Sign in to follow this  
Muslim Somali

Weerarkii Xalay Lagu Qaaday Saldhiga Ugu Weyn Magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Weerar Xalay lagu qaaday saldhiga ugu qadiimsan magaalada Laascaanood oo xilligii gumaysiga la dhisay kuna yaala badhtamaha magaalada Laascaanood gar ahaan dhinaca waqooyi oo ay u baden yihiin xafiisyada magaaladu ayaa dadweynaha magaaladu waxay markiiba ku soo xoomeen saldhiga hareerihiisa iyo wadada laamiga ah saaka markig waagu baryey iyaga oo isweydiinaya xaaladan cusub ee magaalada La soo gudboonaatay.

 

 

Dadweynaha magaalada ayaa waxa ay aad si weydiinayeen ragga xalay soo weeraray saldhigan iyaga oo aad ula yaabanaa dhiiranaantooda, sababtoo ah saldhigan ayaa waxa uu ku yaalaa goob aan lagu dhiiran karin in xilli haben ah urur ku dhufo oo ka dhaqaa ahi uu weerar ku qaadi karo maadaama meelkasta ay ka xigaan malayshiyo, walibana taaasi ay sii dheertahay iyada oo sadexdii todobaad ee ugu danbeeyey feejignaan badani jirtay, ka dib markii weeraro isdaba joog ah lagu qaaday Hutel Xamdi iyo saldhiga Tuuloqodax.

 

 

Saaka waxaa la arkayey iyada oo malayshiyada kuwada sugnayd saldhigaasi ay kala baxayeen iyada oo kuwa ka yimi Hargeysa iyo Burco shakiweyni la soo gudboonaaday, markii mid iyaga ka mid ahi ku geeriyoodey weerarkii xalay , dhinacana isula baxeen, waxa kale oo halkaasi saaka ka muuqaday horjoogaha Malayshiyada saldhiga ninka lagu magacaabo Cali Qase oo cadho aad u baaxadweyni ka muuqatay qorina sitay.

 

 

Dadweynaha magaalada ayaa dareen culus ka muujiyey ninkii saaka ay malayshiyada Hargeysa ku dileen magaalada waxayna aad uga xumaadeen ninka oo ahaa nin ragga dhaxaanta ka shaqeeya ah oo jarmaado ku jiray sida xabbada ugu dhufteen ee aanay ugu gargaarin markii danbe, taas oo dadku la yaabeen iyaga oo isweydiiyey haddii uu ka mid ahaa raggii ay yidhaahdeen way na soo weerareen waxa ay ugu dadaaliwaayeen in ay daweeyaan oo badbaadiyaan hadhawna soo bandhigaan, isaga ob u dhintay dhaawac uu u dhiig baxay oo la badbaadin karg lahaa.

 

 

 

 

 

Shacabku waxa kale oo ay hadal hayeen sida ay arrimahani u yihiin kuwo bilow xoogan ku biloday, iyagoo dareemayey in ay tahay mid aan dhamaan karin ilaa ragga isa soo abaabulay guulo ka gaadhaan.

 

 

Waxaa socodkii marqudha la waayey malayshiyadii magaalada dhexdeeda sida caadiga u mari jirtay, waxana malayshiyo dheeraad ah lagu soo kordhiyey saldhigyada iyo goobaha magaalada ay ka fadhiyaan iyaga oo gaadiidka gaashaaman oo si xawliya magaalada u dhex maraya wata.

 

 

Xalay ayaa goordanbe waxa rag isa soo abaabulay ay weerar ku qaadeen saldhiga magaalada Laascaanood ugu weyn, halkaas oo ay ku dileen Askari ka soo jeeda malayshiyada Hargeysa, weerarkan oo ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq ayaa magaal ada Laascaanood aad looga dareemay, waxa kale oo xalay isagana ay ragaasi sii weerareen Xarunta wasaaradda Maaliyada oo Saldhiga aad ugu dhaw, sida ay sheegeen dad ku sugnaa xaruntaasi.

 

snmlaasqoray13.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in xalay weerar lagu soo qaaday saldhiga ayna kusoo qaadeen dad tiradoodu gaadhayso 26 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland,kuwaas oo weerarkoodu ahaa mid qorashaysan laakiin ay ka hortageen ciidamada sida gaarka ah u tababaran kuwaas oo ka dhaawacay mid ka mid ah ciidamdaas weerarka soo qaaday, mid kalena qabtay kana,furtay hubay ka mid yihiin Baasuukayaal,bubbooyin iyo waliba qoryaha fudud iyo dhamaan waxay ku halwgalayeen,kuwaas oo hadda yaal saldhiga dhexe' ayuu yiri Gudoomiyuhu.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this