Sign in to follow this  
Juje

Qarax Miino lala beegsaday madaxii ilaalada Ra’iisal Wasaarayaasha Soomaaliya + PICS

Recommended Posts

Juje   

Qarax Miino oo saakay Muqdisho lagula beegsaday madaxii ilaalada Ra’iisal Wasaarayaasha Soomaaliya

 

Ina Lillahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun.....Allah u naxairisto..amiin!

 

 

Waxaa saakay qarax miino loo adeegsaday madaxii ilaalada Ra’iisal Wasaarayaashii soo maray dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay ridistii dowladdii Milateriga Maxamed Siyaad, waxaana Taliyahan oo lagu magacaabi jiray Cubeyd Maxamuud Maxamed la sheegay in qaraxa miinada lala beegsaday xilli uu ka soo baxayay gurigiisa.

Allaha u naxariistee waxaa isla goobtaasi ku geeriyooday Taliye Cubeyd, Sarkaal kale oo la socday iyo mid ka mid ah ilaaladiisa, iyadoona sidoo kale qaraxa miino ay ku dhaawacmeen ilaa saddex qof rayid ah oo goobtaasi ka dhowaa.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inay tahay nooca Rimudka laga hago, iyadoo gaarigii ay wateen Taliyaha iyo ilaaladiisa la sheegayo inuu ka burburay afka hore oo dhan, waxaana goobta goobta falkaasi uu ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda, iyagoona bilaabay baaritaanno la xiriira cida ka dambeysa qaraxa.

Waa markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dalka timid dowladda midnimada Qaran, iyaadoo dadka degan Muqdisho ay aragrtiyo kala duwan ka bixiyeen.

 

Qarax_Miino_1.JPG

 

cubeyd.jpg

 

Qarax_Miino_2.JPG

 

Qarax_Miino_3.JPG

 

The other two killed alongside Cubeyd were his brothers...dhamantood Allah u naxaaristo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allaha u naxariisto, gacanka xaqdaran baa dishay. The man was doing his patriotic duty and that makes him shahiid if that was the motive for the killing and puts the killers in the hell fire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this