Sign in to follow this  
General Duke

Militias from Somaliland defect to Puntland...Major news

Recommended Posts

Saraakiil iyo ciidan ka tirsanaa maamulka Somaliland oo u soo galay Puntland

Laas Caanood

 

 

Laas Caano :- Wararka ka imanaya magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay maanta halkaasi soo gaareen sarakiil iyo ciidamo Somaliland ka tirsanaa si ay ugu biiraan maamulka Puntland.

 

Sarakiisha iyo ciidammada ka soo baxsaday dhinaca Somaliland ayaa waxaa hoggaaminaya ninka lagu magacaabo Yuusuf Cabdillaahi oo ku magac dheer (Ina Quuje), kaas oo ka mid ahaa ragga ugu firfircoon ee ku sugnaa jidda hore ee ay ku sugan yihiin ciidanka Somaliland.

 

Sarkaalan oo maanta u warramayey SBC ayaa shaaca ka qaaday oo sheegay in ay go'aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dhulkooda kadib markii buu yiri aanu aragnay tallaabooyinka ay wadaan madaxda sarsare ee maamulka Somaliland ee gardarrada iyo dhul ballaarsiga huwan.

 

Dadweynaha magaalada Laas Caanood ayaa si diirran u soo dhoweeyey saraakiisha iyo ciidammada ka soo galay dhinaca Somaliland dadweynaha magaalada Laas Caanoodna waxay ku tilmaameen tallaabo loo baahnaa in mar hore la qaado.

 

Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa soo dhoweeyey soo gelitaanka raggan, sida uu SBC u sheegay taliyaha hawl gelinta jiidda hore ee ciidanka daraawiishta, G/le Sare, Deyr Cabdi.

 

Saraakiisha iyo ciidammada u soo galay Puntland ayaa gaaraya 45, waxanay sheegeen in ciidamada ka tirsan Somaliland ee u dhashay Puntland ay gaarayeen ilaa 200 oo askari hase yeeshee ay haatan ay ku noqdeen dahnahooda halkaasna ay iskaga tageen.

 

Radio SBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Bari Nomad

Are you still trying to convince us about the elusive INA QUUJE ??

 

Nine months is not long enough mate, you should've waited a lil bit longer!

 

:D:D:Dredface.gif

 

Been run u eeg sheeg. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this