Sign in to follow this  
xiinfaniin

AU Road Map for Peace in Somalia

Recommended Posts

DF & mucaradka oo is-horfariistey

 

 

Waxaa suurogashay maanta inay si toos ah isku hor-fariistaan dhinacyada Somalida ee ku sugan dalka Jabuuti, kuwaasoo kala matalaya DF iyo Isbahaysiga mucaaradka ah ee xaruntiisu tahay Asmara.

 

Kulanka ay yeesheen oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wuxuu yimid kaddib markii xubno ka socda Beesha caalamka ay fargelin ku sameeyene shirka, kaddib markii rajo-xumo weyn uu ka mujiyay shirku Wakiilka UN-ka ee arrimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah.

 

Safiirrada u fadhiya Jabuuti dalalka Mareykanka, Talyaaniga, Faransiiska, Ingiriiska iyo madaxda Urur goboleedyada caalamka oo dhinacyada la kulmay waxay ku booriyeen inay is horfariistaan ayna natiijo kasoo saaraan shirkii ay muddooyinkii ugu dambeeyay u fadhiyeen Jabuuti.

 

Kulanka xasaasiga ah ee ay yeesheen garabyada Somalida ayaa ahaa mid albaabbada loo xiray, iyadoo ilaha ku dhowdhow ay sheegayaan inay doodo ku saabsan khliaafka u dhexeeya ay yeesheen.

 

Dhinac walba ayaa waxaa ka socday 5-xubnood, iyadoo ay kala hogaminayen Madaxda wafdiga DF uga qaybgalaya shirka Jabuuti Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo Madaxa Wafdiga Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame.

 

Xubnahaan ka tirsan beesha caalamka ayaa waxay doonayaan inay dhinacyadu ku saxiixaan qodobbadii kasoo baxay shirka Jabuti oo uu gacanta ku hayo wakiilka Somalia Ahmadou Ould-Abdalla.

 

Wararka hoose ee laga helayo shirka ayaa waxay sheegayaan in dhinacyadu ay si weyn isugu soo dhawaadeen, ayna go'aan ka qaadanayaan saacadaha soo socda qodobka ay isku hayaan oo ah sida loo dhigayo bixitaanka ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia.

 

Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la xusay inay ku xoojinayaan ergada shirka uga qaybgalaya inay mowqif adag ka istaagaan bixitaanka ciidamada Ethiopia.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa dhankiisa lagala shiray sidii looga saari lahaa dalka Somalia, iyadoo Nuur Cadde uu u sheegay xubnaha beesha caalamka inay dhankood ogol yihiin wax walba oo nabad lagu heli karo.

 

Wakiilka UN-ka ee Somalia Ahmadou Ould-Abdallah ayaa baajiyay safarkii uu sheegay shalay inuu uga ambabaxo Jabuti, isagoo shirkii jaraa'id ee shalay oo ahaa mid canaan ah ay keentay in xubnaha beesha caalamku ay soo dhexgalaan shirka.

 

Dowladda Jabuti aya waxaa sidoo kale ay ugu baaqday dhinacyada ku shiraya dalkeda ee kala matalaya Somalia inay heshiis dhab ah garaan, ayna ka fikiran danaha dalkoda iyo dadkooda oo xaaladoodu ay aad u adag tahay.

 

Shirkaan oo ah kii ugu horreeyay oo ay dhinacyadu isugu yimaadaan iyadoo aysan cidna ku dhex jirin, ayaa la qabaa inay dhinacyadu isku afgaran doonaan, ayna ku saxiixi doonaan heshiiska horyaalla.

 

Wakiilka QM oo ka kulmay Gen.Gabre

 

Wakiilka UN-ka ee arrimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah iyo Gen. Gabre oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia ayaa waxay xalay ku yeesheen Jabuuti kulan socday muddo saacado ah.

 

Labada xubnood oo kulankooda uu ku wehliyay safiirka Ethiopia ee dalka Jabuuti Shamsuddiin ayaa waxay si weyn uga doodeen arrimaha ciidamada Ethiopia ee ku sugan Somalia.

 

Ould-Abdalla ayaa wuxuu ka codsaday Gen. Gabre in dowladdiisa ay xal kama dambeys ah ka gaarto ciidamadooda ku sugan Somalia, maadaama shirka Jabuuti ay caqabadda ugu weyn ee hortaagan tahay joogitaanka ciidamadooda ee Somalia.

 

Ilo ku dhowdhow DF ayaa waxay sheegeen in Gen. Gabre uu u gudbiyay wakiilka UN-ka ee Somalia inuu kala hadlo arrimaha ciidamada Ra'iisul wasaaraha Ethiopia oo go'aanka ugu dambeeyay qaadan kara.

 

Sababta ku kaliftay Ahmadou Ould-Abdallah la kulanka Gen. Gabre ayaa lagu sheegay kaddib markii ergooyinka kala matalaya DF iyo mucaaradka ee ku shirsan Jabuuti ay go'aanno iska soo horjeeda oo ku saleysan ciidamada Ethiopia kala istaageen.

 

"Dhinacyada oo dhan waxay ku dhagan yihiin go'aanno iska soo horjeeda, waxayna taas u arkaan inay ku difaacayaan fikradahooda kama dambeysta ah, aniga runtii waan ku wareeray dhexdhexaadinta Ergooyinka Somalia" ayuu Ould-Abdallah ka sheegay Jabuuti.

 

Mucaaradka ka horjeeda DF ayaa waxay qabaan in ciidamada Ethiopia dalka laga saaro, si Somalia ay nabad u noqoto, halka ergada Dowladdu ay soo jeediyeen inaan la takoorin ciidamada Ethiopia, balse loo baahan yahay in kuwa ku sugan la wada saaro.

Qodobbadaan ay ku kala dhagan yihiin dhinacyada ayaa waxay caqbad weyn ku noqdeen shirka, wuxuuna wakiilka Qarammada Midoobay ee Somalia uu sheegay in shirka uu guuldarro ku socdo, haddii aysan garabyadu isagu soo dhawaan darafyada ay kala taagan yihiin.

 

 

Garowe Online, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this