Sign in to follow this  
Juje

War Deg-Deg ah: Dagaal ka qarxay Buulo Guduud, duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Juje   

War Deg-Deg ah: Dagaal ka qarxay Buulo Guduud, duleedka Kismaayo

 

KN: Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa duulaan ku qaaday fariimo ay ku sugnaayeen ciidamadii Xisbul Islaam ee Kismaayo laga saaray, meesha lagu magacaabo Buulo Guduud.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka la'isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Ciidamada meesha weeraray ayaa Kismaayo ka dhaqaaqay gabal dhicii, wuxuuna imanayaa maalin kadib markii Shabaabku aydagaal kula wareegeen Kismaayo, kana saareen ciidamadii iyo mas'uuliyiintii Xisbul Islaam.

 

Xogaha aan heeyno ayaa tibaaxa in shir albaabada u xiran oo illaa caawo ay u fadhiyeen mas'uulyintii Kismaayo laga saaray ee Xisbul Islaam ay kasoo baxeen go'aano la filayo in barito saxaafada loo aqriyo kuwaasoo ku aadan sidii laga yeeli lahaa arrinta Kismaayo.

 

Wallow la filayay in wadahadal ay ku baaqaan hadana waxaa muuqata in aanan loo kaadinin oo looga dabatagayo meel kasta oo ay cagta saaraan.

 

KismaayoNews waxay fahamsantahay in ciidamada Shabaab ee Kismaayo ku sugan ey intooda badan difaac ka hayaan Kismaayo ka sokow ciidamada ay u dirreen buulo guduud, sababtoo ah waxaa la filanayaa in magaalada laga soo weerari karo dhan kasta.

 

Wixii soo kordha kala soco KismaayoNews

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Warar aan ka helay Dad aan kula xariirnay Khadka Isgaarsiinta ayaa noo xaqiijiyay in uu Dagaal Xoogaan ka socdaa Duleedka Magaalada Kismaayo kaas oo Bilaambay Abaarahii 9:30 Fiidnimo Ilaa haatana uu Wali Socda, Waxanaa la isku Adeegsanayaa Hubka Culus iyo Kan Fudu Ilaa haatana Macada Khasaara labada Dhan soo kala Gaaray ee Dagaalku dhex marayo oo kala ah Xisbul Islaam iyo Alshabaab.

 

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Kooxda Shabaab la Baacsanayo meesha Weerarka ay iyagu bilaabeen in kastoo wali aan la sheegi karin Wax Dhabta ah ee Dagaalka ku danbayn doona Ayuu noogu sheegay Muwaadin Dadka Deegaanka Kismaayo ah.

 

Waxay ahayd Maalinimaadii Shalay Markii Xibul Islaam laga soo saaray Magaalada Kismaayo kadib Markii ay go,aan sadeen in Dagaalka ay dib u habeeyaan, Isla Caawo ayaa Maamulka Sare ee Xisbul Islaam Madax u hadashay sheegeen in Hadalka Alshabaab ka soo yeeray ee ah Axmed Modoobe oo shaqsi ah ayaan la dagaalan sanahay uu san noqon Cudur daar iyagoo markaas sheegay in Dagaalka Axmed Madoobe lagu qaaday yahay Dagaal Xisbul Islaam lagu soo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

War goordhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Janaa Cabdala ee duleedka Kismaayo dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab .

 

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka Xisbul Islaam oo aan ka fogey magaalada ay isku dhaceen sahan ay leeyihiin Al-Shabaab waxaana laga furtay Al-Shabaab hal gaari sida uu Halgan.net u sheegay sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam waxayna dib ugu noqdeen Al-Shabaab magaalada Kismaayo.

 

Ciidanka Xisbul Islaam ayaa waxaa ay ku soo durkeen magaalada Kismaayo waxaana ka jirta dhiilo colaadeed gudaha Kismaayo, Al-Shabaab ayaa isku diyaarinaya in ay difaacaan magaalada Kismaayo iyada oo hogaanka sare ee Xisbul Islaam go,aan qaadan doonaaa xiliyada soo socata.

 

Ilaa haatan ma jiraan cid u istaagatay in ay damiyaan fitanta ka dhexqaxday rag shalay Jihaad ku wada jiray mana muuqato in uu shaqeeyo caqliga loona laabto sharciga alle oo lagu kala baxo.

 

Xaalada ayaa haatan ah mid degan mana jiraan wax dagaalo ah oo ka dhacay degmada Buulogaduud sida ay baahiyeen saxaafada qaarkood.

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this