Sign in to follow this  
Emperor

Largest civil displacement, the whole of Kaaraan and North Mogadishu moving away...

Recommended Posts

Emperor   

Barakac balaaran oo maanta ka socoaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho oo maalintii 3-aad dagaalo ay ka dhacayaan

(DAAWO SAWIRADA)

 

 

Inkastoo horey looga barakacay inta badan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka barakac aad u xoogan uu ka soconayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho oo ka mid aheyd degmooyinka nabdoon ee sanadihii la soo dhaafay ka badbaaday dagaalada, dadkuna ay si aad ah ugu badnaayeen, waxaana dadka degmadaasi ka barakacaya ka mid ah kuwo horey uga soo barakacay degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid oo mudooyinkii dambeeyey ay saameyn xoogan ku yeesheen dagaalada iyadoo goor dhoweydna ay degmadaasi dib ugu soo cusboonaadeen dagaalo maalinii 3-aad galay oo dhexmaraya ciidamada DF Somalia iyo xarakada mujaahidiinta Al shabaab.

 

 

Barakaca ka jira degmada kaaraan ayaa yimid ka gadaal markii ay ku soo dhowaadeen dagaalo qaraar oo maalmihii ugu dambeeyey duleedka degmadaasi ku dhexmarayey ciidamada DF Somalia iyo xarakada mujaahidiinta Al shabaab, kuwaasoo geystay qasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaaawc badan oo soo gaaray dad rayid ah labada dhinac intaba, waxaana dhinaca kale dib u bilowday socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al Mukarama oo shalay gelinkii dambe ay dagaalo ka dhaceen inkastoo dadku ay cabsi xoogan muujiyaan iyagoo ka dareen qaba in dagaaladu ay dib u qarxaan.

 

 

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Muqdishoshalay oo kaliya ayaa gaaraysa inta laga warqabo ilaa 60 ruux oo rayid ah halka in ka badan 200 kale oo dhaawac ah la gaarsiiyey isbitaalada Madiina iyo Dayniile kuwaasoo iskugu jira haween caruur iyo dhalinyaro madaafiic iyo rasaas habow ah ay ku haleeshay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaaladaasi iyo kuwa gaadiidka gurmadka deg deg ah, lamana oga sida xaalada magaalada ay noqon doonto saacadaha iyo maalmaha soo socda iyadoo dagaalada ay yihiin kuwa ka sii daraya kuna sii fidaya goobo hor leh

 

 

 

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Barakicii ugu ballaarnaa oo ka soconaya Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho

 

Barakac xoogan ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho, kadib markii shalay dagaalo xoogan ay ka dhacaan deegaano horay dagalaada uga nabdoonaa.

 

Dadka barakacaya oo uu ku jiro jahwareer ayaan qaarkood garaneyn meel ay u cararaan, waxaana iyagoo walaacsan ay yihiin kuwo kolba meel u cararaya si ay u raadsadaan meel ay maciinsadaan oo ay ku nabad galaan.

 

Boqolaal qoys ayaa ka barakacaya Degmada Kaaraan oo horay dadka ka barakacayay dagaalada Muqdisho ay u carareen, dadka qaar ayaa cabsida ugu weyn ee ay dareemeen kadib markii madaafiic lagu soo duqeeyay xaafadahooda.

 

In ka badan 15 ruux ayaa ku dhimatay dagaalo goos goos ah iyo duqeymo loo geystay degmada kaaraan gelinkii dambe ee shalay,waxaana jawiga u muuqdaa mid kacsan.

 

Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa isku hor fadhiya duleedka degmada Kaaraan,iyadoo suura gal tahay in daqiiqad kasta ay isku dhacaan ama ay dirirtu ka dhex bilaabato.

 

Degenaanshaha laga dareemayo saaka goobaha lagu dagaalamayay ayaa ah mid hal lug ku taagan,waxaana suura gal ah in daqiiqad kasta uu labada dhinacba dagaal ka dhex qarxo.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Abti, this is Tragic, Tragic, Tragic!

 

Read the news above your post, Jowhar reports the largest displacement, tell me where do all this people go to even if the escaped and fled from the bulletts... Ilahay ha ugargaaro, cawaan aanna kala adkaanayn meelna kala tagayn ayaa dadki baab'inaysa...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Since 2006 they have been displacing people. Then the blame was on others now they do not know who to blame.

 

The money raised for Al Shabaab from the clan diaspoora and the missuse of the holly Mosques has resulted in this.

 

They polted but evil only begets evil.

 

May the innocent women and children be saved ya Allah SWT.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this