Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The House of AbdiQasim Searched by Ethiopians

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-06-10 (Hadhwanaagnews) Muqdisho-(Hadhwanaagnews)-Guriga madaxweynihii hore ee Maamulkii Carta Dr.Cabdiqaasim salaad xasan oo ay maalintii shalay Baaris ka sameeyeen Ciidamada Itoobiya ayey kala bexeen laba baabuur oo nooca cabdi bilaha loo yaqaano iyo hub kale oo fudud.

 

Sidoo kale waxey Ciidamadaas Guriga C/qaasim ka qaateen Hanti isugu jirta, kombiyuutarro, matoorada dabka dhaliya iyo qalab kale.

 

Ciidamadii ilaalada ka ahaa guriga Cabdi qaasim ayaa la sheegay in si xun loo jir dily kadib markii ay isku dayeen inay ka celiyaan baarista iyo dhacca lagu sameynayay gurigaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Allamagan:

This is rubish andn not reliable as it is only Hadhwanaag reportting it..

ALlamagan it is not sxb, this actually took place although I do not know whether the torture and beating took place.

 

Waxaa igu maqaalo ah in xilligii uu Carta Admin xukumay in C/Qaasim ay Itoobiya ku tiri Cali Khaliif ka ceyri jagada prime minister si aan kuula shaqayno and he did that. If this is true I think Abdiqasim deserves this and this is nabsigii uu ummadda Soomaaliyeed ka galay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ sxb warar badan suuqa waa ku jiraan wixii run ahba inkastoo been u daban yihiin. Haddii dhacdadaasi run tahay socalled-tfg wa ku ceebobaysaa in odaygaas somali oo guri ku xareysan inaay baartaan oo ilaaladiisana xirxiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Allamagan, the news is also reported by other websites like Dayniile. These so called TFG is shameless, in fact they consider this as security crackdown !!

===============================================

 

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya baaritaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ay ku sameeyeen guriga C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee Soomaaliya

(Dadweynaha Muqdisho oo arintaasi ka xumaaday)

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya baaritaan gelinki dambe shalay ay ku sameeyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya guriga uu degan yahay Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka aheyd ee lagu soo dhisay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti, kaasoo ku yaala nawaaxiga Ex-dugisii sare ee Banaadir degmada hodan ee magaaladan Muqdisho.

 

Dr. C/Qaasim Salaad Xasan oo maalintii doraad ka oo laabtay safar uu dhinaca dibeda ugu maqnaa ayaa la sheegay inuu guriga ku sugnaa markii ay baarayeen ciidamada dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidamadu ay si aan waafaqsaneyn Borotokoolka iyo anshaxa u galeen guriga madaxweynahaasi hore, iyagoo la sheegay iney meel isugu geeyeen dadkii ku sugnaa gurigaasi oo ay ku jiraan C/qaasim laf ahaantiisa iyo xubno ka tirsan eheladiisa oo guriga kula noolaa.

 

Ciidamada ayaa la sheegay markaa ka dib ay baaritaan ugu dhaqaaqeen qeybaha kale ee guriga, iyagoo dibedana u soo dhigay alaabo waaweyn oo meelo kala duwan ku jirtay, iyagoo ka baaraya hub iyo waxyaabaha Qarxa oo sida ka sheegay ay baadi goob ugu jireen, kuna tuhmaayeen in halkaasi lagu qariyey, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamnadu ay galeen qolka uu sida gaarka ah u degan yahay C/qaasim, waxaana la sheegay in guriga ay ka qaateen qoryo ay heysteen ilaalada gaarka ah ee C/qaasim iyo labo baabuur oo uu lahaa oo gurigaasi tiilay sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah dadkii gurigaasi ku sugnaa markii la baarayey.

 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horantii sanadkan kula kulmay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho C/qaasim Salaad Xasan oo madaxweyne ka ahaa dowladdii TNG-dii Carta, isagoo kala hadlay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabad ku soo dabaalida magaalada oo xiligaasi ay si weyn uga soconayeen qaraxyo iyo hoobiyeyaal lala beegsanayey goobaha ay degan yihiin cidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda, inkastoo C/qaasim uu ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn u diidanaa joogitaanka ciidamnada Itoobiya ee gudaha wadanka Soomaaliya haddana wuu ogolaaday xiligaasi in laga wada shaqeeyo sidii dalka nabad loogu soo celin lahaa, lamana oga sababta keentay hadda baaritaanka ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ugu dhaqaaqeen guriga C/qaasim Salaad Xasan, hase ahaatee dadka ku xeel dheer siyaasadaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay in baaritankan uu qeyb ka yahay baaritaano mudooyinkanba ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiya ay la beegsanayeen siyaasiyiinta ku abtirsata beesha uu ka soo jeedo C/qaasim oo ay rumeysan yihiin iney si weyn hormuud ugu aheyd maxkamadihii Islaamiga ahaa ee laga adkaaday, waxaana arintan lagu baaray guriga C/qaasin si weyn uga xumaaday dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo u arka iney tahay mid sii murjin karta xaaladaha cakiran ee dalka ka jira.

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think there was a search but not like the way they describe it.

 

No one house is safe saxib. And this dude is not Adan Cade may Allah give him peace..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

No one is above the law, A/Qasin,Culusow,Daylaaf and their networks.

Sxb A/qassim is a former president.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

So? a former President can hide weapons?

So can new ones

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well thats you saxib, no one is above the law mate. Those days are gone, aswas highlighted by the fact the clan clown leaders like Culusow and Abdiqasin are being treated like commoners, which they are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this