Sign in to follow this  
ansaar17

faahfaahin ku saabsan sida uu u dhacay dagaalkii maanta muqdisho ka socday

Recommended Posts

ansaar17   

Muqdisho 31 Maarso 07 (Beerdhiga ) Dagaalkii ka socday maanta magaalada muqdisho oo galay maalintiisii saddexaad ayaa waxa uu bilowday xalay saqdii dhexe abaarihii labadii iyo qadar daqiiqado ah 2:10, dagaalkan ayaa waxa soo qaaday ciidamo itoobiyaan ah oo ka soo baxay xarunta madaxtooyada villa soomaaliya oo loo fahmay in ay gurmad u yihiin ciidamadii ku go’doonsanaa isbartiibada iyo xaruntii xisbiga.Ciidamadan ayaa watay shan ural ah iyo labo taangi.

 

Si kastaba ha ahaatee Ciidamadan markay marayeen agagaarka saldhigii wardhiigleey ee xaafada xamar bille ayaa waxay bilaabeen in ay ku garaacaan madaafiic dhamaan agagaaraha goobihii ay ku tuhmayeen xoogagii muqaawamada, daqiiqado kadib markii ay socotay madaafiicdan ayaa waxaa is helay ciidamadii itoobiyaanka oo lug ah kana dagay baabuurtoodii iyo xoogagii muqaawamada, dagaal yar kadib waxay ciidamadii itoobiyaanku xoog ku galeen xaruntii xisbiga iyo isbartiibada iyaga iyo baabuurtoodiiba.

 

Abaarihii 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ayaa waxaa xaruntii xisbiga iyo isbartiibada ay ku go’doonsanaayeen ciidamadii hore iyo kuwii danbe ka soo baxay labo ural iyo hal taangi taasoo lagu tilmaamay in ay soo qaadeen ciidamadii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii ku qabsaday goobahaas.

 

Ciidamadan ayaa la gudbay baaburtoodii,waxaana la sheegayaa maanta galinkii hore in labadaas uuraal oo ay ka soo suurayaan dhimasho iyo dhaawacba ay ku sii socdeen wadada afgooye taasoo aan la hubin meel ay ku sii wajahanyihiin.

 

Labadan ural ayaa waxaa ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugnaa isgoyska banaadir in markii ay ciidamadu marayeen halkaas ay ku dileen labo qofood oo rayid ah oo aan waxba galabsanin.

 

Dhinaca kale ciidamadii xalay xooga ku soo jiiray ayaa dajiyay qaar kamid ah baabuurtoodii dagaalka agagaaraha isgoyska cali kamiin.

 

Abaarihii salaadii subax kadib ayaa waxay ciidamada xoogaga muqaawamadu ku qaadeen weerar kuna qabsadeen isgoyskii cali kamiin iyo nawaaxigiisa.

 

Dhinaca kala saacadu markay ahayd 11:20 ee barqanimo ayaa waxaa ay ilo ku dhadhow xoogaga muqaawamadu noo xaqiijiyeen in lagu garaacay hoobiyaal aan ka yarayn 50(konton) hoobiye madaxtooyada villa soomaaliya.

 

Dhinaca kale waxaa maanta duhurnimadii laga bilaabo ilaa salaadii casar socday weeraro isbiimayn ah oo ay soo qaadayeen ciidamada itoobiyaanka ah ee ku sugan soona madaxtooyada villa soomaaliya.

 

Dhinaca kale intii u dhaxaysay salaadii duhur iyo salaadii casar ayaa waxaa ay xoogaga muqaawamadu hoobiyaal ay tiradoodu gaarayso 50 (konton) hoobiye ku garaaceen isbartiibada iyo xaruntii xisbiga, qaaca iyo qiiqa ka baxayay labadaasi goobood ayaa isku shareeray hawada taasoo laga wada arkayay meelo badan,sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen ilo ku dhadhow xoogaga muqaawamada in la arkayay in lala helay hoobiyaashaas hal suug oo taagnaa gobtii dagaalka kadibna waxaa joogsaday rasaastii uu ridayay,sidoo kale wax yar kadib ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhadhow muqaawamada in ay ciidamadii kujiray isbartiibada iyo xaruntii xisbiga, ooda soo jabsadeen iyagoo qaylinaya isla mar ahaantaas ayaa waxaa is qabsaday rasaas xoogan oo laga wada maqlayay goobaha ku dhaw aagaas, rasaastan ayaa waxaa isweydaarsaday ciidamadii ka soo baxay isbartiibada iyo kuwii xoogaga muqawamada ee ku sugnaa agagaarka isgoyska cali kamiin, wax yar kadib waxaa dib loo celiyay ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee ka soo baxay isbartiibada iyo xarunta xisbiga.

 

si kastaba ha ahaatee ciidamada ku kala sugan madaxtooyada villa soomaaliya, gaashaandhiga iyo asluubta ayaa waxa ay maanta abaarihii labadii 2:00 duhurnimo ku gaaraaceen dhamaan daafaha magaalada muqdisho madaafiic aan aaba yeel lahayn waxaana si gaar ah xasuuqaasi u waxyeeleeyay inta u dhaxaysa xaafada shiirkole ilaa towfiiq.

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this