Sign in to follow this  
Dhubad.

TFG vs Shabelle

Recommended Posts

Dhubad.   

The TFG is targeting the independent media such as Shebelle by terrorizing their reporters. In the last few days, they have beaten, arrested some of their field reporters and in some cases they attempted murder.

 

 

Wariyeyaal ka tirsan shabelle oo xabsiga loo taxaabay

 

 

Mogadishu 21, March.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa xarig iyo jirdil kula kacay wariyeyaal ka tirsan shabakada warbaahinta shabelle oo howlo shaqo loogu yeeray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wariye Max'ed Bashiir Sheikh C/raxmaan

 

Wariye Max'ed Bashiir Sheekh C/raxmaan iyo Cismaan Qoryooleey oo ka tirsan shaqaalaha Shabelle ayaa qalabkii iyo baabuurkii ay wateen ay xabsiga u taxaabeen ciidamada dowladda kMG ah ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, xilli suxufiyiintaasi ay garoonka diyaaradaha u tageen shir Jaraa'id oo la sheegay in uu halkaasi ku qabanayo Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, Cali Max'ed Ghedi.

Darawal Cismaan Qoryooleey oo agtaagan Gaariga shabelle ee maanta dowladda ay qabsatay oo ciidamana ay ku daabulaneysay.

NB, Sawirkaan waa sawir hore oo xilligii shabelle ay kaalmooyinka u qeybin jirtey xeryaha dadka Soo barakacay

 

Wariye Max'ed Bashiir Sheekh C/raxmaan ayaa markii ay qabteen ilaalada garoonka diyaaradaha ay kula kaceen jirdil, iyagoo u soo kaxeystay isaga iyo Cismaan Qoryooleey Xabsi ku yaala dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ilaa iyo haatan ay ku xiran yihiin, iyadoo ciidamada dowladda KMG ah ay wateen baabuurkii idaacadda shabelle oo ku buufsan astaanta shabakada W.Shabelle, isla markaana aan la aqoonin halka ay la aadeen baabuurka.

 

Goojoogayaal ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa shabelle u sheegay in gaarigii idaacadda lagu daabulayay ciidamada dowladda KMG ah.

 

Agaasimaha shabakada warbaahinta shabelle, Shukri Sheekh Cali oo ka xun falalkaasi lagula kacay wariyeyaasha iyo shaqaalaha shabakada warbaahinta shabelle, ayaa waxa ay xiriir la sameysay Mas'uuliyiinta nabadgalyada garoonka iyo dekedda, iyadoo mas'uuliyiintaasi ay sheegeen in aysan ka warheyn xarigga wariyeyaashaasi.

 

Horey ayay ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan garoonka Muqdisho ugu hanjabeen suxufiyiinta gudaha iyo dibadda in ay 4 xabadood ku dhufanayaan haddii ay yimaadaan garoonka Muqdisho.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia xarig iyo jirdil ay kula kacaan wariyeyaasha ka howl-gala saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

 

Horraantii bishaan waxaa magaalada Muqdisho Jirdil ba'an ay ciidamada Ethiopia ay u geysteen 4 wariye oo ka tirsan shabakada warbaahinta shabelle oo mid ka mid ah wali xaaladdiisa ay aad u liidato.

 

Sidoo kale ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxa ay muddo 10 cesho ah xabsi ay ku hayeen wariye Xasan **** Dhaqane oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda Hornafrik.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this