka dhaadhicin doonaa inuu nagu soo biro, waxa ay u wanaagsan tahay dadkiisa iyo dalkiisa” ayuu yiri Shariif Xasan.

 

Shariif Xasan, ayaa uga mahad celiyay Jendayi Frazer dadaaladeeda ku aadan Somalia .

Share this post


Link to post
Share on other sites

ur the most tribilist guy ur adeer abdilahy yusuf will not sucseed warka manaad la socon habashidi waalug raassaaeye it has started habashis can and wont stay in side somalia

 

 

second is the tfg is weak and ur ppl are weak they need Ethiopian help

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this