Sign in to follow this  
Xudeedi

Family Sports Feud

Recommended Posts

Xudeedi   

There seems to be consistent killing since the regional soccer tournament begin. Sports should be an exciting event but i what i don't understand is that why would someone shower bullets to a whole spectators just because their team is winning or in other words they are fan of the visiting team?

 

Second, It is proven that the city administration can't secure the safety of the people in these cities. Are they just figureheads or legitimate in their security operation? I am saddened.

------------------------------------------

 

3 qof oo ku dhimatay shaqaaqo ka dhacday garoonka kubada cagta ee magaalada Boosaaso

 

Sabti, May 01 2004

 

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay galabta garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Boosaaso ka gadaal markii nin ka mid ah ciidan halkaasi joogay uu rasaas ku furay dadkan oo ka mid ahaa daawadayaashii ciyaarta kuwaasi oo la sheegay inay ku soo qamaameen halka lagu ciyaaro ee garoonka dabadeedna ay hajuumen garsoorihii dhexdhexaadinayay ciyaarta.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dadkan dhintay ay kala ahaayeen gabar lagu magacaabo Faa'iza Boodhle Faarax oo markiiba ku qurbaxday isla goobta iyo laba wiil oo lagu kala magacaabo C/risaaq Caydiid Xuseen iyo Abokor Macalin Sheekh oo iyagu dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso oo ay markii dambe ku geeriyoodeen.

 

Idaacada SBC oo wax ka waydiisay arinta shilkan dambi baare ka tirsan Saldhiga Bartamaha Magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Bashiir Ismaaciil Axmed (Hoobaali) ayaa xaqiijiyay in ninka falkan gaystay aan lahayn isla markaana aysan garanayn ciidanka uu ka tirsan yahay.

 

Bashiir wuxuu sheegay in Guddiga Ciyaarahu ay mararkii hore u soo gudbin jireen inta ciidan ee ay u baahan yihiin balse maanta aysan u soo gudbin baahidooda ciidan, sidaa awgeedna aysan wax war ka hayn ciidanka uu ka tirsan yahay gacan ku dhiiglahaas.

 

Wararkii ugu dambeeyaya ayaa sheegaya in haatan ciidamda Boliisku ku raad joogaan ninkii dilkan geystay.

 

Dhanka kale dadweynaha Magaalada Boosaaso gaar ahaan kuwa ciyaaraha xiiseeya iyo dadka ku agdhaw Garoonka Kubada Cagta Magaalada ayaa si weyn uga cabanayay amaan dari ba'an oo maalmahan ka jiray garoonka intii ay socdeen ciyaaruhu.

 

Waxaa garoonka caadi ka noqday todobaadyadii tagey dhawaaqa rasaasta oo caadiyan ka dhici jirtay taasi oo dadka ku abuurtay argagax saa'id ah.

 

Magaalada Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nabada wanaagsan Dalka Soomaaliya balse intii ay ciyaaruhu ka bilowdeen garoonka waxaa xaafadaha u dhaw ka cabanayeen rasaas ilaa iyo haatan aan la ogayn ujeedada ay u dhacdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this