Sign in to follow this  
General Duke

Barre Hiiraale and Yusuf Inda-Cade, dead or missing in Dhoobley

Recommended Posts

Dhoobley:Ciidammada SPM/SRRC oo ka sifeeyey maleeshiyadii duullaanka ku soo qaaday aagga dhoobley

- Friday, September 17, 2004 at 18:38

 

Nairobi(Allpuntland)-Wararka aanu ka helayno ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Dhoobley ee ku taal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa xaqiijinaya in maanta duhurnimadii ay magaaladaas soo galeen kooxo isbahaysato ah oo isugu jirey maleeshiyooyin kala taabacsan ninka ganacsadaha ah ee la yiraahdo Yuusuf Indhacadde,Barre Hiiraale,Muuse Suudi,Xasan Turki,iyo kooxo kale oo ay gacansaar leeyihiin.

 

Kooxahaas ayaa waxay dhibaato naf iyo maalba leh u geysteen dadkii degaankaas ku sugnaa ,iyagoo sabab uga dhigay inay raacsan yihiin xoogagga SPM/SRRC ,waxayna bililiqo u geysteen hantidii taaley magaaladaas ,iyagoo dab qabadsiiyey dhismayaal farabadan oo halkaas ku yaaley,isla markaana gubey labadii matoor ee ceelka biyaha iyo masaajidkii degmada.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in kooxahaasi ay dadka deegaanka ku amreen inay wax allaale iyo wixii ay hub haystaan ay iyaga u soo gacan geliyaan ,taasina waxay ka caraysiisay dadkii deegaanka oo dagaal ba'an kala horyimid kooxahaas.

 

Dagaalladaa ba'an ee halkaa ka dhacay ayaa sababay inay shacabkii ku sugnaa degmadaasi ka saaraan magaalada ,waxaana iyaga oo weli la xarbinaya kuwa duulaanka soo qaaday ,gadaal kaga yimid ciidammada SPM/SRRC da oo u tababaran sida milleteriga kuwaasoo ka dhigay maleeshiyooyinkii duullaanka ku qabsaday magaaladaas wax la diley,wax dhaawacmay oo ay goobtii kaga carareen iyo wax u cararay dhanka magaalada Qooqaani oo iyagana ay ku raad joogaan sida ay sheeganayaan ciidammada SPM/SRRCdu.

 

Col.Barre Hiiraale iyo Yuusuf Indhacadde oo halka dagaalku ka dhacay ku sugnaa ayaan la aqoon halka ay ku danbeeyeen,inkastoo sarkaal u hadlay ciidammada SPM/SRRCdu uu sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ,maadaama ay dadka deegaanka u geysteen dhibaato dil,dhac iyo gubitaan hantiyeed ah ayna abaalkooda marin doonaan ,iyagoo u dhiibi doona bulshada caalamka marka la soo qabto.

 

Dhinaca kale ciidammada SPM/SRRC ee ku sugan aagga hore ee dagaalka ku wajahan magaalada dekedda ah ee Kismaayo ayaa goobohoodii jooga ,iyagoo wararka soo baxayaa ay sheegayaan in maanta weeraro ay ku soo qaadeen isbahaysiga Dooxadda Jubba ay ku jebiyeen oo dib u waabiyeen,waxaana la filayaa inay dagaaladu ku sii siqayaan dhanka Kismaayo.

 

Ka sokow ciidankaan lagu kala firdhiyey magaalada Dhoobley ayaa wararka qaarkood oo ka soo baxaya dhinaca SPM/SRRCdu ay sheegayaan in dagaalkaas galabta lagu xoreynayey magaalada Dhoobley lagu diley ninkii ku xigeenka u ahaa Xasan Turki iyo weliba in uu dhaawacmay guddoomiyaha isbahaysiga dooxadda Jubba ,xildhibaanka baxsadka ah Col.Barre Hiiraale,inkastoo aannaan hayn warar madax bannaan oo arrintaas xaqiijinaya.

 

Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa la sheegayaa inuu isaguna dib ugu soo biiray ciidanka SPM/SRRC ee dhinaca Jubbooyinka ,ka dib markii uu saaka dib u gurasho xeel dagaal ah goobtiisii dib uga gurtay ka dib markii taliska SPM/SRRCda ay soo weerareen maleeshiyooyinkaas kala duwani.

 

Wixii warar ah ee arrimaha colaadahaas ka soo kordha ,iyadoo la filayo in ilaa berito ay dagaallo kale ka dhacaan agagaarka magaalada Kismaayo dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii ALLE idmo.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaare intee le'eg baa soo gaadhay Dhoobley ... 17/9/04

 

 

Ciidmadii Isbahaysiga dooxada/Yuusuf indhacade ayaa dad ku laayay Dhoobley isla markaana gubey guryo iyo dhismayaal ka hor intii aan laga saarin magaalada..

 

Khadkii teleefonada ayaa ka baxsan hawada ka dib markii ay gubeen ciidanka soo weerar magaalada.

 

Taararka ayaase shaqaynaya ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

www.somalitribune.com

 

Warkale oo hadda na soo gaadhay ayaa shegaya in beesha ****** ay dib u qabsatay Dhoobley ..

 

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in hadda xagaas iyo Husunkow la isula sii caydhsanayo. Dhanka kale odoyaasha Afmadow ayaa hadda shir ku jira oo ka wada hadlaya siday u taakulayn lahaayeen reer Dhoobley ..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii Jubadda Hoose iyo Dooxadda Jubba oo dib looga saaray Dhooblay

By PP Posted to the web 17-09-2004, 19:14:08

 

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in maanta dagaalo kharaar ku dhexmareen Ciidamada Gen.Morgan iyo Kuwa Isbahaysga Dooxadda Jubba Hoosungo,Buulo xaaji iyo Dhoobley oo ku taal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

[Waxaa lagu soo waramayaa in saaka aroortii ciidamo ka amarqaata Dooxadda Jubba ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Morgan ee ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ee Buulo xaaji iyo Hoosungo,waxaana halkaasi dagaal ba,an ku dhexmaray labada dhinac,iyadoo wararka ka imaanaya jiido hore ee dagaalku ay sheegayaan in Ciidanka Morgan iska caabiyeen duulaankii lagu soo qaaday,iyagoo khasaare lixaadle u geystay Dooxadda Jubba oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba,islamarkaasna ay dib u riixeen.

 

Sikasta ba ha ahaatee,Taliska ciidamada Morgan oo isagu markaas ku sugnaa ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay gadaal ka soo wareerareen Ciidamo taageersanaa Yuusuf Indhacade iyo Gen.Galaal ee gurmadka uga yimid Xamar iyo Shabeellada hoose,taasoo keentay in goobtaasi dagaal kharaar ku dhexmaro,iyadoo Gen.Morgan si xeelad ah goobtii dagaalka u badashay,isagoo u soo durkay meel aan ka fogayn Dhoobley,waxayna Ciidamadii isbahaysigu galeen dhoobley maanta duhurkii,iyagoo halkaasi bililiqo ba,an ka geystay.

 

Hase yeeshee dadkii deegaanka ayaa waxaa ay dagaal la galeen Maleeshiyadii ku soo duushay ee qabsatay magaalada,waxaana dusha ka soo wareeray ciidankii Gen.Moorgan oo watay baabuurta gaashaaban ee loo yaqaan Tiknikada,iyagoo khasaare xoogle u geystay Ciidamadii Dooxadda Jubba taageerayey ee Xamar iyo Marka ka yimid si ay gacan ugu siiyaan Dooxadda Jubba difaaca Magaalada Kismaayo,waxayna galabta ka saareen dhoobley,iyagoo u baacsaday dhinaca Qooqaani oo ay u baxsadeen.

 

Sargaal ka tirsan SPM/SRRC ayaa wuxuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ay Idaacadda BBCda laanteeda Afsoomaaligu siidaysay maanta ee ay ku sheegtay in Morgan u gudbay xadka Kenya,isagoo ku tilmaamay warkaasi mid xaqiiqda ka fog,,wuxuuna sheegay inay ciimadoodu weli ku sugan yihiin goobihii hore ee ay joogeen,islamarkaasna ay iska caabiyeen maleeshiyooyinka xooggka ku haysta dhulka aysan lahayn ee ka soo duulay Galgaduud,isagoo beeniyey in wax Tikniko ah laga qabsaday,hase yeeshee wuxuu qirtay inay soo gaareen khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo uusan cadadkooda sheegin.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeyshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba oo xasuuqeen Maxaabiis ay qabteen & Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaaladii Jubbooyinka.

 

Dagaal Qaraar oo shalay ku dhex maray Hoozingoow iyo goobo kale oo jubooyinka ka mida ah maleeshiyada Dooxada Jubba ee xooga ku haysata magaalada Kismaayo iyo ciidamada Deegaanka jubooyinka ee SPM/SRRC ee uu horkacayo Gen. Moorgan ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay dagaalkaas qasaarooyin badan labada dhinacba. Warka ayaa sheegaya in subaxnimadii illaa duhurkii ciidamada Gen. Moorgan Gaarsiiyeen qasaarooyin ba'an maleeshiyada Isbahaysiga oo uu hogaaminayay Barre Hiiraale, khasaarahaas oo isugu jiray dhimasho gaaraysa 33 iyo in ka badan 50 dhaawac ah oo markii dambe qaarkood ku dhinteen intii loo sii waday isbitaalka Kismaayo iyo waliba gaadiidka dagaalka oo maleeshiyada dooxada Jubba looga qabsaday dagaalkaas.

 

Dagaalka oo intiisa badan ay ku gacan sareeyeen ciidamada Gen. Moorgan ayaa wararku sheegayaan in galabnimadii ay dagaalka soo galeen ciidamo badan oo gurmad ah oo Muqdishu ka tagay oo u badan beelaha Habar gidir kuwaas oo watay hub culus. ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay ka amar qaataan Col.Xasan Daahir Aweys oo ah ninka Madaxda u ah ururuka Itixaad qaybtiisa Muqdishu, horeyna u balan qaaday inuu galayo dagaalka Jubooyinka. Waxaa kaloo isla dagaalkaas ku jiray ciidamo uu wato nin la yiraahdo Xasan Turki oo watay maleeshiyo saldhig ku lahayd Raaskambooni, ninkaas oo ka mida dadka ay raadinayaan ciidamada Maraykanka laguna eedeeyay inuu ka mid yahay ururada argagixisada ayaa la sheegay inay gacan saar leeyihiin Col. Xasan Daahir Aweys. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay Ciidanka gen. Moorgan ay dhabar jabiyeen. Wararkaan ayaa sheegaya in garabka ay heleen maleeshiyada Dooxada Jubba ay u suuro galisay inay soo laba kacleeyaan iyadoo markii hore la soo gaarsiiyay meel aan magaalada Kismaayo wax saas ah ka fogayn. maleeshiyada Isbahaysiga dooxada Jubba iyo Kuwa Col.Xasan Daahir Aweys ayaa dhabar jabintaas ciidanka Moorgan uga qabsaday maxaabiis dhawr ah sida ay sheegayaan warar la soo xaqiijiyay oo ay isla goobtii ku xasuuqeen maleeshiyada Isbahaysigu iygoo sheegay inay caro kula dhaceen. Iyadoo aysan arintaani ahayn markii koowaad ee ay xasuuq noocaan sameeyaan iyadoo dhawr jeer oo hore oo dagaal noocaan ah dhacay ay maleeshiyada dooxada Jubba caadaysteen inay xasuuqaan maxaabiista dagaalka iyo waliba dadka shacabka ah ee aan hubaysnayn oo ay hayb ahaan u laayaan. Barre hiiraale ayaa asbuucii hore sheegay inuu jubooyinka ka isir sifaynayo dadka asalkoodu yahay *****ga ee ku abtirsida reer Puntland.

 

Gen. Moorgan oo la sheegay inay ciidamadiisu qabaan tababar sare ayaa markii ay ******** awooda ciidan oo cusub iyo gurmadka ay heleen maleeshiyada dooxada Jubba waxay sameeyeen dib isku habeeyn iyo xeeladoodii dagaalka oo ay wax ka badaleen dagaalkii oo socda, iyagoo isku kala qaybiyay qaybo kala duwan, waxayna isla markiiba dhabar jabin la haleen ciidan kale oo u soo gurmanayay maleeshiyada Jubooyinka oo ka mida ciidamada Yuusuf Indhacade oo isna ka mida ururka Itixaad xoogna ku haysta Magaalada Marka. Ciidanka Yuusuf indhacade ayaa la sheegayaa inay gaartay khasaare culus walise lama hayo tirada dhimashada iyo dhaawaca. Ciidamada Gen. Moorgan ayaa waxaa la sheegay dagaalkii shalay ka dib ay wali joogaan dagaanadii ay horey u joogeen iyadoo la sheegay inay xeeladahoodiina ay badaleen. Dagaalkaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay dagaalkii ugu kululaa ee ka dhaca jubooyinka ahaana kii ay ugu qasaare badnaayeen maleeshiyada Kismaayo xooga ku haysta tan iyo intii ay Kismaayo ka qabsadeen Gen. Moorgan 5 sanno ka hor. Warar lagu faafiyay saxaafada muqdishu oo sheegayay in Gen. Moorgan iyo ciidan uu wato ay u gudbeen gobolka Bakool ayaa la xaqiijiyay inaysan waxba ka jirin, waxaa kaloo la beeniyay warar kale oo laga sheegay laanta afka Somaliga BBC oo sheegayay in Gen. Moorgan iyo ciidankiisu u talaabeen dhinaca xadka Kenya. Wararka been abuurka ah ayaa waayadaan wuxuu noqday qayb ka mida dagaalka iyadoo niyad jab looga dhigayo hadba cida loo wado.

 

Haddaba iyadoo ciidamada Maleeshiyada dooxada Jubba ay ka heleen gurmad toosa oo badan beelaha Mugadishu iyo kooxaha maxkamadaha Islaamiga balse magaca islaamka ku shaqaysta, gaysteena xasuuq maxaabiis iyo shacab aan hubaysnayn ayaan wali wax canbaarayn ah aysan soo saarin Dawladaha IGAD iyadoo waliba ninka dagaalkaan abaabulay uu ka mid yahay baarlamaanka cusub ee Kenya lagu dhisay.

 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa soo saaray Qoraal ay ku cambaaraynayaan Dhinacyadda ka wadda Colaada Gobaladda Jubbooyinka. Waxaana ay Barre Hiiraale iyo Moorgan ugu baaqeen inay joojiyaan Dagaalka oo ay dib ugu soo laabtaan Shirka Soomaalidu ka socdo ee Kenya. IGAD ayaan xusin kooxaha kale ee Muqdishu ee dagaalka ku jira iyo waliba kooxda Xasan Turki ee deegankaas ka wada qas iyo nabad xumo.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Shariif Xasan ayaa isna baaq kan oo kale ah u jeediyay Moorgan iyo Barre Hiiraale. Wuxuuna ka codsaday in Khilaafkooda ay ku dhameeyaan Miiska Wadahadalka

 

Dagaaladan ayaa dib u billawday xilli uu Shirka Soomaalida uga socday Kenya gaaray horumar wanaagsan. Isla markaana la filayo in lagu soo dhiso Dawlad Soomaaliyeed. Mana muuqdaan illaa iyo hadda Tallaabooyin ad adag oo ay Beesha Caalamka iyo IGAD qaaday si ay hakiso Dagaalkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this