Sign in to follow this  
NASSIR

Who Discovered the Metrical Structure of Somali Poetry: Arale or Gaarriye? by Dr. Sai

Recommended Posts

Labadoodaba waxaa dhaama Careys Ciise Kaarshe.

 

Sababtaa u leeyahay waxee tahay, waa mida koowaad, haddaa dhageysatid saararkiisa ereyo Afsoomaaliga u wada dhameystiran, nooc walba inta lahjadadood ee Afsoomaaliga ka buuxaan, oo Afsoomaali qof dhameeye barashadiisa iyo garashadiisa u ekaa.

 

Mida labaad waa suu ugu dhawaaqaayo saararkiisa soo jiidashada leh, qofka ku qasbeyso in uu dhageysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Somalidu waxay ku maahmaahdaa. War la helyaaba talo la hel. Oodweyne, niyo anigu qoraaladaada ma wada akhriyi karo, waayo aad iyo aad ayay u badanyihiin. Laakiin, waxaan kuu sheegayaa. Dr Carraale iyo Gaariye sheekadoodu inay aad u dheertahay. Tusaale ahaan, markii lagu dhex dhexaadiyey (Norway/Oslo) nimankii garta naqqay, waxay garta siiyeen Gaariye. Hase ahaatee, may ahayn ilaa iyo xad niman u war haya mawduucan ( Yaa daah furay miisaanka maansada Somaliyeed).

 

Dr.Carraale, maaha nin caan ku ah Somalida dhexdeeda. Waayo, waa nin xag aqqooneed aad u dhisan, xogta iyo caddaynta sheegaysa inuu Dr Carraale miisaanka maansada leeyahayna, waxaa ka mid ah:

 

(1) Waraysi laga qaaday inantii Fadumo-Cureji oo ahayd shaqaalihii Somali National University, markii danbena noqotay Vice Minister of education, ayaa waxay haysaa kaydkii iyo Hantidii Jaamacada, waxayna haysaa buugii Carraale 1976 qoray, kagana sheekaynayo Miisaanka Maansada

 

(2) Waxaa jira, rag fara badan oo Gaariye markhaati ka dhigtay, Hadraawi iyo Rashiid Sheekh Cabdillaahina ka mid yihiin, hase ahaatee Gaariye wax marag ah may siin

 

(3) Dr Arrale, wuxuu hayaa wax taffa tiran, qaab xisaabeed iyo qaab cilmina dhisan. Muujinaya, inuu yahay ninkii fakradan iska lahaa, Jaamacadii ummada Somaliyeed ay ansixisay, dhinac kastana isu dheelli tiran.

 

(4)Gaariye, waa suugaanyahan Somaliyeed. Cidina uma diidana, laakiin maaha nin wuxuu ku doodayo, qaab cilmiyan ah uga doodi kara. Waxa uu hayaana, ma dhaafsiisna hadal iyo Joornaalkii Xidigta Waaberi caddad ka mid ahaa, oo soo baxay 1978. Soona qoray inuu Gaariye yahay ninkii daah furay miisaanka maansada. Caddaynta Dr Carraale hayaa, way ka wayntahay tan Gaariye. Waxaana saaran ansixin ay ansixisay NSU.

 

Almuhim, Oodweyne :D aan kula kaftamee, Dr Arrale waa nin reer Oodweyne ah. Maaha reer Dhahareed. :D markaa hadaad qoraalka Dhahar ku aragtay, waxba dhiiga haysku karine. Bal wax soo dhaga dhageey....

 

Nabady

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa ay Gaariye iyo Caraale ku doodayaan waa uun yaa hor qoray. Laakiin araahda iyo sharciyada suugaanta iyo abla ablaynta afSoomaaliga labadaba wey ka horeysey, ee waxaa horey u sharaxay Allaha u naxariistee Raage Ugaas, iyaguna taa madiidin wali:-

 

Waxaana tusaale u ah markuu Raage Ugaas leeyahay:

 

"Hadal waa tiraab iyo tix uun, waxaad tidhaahdaaye."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Awoowe halka laga hadlayaa Areys Ciise (AUN) way ka sarraysaa ...............

Soomaali dhibka heystaa wuxuu yahay, kan ayaa sareeya iyo kan waalaga sareeyaa! MMA fikir ahaan waan la qabaa in labadaba Suugaan ahaan uu Careys uu soo jiidasho leeyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Koora-Tuunshe:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

Awoowe halka laga hadlayaa Areys Ciise (AUN) way ka sarraysaa ...............

Soomaali dhibka heystaa wuxuu yahay, kan ayaa sareeya iyo kan waalaga sareeyaa! MMA fikir ahaan waan la qabaa in labadaba Suugaan ahaan uu Careys uu soo jiidasho leeyahay.
U sheeg. Sareeyaa kulahaa. Aniga Careys ayaa sareeyo ma dhihin. Aragtideyda dhiibtay oo ah in uu asaga, waa Careys Ciise Kaarshe, ila soo jiidasho leeyahay than the other two, not that I have anything against the other two.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this