Sign in to follow this  
General Duke

Road blocks Increase in Mogadishu-+ warlord media cries out@failure of warlords

Recommended Posts

Not one road block has been removed. Instead more road blocks have been created... Where is the Shariff Xasan? Wehere si the promise of the warlords? Where is the no need for foreign troops? What have the MP's and so called powerful ministers been doing for 2 months??

 

Where has the hype taken us so far??? Even Dayniile [a true beliver cries out]. Do we need change or clan blame games??

 

Isbaarooyin hor leh ayaa la soo dhigay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, Isbaarooyinkaas oo la sheegay in uu soo dhigtay Wasiirada Mucaaradka ah ee Muqdisha ku sugan Mid ka mid ah. :: (66 Reads)

 

Posted by webmaster on Friday, May 27, 2005 - 12:36 PM

 

 

Ilaa iyo 6 Isbaaro oo cusub ayaa la soo dhigay wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Afgooye,iyadoo baabuurtii ka shaqeynaysay wadadaas inta badan manta shaqa joojin ku dhaqaaqeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo ay isku beel ka soo wada jeedaan kana amar qaata Wasiirka Ammniga Qaranka ay jidkaas Isbaarooyinka soo dhigteen,taasi ayaa manta waxay keentay in dadka Afgooye iyo Muqdisho isu socon jiray ay hakad galaan howshooda sida uu leeyahay Xasan Xuseen oo ka mid ah milkiiliyaasha Baabuurta Afgooye.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay yar tahay rajada laga qabo in wax laga qabto Isbaarooyinkaas iyadoo mar horena guul laga gaaray in la qaado laakiin taasi wax badan ma socon.

 

Wasiirada hubeysan ee Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan Isbaarooyinkaas maadaama ay horey u sheegen inay Isbaarooyinka la qaadi doona.

 

Idamaale News

Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka tirsan maleeshiyada lagu xareeyay Laanta buur oo billaabay in ay ibaaro dhigtaan jika u dhexeeya Xamar iyo Shabeellada Hoose iyo wasiirro. Ruunkinet 28/05/05

 

Warar uu noo soo diray wariyaha Ruunkinet ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyada lagu xareeyay Laabta buur oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay billaabeen in ay isbaaro dhigtaan wadada u dhexeysa Shabeellada Hoose iyo Xamar.

 

Isbaarada maleeshiyadan ayaa ka hor imaaneysa dadaal ay wadaan qaar ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah ee ku sugan Xamar oo ay ku doonyaan in ay ku soo celiyaan nabadgelayda gobollada ay ka taliyaan wasiirada hubeysan ee Muqdisho.

 

Wasiirrada hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho oo u carro jiiftay in ay habeeyaan maleeshiyada ay Xamar ka saareen ayaa la sheegay in ay aad uga xumaadeen falka ay ku kacayaan maleeshiyadan oo dad badan oo isaga gooshaya Xamar iyo Shabeellada Hoose dhib ku yahaya.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaadista isbaarooyinka Muqdisho oo khilaaf ka dhex oogtay xubnaha labada Gole ee Muqdisho ku sugan, Wasiirada ay Isbaaradu u taal qaarkood ayaan marnaba doonayn in laga wada hadlo arimahaas.

 

Posted by webmaster on Saturday, May 28, 2005 - 07:11 AM

 

 

Wasiirada iyo xildhibaannada ku hubeysan magaalada Muqdisho ayay soo wajahday xaalad adag oo ku saabsan inay qaadaan isbaarooyinka yaala magaalada Muqdisho oo uu dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

 

Balanqaadkii koowaad waxaa bixiyay wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, iyadoo xubnaha kale aan wax ogolaansho laga helin ayay dhinaca kale qabsoomi waayeen kulamo kale oo la doonayay in looga hadlo arrimaha isbaarooyinka.

 

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in arrinta isbaarooyinka dhex yaala magaalada Muqdisho ee ay qarka u saaran yihiin inay ku kala qeybsamaan xubnaha labada Gole oo intooda badan doonayaan in degdeg loo qaado,

 

Halka Wasiirada iyo Xildhibaannada lugta ku leh isbaarada ay doonayaan in dib loo dhigo arrinta isbaarada, xilli ay maanta soo baxday inay sii kordheen isbaarooyinka yaala waddada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

 

Idamaale News

Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beelaha USCda in ay isbaaro dhigtaan Itoobiyana ay diidaan ma ah mid ay qadan karaan shacabka Soomaliyeed

Muqdisho

 

Beelaha USCda oo in mudo ah u xayirneyd umadda Soomaliyeed ayaa laga sugayey in ay badbadiyaan shacabka Soomaliyeed ee cadwga Itoobiya u soo guuxayo ayadoo laga doonayey in ay caasimada wax ka qabtaan si loo helo qaranimadii Soomaliyeed ay mugdiga ay galiyeen. Beelaha USC.

 

Umadda Soomaliyeed oo malmahii u danbeeyey dhagahooda soo jidaneysay xareynta Maleysiyoonka ayaa mar qur ah niyad jabay kadib markii ay maqleen in ay sii badanayaan isbarooyinkii la rabay in la qaado tasoo ay ku kacayaan kuwo rabo in ay wali isbarooyin u sii dhigtaan shacabka Soomaliyeed .

 

Beelaha USC waa in ay kala doortaan Itoobiyo iyo Isbaaro

 

Hadaba ma qabataa shacabka Soomaliyeed in Beelaha USC ay diidaan ciidamo Itoobiyaan ah hadana ay isbaaro sii dhigtaan tasoo ah kaaf iyo kala dheeri

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

ISBAAROOYIN CUSUB OO KU SOO KORDHAY WADADA ISKU XIRTA XAMAR IYO AFGOOYE

 

Waxaa sii xumaanaya ammaanka wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo muqdisho kaddib markii ay halkaasi ku bateen isbaarooyin cusub oo gaaraya 12-jid gooyo kuwaasoo baabuurta ka qaada lacagaha baada ah ee loo yaqaan Leejada.

 

Wararka ka imaanaya degaanadaasi ayaa sheegaya in halka loo yaqaan Siinka dheer ay ku xayiran yihiin gaadiidka xamuulka ee u kala goosha gobolada Muqdisho, Shabeelaha Hoose iyo Jubooyinka, kuwaasoo awoodi waayay inay iska bixiyaan lacagaha xad dhaafka ah ee ay soo rogeen isbaarooyinkaas cusub ee ku teedsan wadada.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in halkii isbaaro ay Gaadiidka yar yar ee BL-ka ka qaadaan lacago u dhaxeeya 30-Kun ilaa 50-Kun Sh.So., halka Gaadiidka xamuulka laga qaado ku dhowaad Hal Mayn Sh.So.

 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen mid ka mid ah isbaarooyinkaas, kaddib markii Gaari Hilux ah uu jiiray Jid-gooyo tiilay mid ka mid ah isbaarooyinka yaala wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye, taasoo ay Rasaas huwiyeen maleeshiyadii fadhiday isbaarada, dhinaca kale waxay saameyn ku yeelatay jid-gooyooyinkaasi dadaalka nabadeed oo ay xubnaha labada Gole ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay in tiknikada iyo maleeshiyooyinka laga saaray Muqdisho isla markaana ay qaadi doonaan isbaarooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Beelaha USC waa in ay kala doortaan Itoobiyo iyo Isbaaro

 

Horta, Dayniile.com dad fiyow baa leh mise dad yara fudud?

 

Tan kale, how hard could the choice be between Ethiopian troops and USC-owned roadblocks be? Reer Muqdisho (and surrounding areas) need to wake up and smell the coffee. Intra-USC differences aren't so great - so why is it they can't agree to remove roadblocks, open sea/airport to THIS day? These nonstop accusations of Ethiopia and Col Yeey (I've seen a website claim that all the recent assasinations of prominent Somalis in Muqdisho were carried out by Col Yeey - just how powerful is the guy? Is he a Muqdisho warlord himself? :confused: ) are a smokescreen for the real Muqdisho war/druglords, who will use that smokescreen until Reer Muqdisho realize their games - the same games they've been playing for 15 years. First, Siyad Barre and his clan were 'traitors'; second, Barre, his clan and their entire clan-family were 'traitors'; today, some 15 years later, its Col Yeey, PM Ghedi, Puntland, Xuseen Caydiid, RRA-Shaatigaduud, Mohamed Dheere, C/llahi Cosoble, iyo wixii raacsan are 'traitors'! Give me a break.

 

Does no one else see the idiocy of such thinking? Sure not Reer Muqdisho - they're busy preparing for the upcoming 'jihad' against Ethiopian troops. I suppose, living in Muqdisho today, its better to die believing you died in a 'jihad' than to live in the miserable status quo of today. A sad state of affairs that'll need years of healing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

you couldnt expect anything less of muqdisho. this just shows that our parliament made the right choice voting for c/yussef as somali president to sort out this mess, becuz really muqdisho is the centre of somalias misery (kismaayo, baydhabo etc are all burning becuz of muqdisho). and c/yussef knows how to deal with these ppl that are basically acting as luggooyo to the rest of the somali nation. gacan bir ayaa loo baahan yahay. you cant tell me muqdisho will change without pressure, much less out of its own conviction to change. im glad c/yussef is aware of the muqdisho situation (the warlords failed to manipulate him, becuz well.... he himself knows the game, as hes was one of the warlords himself, and a more intelligent warlord than them namsaying), but hes showing his soft hand and his tough hand. everybody initially thought that if he would wave both with a lil bit of balance, that the job could be done. but muqdisho showed us that the gacan bir needs to be on call 24/7, weliba add a belt with it, while were at it.

 

dayniile is a dumb website. never saw such dumb ppl contradict themselves so often for all to see. maybe dayniile is a micro-example of muqdisho as a city. cuz walee the former image of muqdisho of nabad and ilbaxnimo seems like centuries ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaaroyin Cusub oo Ladhigay inta Udhaxaysa Mogadishu iyo Afgooye

 

liibaan Cabdi Cali

Mar kale ayay dadka isaga kala goosha gobollada koofureed ee dalku ka cabanayaan ammaan darri baahsan iyadoo isbaarooyinkii ay dib u bilowdeen xilli lagu han waynaa in nabad galyada wax badani ay iska baddalaan.

 

Isbaarooyin hor leh ayaa la soo tubay meelo kala duwan oo ka mid ah waddooyinka gobollada koofureed ee dalka.

 

Tusaale ahaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,waxaa maanta oo kaliya la soo dhigay in badan 10 isbaaro oo mid kasta oo ka mid ah dadka looga qaadayo lacago kala duwan oo baad ah.

 

Maleeshiyooyin hubaysan oo badankood aanay cidna ka amar qaadan,ayaa bilaabay in ay masaafooyin isu muuqmuuqda dhigtaan jidgooyooyin lacageedyo aad u fara badan,oo ay gawaarida lacago dheeraad ah kaga qaadanayaan iyagoo aan ku kala saaraynin kuwo xamuul iyo kuwo shibilka qaada.

 

Maleeshiyada ayaa ku hanjaba in ay dadka gawaarida saaran baaran doonaan haddii aan la siinin lacagaha xad dhaafka ah ee ay dalbanayaan,iyadoo mararka qaarna ay gawaarida shaagagga rasaas kala beegsadaan.

 

maanta oo kaliya halka loo yaqaanno Siinka dheer oo u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye,waxaa lagu haystaa gawaari 30 ka badan oo kuwa xamuulka ah,kuwaasoo ka yimid gobollada iskana bixi kari waayay lacagihii laga dalbaday.

 

waxan oo dhami waxa ay dhacayaan xilli la filayay in ammaanku uu soo hagaago,maadaama hoggaamiyayaasha kooxihii hubaysnaa ay shacabka u sheegeen in ay ammaanka wax ka qabanayaan ayna maleeshiyooyinka hubka sida xeryo isugu geynayaan.

 

waxaa marka is wayndiintu tahay siday ugu suurto galaysaa in ka howl gasho magaalada caasimadda h ee Muqdisho mar haddii waddadii ay magaalada ka soo gali lahaydba ay isbaarooyin tubanyihiin,magaalada caasimadda ahna ay wali jidgooyooyinku sidoodii hore u daadsanyihiin.

 

www.goobjoog.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this