Sign in to follow this  
Siciid1986

Markabkii ugu weynaa ee abid yimaada biyaha Somaliland oo ku soo xidhay Marsada ....

Recommended Posts

Markabkii ugu weynaa ee abid yimaada biyaha Somaliland oo ku soo xidhay Marsada Caalamiga ah ee Berbera+Sawirro

 

Berbera-November, 08, 2009-(Berberanews)-Markabkiiugu weynaa ee abid yimaada biyaha Somaliland, ayaa maanta markii uu horraysay ku soo xidhay Dekedda magaalada Berbera tan iyo markii la dhisay. Markabkan oo dhererkiisu yahay 236 Mitir, halka cabirka uu kula jiro biyaha ee afka qallaad loo yaqaanno (Deep Line) uu yahay 9.7 mitir oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn maraakiibta isaga kala goosha dalalka adduunka.

 

Markabkan oo uu raran qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, islamarkaana sida raashin kala duwan, ayaa layaab iyo ammakaag ku riday dadweynaha reer Berbera iyo shaqaalaha dekedda Berbera oo iyagu heegan u gallay sidii ay u soo xidhi lahaayeen markabkan, kuna guulaystay. Kaasoo boqolkiiba affartan qabsaday qaadka guud ee Dekedda Berbera.

 

Sida uu noo soo tebiyey weriyaha shebekadda Berberanews ee Gobolka Saaxil Yaasiin Jaamac Cali, maamulka dekedda Berbera, ayaa si weyn u soo dhaweeyey imaatinkan markabkan weyn oo ay ku sifeeyeen tallaabo wanaagsan oo u soo korodhay sumcadda dekedda.

 

Maareeye-ku-xigeenka Dekeda Berbera Bille Xirsi Ciid oo ka hadlay immaatinka markabkan, isagoo ku sugan dekeda sheegay inay maamul ahaan soo dhawaynayaan, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa; “Waxaanu aad ugu faraxsanahay soona dhawaynaynaa maraakiibta caalamiga ah ee ku soo xidha dekeda Berbera oo sumcad iyo sharafba innoo ah, maamul iyo shaqaaleba waxaanu heegan ugu jirnaa hourmarinta dekeda Berbera, adeega guud ee aanu bixinaa waa boqolkiiba boqol dhinaca shaqaalaha iyo qalabkaba, waana deked shaqaysa 24 saacadoodba.”

 

Maareeye ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay ku gudo-jiraan qoditaanka cabirka hoose ee biyaha ay ku soo xidhaan maraakiibtu oo ay u addeegsanayaan qallab casriya oo ay soo iibsadeen, isagoo intaa ku daray inay sii xoojinayaan adeega shaqo ee dekedda.

 

Mid ka mid bayloolada ka shaqeeya dekeda ee soo xidha maraakiibta, laguna magacaabo Xirsi oo ku guulaystay xidhitaankan markabkan, ayaa isaguna ka warbixiyey dareenkiisa “Aad baan ugu faraxsanahay inaan markabkii ugu weynaa ee Dekeda Berbera yimaada ku soo xidho, runtiina wax faraqi uma dhexeyaan isaga iyo kuwii hore ee aan soo xidhi jiray, waana innoo sharaf iyo magac in maraakiib waaweyn oo caalamiya ku soo xidhaan dekedda

 

Dekedda Berbera, ayaa awood u leh inay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn, iyadoo biyaha deep-lineka loo yaqaanno ee dekedda Berbera ay iman karaan maraakiibta 12-ka mitir cabirkooda hoose yahay.

 

Yaasiin Jaamac Cali

 

Berberanews, reporter

 

 

Markab1.jpg

 

Markab2.jpg

 

Markab3.jpg

 

Markab4.jpg

 

Markab5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this