Sign in to follow this  
Maaddeey

Aadan Modoobe: Dawladda Ina Sharma'arke way dhacday!

Recommended Posts

Maaddeey   

Muqdisho: 16, May.10 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay dhacday xukuumada KMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Sharma’arke.

 

Waxaa uu sheegay in xukuumado ay u dhacday wax qabad la’aan waxaana arintaani ay timid kadib markii muran iyo buuq uu ku dhamaaday kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

 

Warkaasi oo faah faahsan filo goordhow Isha Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Aadan Madoobe:“Xukuumadii Cumar C/rashiid waa dhacday Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa inuu soo Magacaabo Ra’iisul wasaare”

By Somalimirror on 16 May, 2010 4:13 PM in Main, Wararka

 

Daqiiqado kadib Kulankii Buuqa iyo Dagaalka ku dhamaaday ee Baarlamaanka DKMG ayaa waxa Shir Jaa’id qabtay Sh Aadan Madoobe wuxuuna ku dhawaaqay inay dhacday gabi ahaanba Xukuumadii Cumar C/rashiid.

Aadan Madoobe oo ay Ciidamada AMISOM u qaadan dhanka Madaxtooyada kadib markii uu caay, buuq, Foore iyo Dagaal uu ku soo gabagaboobay Kulankii Saaka dhacay wuxuuna Xafiiskiisa Villa Somalia kaga dhawaaqay inay Dhacday Xukumadii Cumar C/rashiid isagoona sheegay inay cod u qaadeen.

 

Aadan Madoobe ayaa yiri:“Xumumada iyadaaba iska dhacday sidaa daraadeed kalsoonidii Baarlamaanka 280 Xildhibaan Gacanteytaageen waxay kala noqdeen kalsoonidii 30 Xildhibaan Xukuumaday Codkooda siiyeen 8 Xildhibaana wey ka aamuseen, sidaa daraadeed Xukuumadii waa dhacday, Madaxweynahana waxaan ka sugeynaa inuu soo Magacaabo Ra’iisul wasaare Xilkas ah waajibkiisa gudan karo Dalka badbaanin karo si loo helo dowlad waxtarleh, 30 Maalmood Gudohood waa inuu ku soo Magacaabo Ra’uusul wasaare Dalka Maamulikaro”.

 

Aadan Madoobe ayaa qirtay Gumaadka Saaka Ciidamada AMISOM u geysteen Shacabka wuxuuna sheegay inuu u tacsiyeynayo Dadkii dhibaatadu ka soo gaartay madaafiicda leysku weydaarsaday Kulankooda.

 

Lama oga sida uu u dhaqan galayo hadalka ka soo baxay Aadan Madoobe manajiro war kasoo baxay dhanka Xukuumada Cumar C/rashiid oo ku aadan arinkan.

 

Saxaafadii ka qeybgashay kulanka buuqa ku soo idlaaday ayaa sheegtay in Sawaxan iyo Foori maahana waxkale aysan Meesha ka dhicin, saacado kadibna lagu kaladareeray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Cumar C/rashiid: “Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanku Khiyaano Qaran Ayuu Galay” (Sawiro)

 

May 16, 2010 | NEWS

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu kaga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka isagoo sheegay in hadalka Aadan madoobe uu yahay nin daad qaaday xumbo cuskay isla markaana uu wixii maanta ka dambeeya aanu aheyn guddoomiye Baarlaamanka, isagoo taageeray go’aankii xubnaha golaha Baarlamaanka ay ku rideen Aadan madoobe kuna doorteen Guddoon cusub oo si kumeel gaara u shir guddoomiya.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa shirkiisan ku sheegay in waxa dhacay maanta uu kaga cudur daaranayo ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ayna tahay wax lala yaabo, maadaama Aadan Maxamed Nuur oo inta gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay ugu sheegay saxaafada in ay dhacday Xukuumadii dalka ka jirtay taasoo ah dembi Qaran iyo wax aan sharciga waafaqsaneyn.

 

“Waxa dhacay maanta waa wax aan muddo ka digeynay oo aniga iyo Madaxweynahaba aan isaga fakir aheyn in la qaboojiyo xiisada loona hogaansamo sharciga, balse waxa uu Guddoomiyihii hore ee Baaralamaanka sameeyey dembi Qaran, maadaama uu xukuumad sharci ah isku dayay inuu afkiisa ku burburiyo waana lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay.

 

“Guddoomiyihii hore ee Baaralaamka waa nasiib darro inuu sidaasi u dhaqmo, bahda saxaafaduna indhihiina ayaad ku aragteen in Golaha Baarlaamanku ay ku shireen Xarunta Golaha Baaralamaanka 318 xubnood isla markaana cod caqlabiyad leh ay ku diideen guddoonka Baarlamaanka” ayuu yiri Mr. Sharmarke oo wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u galbiyaan Madaxtooyada Aadan Madoobe maadaama sharciyan uu dhacay wixii ka dambeeyey codeyntii Baaralamanka.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo dhoweeyey doorashada guddoonka cusub wuxuuna xusay inuu la shaqeynayo inta looga gudbayo guddoon sharci ah oo bedela Aadan Madoobe.

 

Ugu dambeyntiina beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay is dejiyaan kalsoonidoodana ay adkeeyaan lagana gudbayo marxaladan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

 

Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenkii labaad ee Golaha Baarlaamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay go’aanka Aadan Madoobe mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaana kalitalisnimo ah isagoo xusay in sharciyan uu dhacay uuna yahay maanta wixii ka dambeeya xubin ka tirsan Baaralamaanka.

 

Garaad Salaad Xirsi

garaadcadde@hotmail.com

 

Xildhibaan Xaaji Shukri – PHotos by Radio Muqdisho

555.jpg

 

67.jpg

 

111.jpg

 

29.jpg

 

39.jpg

 

48.jpg

 

56.jpg

 

Kusimaha-guddoomiyaha-Baarlamaanka-Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Adan Madoobe oo La Sheegay in Xilkii Laga Ridey

May 16, 2010 | NEWS

 

 

Kalfadhigii Baarlamaanka ee maanta buuqu hareeyey ayaa wararka u danbeeyey ee ka soo baxay halkaas sheegayaan in Xildhibaano kor u dhaafaya 310 xildhibaan ay isku raaceen in waqtigii uu ka dhamaadey Adan Madoobe, isla markaana la soo dooranaayo Guddoomiye Cusub, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa arintaas saxaafadda u faahfaahiyey waxaana uu sheegay in Maalmaha soo socda uu shirguddoomin doono Xildhibaanka ugu da’da weyn isla markaana la soo dooran doono Guddoomiye cusub.

 

Adan Madoobe oo maanta ay u suurta geliweydey in uu la hadlo Xildhibaanada kadib markii ay buuq iyo qaylo kala hortageen kala bar Xildhibaanadii goobta fadhiyey ayaa saxaafadda u sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanku ay u codeeyeen in Xukuumaddii dhacdey.

 

Wararkan ayaa ah kuwo is diidan laakiin, waxaa cad in maanta shirkii uu ahaa mid buuq iyo xaalad aan deganayn ku dhamaadey.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The speech of the House Speeker comes after Awad Ahmed Ashareh, head of Somalia's Parliamentary Committee for Information, gave special interview to the Arabic international newspaper Asharq Alawsat and made an urgent appeal for the resignation of the transitional president and his Finance Minister Mr. Sharif Ahmed.

 

Soomaaliya: Madaxa Guddiga Baarlamaanka oo ugu baaqay inay si degdeg ah isu casilaan Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

May 12, 2010

SomaliTalk

 

Waxa uu yiri: “Waxaan ka dalbanayaa madaxweynaha in uu iska casilo xilka, sababtoo ah waxa uu ku guul daraystay qorshahiisii, waxaana isaga u wanaagsan in uu is casilo, sidaas waxaa la mid ah Ra’iisul wasaaraha. Maba lihin Ra’iisul Wasaare. Wasiirka Maaliyadda (Sheikh Sharif Xasan Aadan) ayaa ah hoggaamiyaha dhabta ah ee dawladda, waa marka la eego waaqaca jira. Waxana uu hadalkiisii raaciyey “ma jirto wax miisaaniyad la dejiyey, ma jiro nidaam waadax ah (ama xisaabtan muuqda), waxay isku dayeen in badda ka iibiyaan Kenya, wax lacag ah ma soo hor dhigin miisaaniyadda dalka.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this