Sign in to follow this  
Jabhad

Mogadishu:Life under Tigre occupation.

Recommended Posts

Jabhad   

itoobiyaan%20xaafadaha.JPG

Ciidamada Itoobiyaanka eek u sugan magaalada Muqdisho, ayaa saakay waxa ay guri ku yaala xaafadda warshadda caanaha kala baxeen wiilal dhalinyara ah, iyagoo gubay gurigii ay wiilashaasi ka soo qabteen.

 

Hobyonet. Muqdisho Talaado, July, 24, 2007

 

Labada wiil ee la qabtay, ayaa waxaa la sheegay in si xoog ah loo kaxeystay gurigii ay joogeen, waxaana markii la sii kaxeynayey loola dhaqmay si aan wanaagsaneyn.

 

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in markii ay ciidamada Itoobiyaanka oo howl-gal ka fuliyey deegaanka warshadda caanaha ee magaalada Mqudisho, ay dab qabad siiyeen guriga, kaasoo markii dambe ay damiyeen dabkii ka kacay dadka xaafadda.

 

Falkaan ay ciidamada Itoobiyaanka ka geysteen xaafadda Warshadda Caanaha, ayaa waxa uu yimid 2 maalin kadib markii haweenay Soomaaliyeed oo Indhashareer wadatay ay gacan kaga jabiyeen agagaarka saldhigga Booliska ee degmada Wardhiigely, iyagoo sidoo kale bakoorad ku garaacay 2 gabdhood oo kale oo la socotay haweeneyda indha-shareerka wadatay.

 

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in marka ay arkaan haweeney indhashareer wadata ay cadaadiyaan, ayna ku amraan in ay iska saarto indhashareerka, haddii ay furi weydana garaaca.

 

Ahmed Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this