Sign in to follow this  
Paragon

Mass arrests of Southerners in Garowe

Recommended Posts

Paragon   

GAROOWE : Booliska Garoowe oo gacanta ku dhigay dhalinyaro gaaraysa 237 oo ka timid Koonfurta dalka

 

Posted to the Web Mar 24, 14:51

 

Garoowe:-Booliska Garoowe ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro gaaraysa ilaa 237 ku waa soo ka yimid Koonfurta Soomaaliya waxayna Boolisku ku eedeeyeen in ay yihiin kuwo doonaya in ay ammaanka Puntland ay khalkhaliyaan.

 

Dhame Cabdi Gaani Taliyaha Saldhiga Booliska Garoowe ayaa sheegay in ay dhalinyaradan ay yihiin kuwo doonaya in ay Puntland ka sameeyaan falalaal-amman-daro , wuxuuna sheegay in laga soo abaabulay Koonfurta dalka.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in dad badan oo ka yimid Koonfurta dalka ay Puntland ku nool yihiin iyakoo ganacsi iyo nololba ka samaysta ayna jirin cid wax u dhinta xoriyadooda , basle ay ku waani yihiin sida uu hadalka u dhigay kuwo Puntland la doonaya sida ay tahay Koonfurta , waxayna doonayaan ayuu yiri in ay colaad ka abuuraan.

 

Dhalinyaradan oo iminka ku jirta saldhiga Booliska ee Garoowe sheegay Taliyuhu in ay wali ku wadaan baaritaan dhawaana la horgayn doono sharciga , wuxuuna intaasi ku daran in lagu fulin doono waxa ay sharciga ka helaan.

 

Si kastaba qaar ka mid ah dhalinyaradan oo aan waydiiyay ujeedada safarkooda Puntland ee xiligan ayay ii sheegeen in ay doonayaan in shaqo iyo nolol ka samaystaan magaalada Boosaaso oo ah magaalo xeeb ah oo ganacsi.

Axmed C/salaam

Garoowe ., Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this