Sign in to follow this  
General Duke

looting continues in JOWHAR.....Inda Cade moment..

Recommended Posts

Were is Horn Afrik, YusuF Garad, Shabbele when you need them?

 

Malleeshiyo ka amarqaadata Yuusuf Indho-cadde oo bililiqeystay xaruntii dowladda ee degmada Jowhar

Posted to the Web Jun 18, 14:25

 

 

Jowhar (PP) - Malleeshiyo ka amarqaata Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay xalay bliliqeysteen xaruntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Jowhar.

 

 

Malleeshiyadaan ayaa waxay ka qaateen dhammaan qalabkii yaallay xaruntaas, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ay ka qaateen xaruntaas qalab a yka mid yihiin, Computers, Qalabka Xafiisyada iyo waxyaabo kale, waxaana la sheegay inay u soo rarteen dhanka Gobolka Banaadir.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in markii uu dhacaas dhacayay ay isku dhaceen ciidammo ka tirsan kuwa maxkamadaha oo ilaalo ahaa balse ay si qasab ah ku furteen goobta dabadeedna ay ka gurteen wixii dhex yaallay.

 

 

Dhacaan ayaa ka dhacay degmada Jowhar iyadoo uu ku sugan yahay gudaha magaalada Jowhar Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho iyadoo uusan wax hadal ah ka soo saarin arrintaas.

 

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidammada Yuusuf Indho-cadde dhac u geystaan hantidii taallay degmada Jowhar intii aan la qabsan ka hor, balse Dorraad ayay dhaceen dhammaan qalabkii yaallay garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar oo aan weli wax war ah ka soo bixin inkastoo laga wada hadlay.

 

Illa hada macada Muwqifka Dowlada Federaalka ah ee ku aadan allaabaha looga bililiqaystay magaalada Jowhar ,waxaase jira sida Puntlandpost ay ka soo xigatay ilo lagu kalsoon yahay in DFKS ay go'aan cad ka soo saari doonaan arrintaas ku wajahan dhunsashadaas hantida qaran.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeneraalka, labadaan bari waa kacsantahay, see camalkaa, widaayoow. Siiba Indhamadoowe ayaa ku kacsantahay, qof maanta soo baxay camal.

 

Kamoon, is daji. Adeer Cabdillaahi Yuusuf Axmed is safe nooh. 1020.gif Jagada ma laga qaadaayo, haka wal walin jagadiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MMA, that was quite funny, as for Mr Inda Cade he is not a new character, and I have covered his movements for a while now. Inclusing the UN monitoring report, as well as Dhoobley and his actions in Lower Shabbele. I have been consistant in my coverage even before this TFG. All one has to do is go back and check the posts on SOL.

 

capt.655b34f19b7942a08ca50e3166922911.sohere are the Courts leaders in Jowhar

 

The reason for this new coverage is the fact that some here would like to hood wink the masses with this claim that Inda Cade is to be taken seriously as an Islamic warrior or Mujahid.

 

Also the actions of his men in jowhar is recent and news worthy. So your comment was amusing and lighthearted but no more than that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar:- Waxaa isa soo taraya falalka dhaca ee qaar kamid ah maleeshiyooyinka Maxkamadaha ka sameenayan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe.

 

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha oo horey gacanta ugu dhigay gaadiid badan oo ay dowlada Talyaaniga ugu deeqday dowlada Soomaaliya, ayaa hada bilaabay in hawlahooda bililiqada ah la beegsadaan xarumaha hay'ada samafalka.

 

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa qaatay qalab kala gedisan oo yaalay xarumihii hay'adaha calaamiga ah oo ayagu horey shaqaalahooda ugala baxay magaalada Jowhar.

 

Qaar kamid ah maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa laga codsaday Guddoomiyahooda Shariif Axmed inuu ka saaro magaalada Jowhar.

 

 

Shariif Axmed iyo Yusuf Siyaad Idhacade oo ku sugan Jowhar

 

Bililiqadan ayaa si weyn dusha looga tuuraya maleeshiyooyin kamid ah kuwa maxkamadaha balse hoos taga hogaamiyaha ka arimiya gobalka Shabeelada Hoose ee Yusuf Siyaad Indhacade.

 

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in maleeshiyooyinka Maxkamadaha ay qaarkood geysteen jirdil iyo kufsi, inkastoo dhaliiceynmahan ay beeninayaan hogaamiyaasha Maxkamadaha oo ayagu horey usheegay in ay shariicada dadka ku dhaqayaan.

 

Waxaa sidoo kale jira lacago laga qaatay bakhaaro ku yaal xaafada hanti wadaag ee magaalada Jowhar oo la jabsaday, kadib intii ay maleeshiyooyinka maxkamadaha magaalada gacanta ku dhigeen.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this