Sign in to follow this  
Abwaan

Waxaan keliya oon falkaan ku tilmaami karaa argagax ay ka dambayso argagixiso

Recommended Posts

Abwaan   

Suuqa Bakaaraha oo Albaabada loo Laabay kadib markii dadkii ka Ganacsadayay Suuqa isaga baxeen iyagoo ka cararaya howlaha baaritaanka

 

Guud ahaan waxaa xiran goobaha Ganacsiga ee Suuqa weyn Bakaaraha kadib markii suuqaas Ciidamada Dowladda saaka ka bilaabeen baaritaano aad u ballaaran kuwaas oo dardar xoog badan ku socdeen.

 

Dukaamada laga ganacsado, Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha, goobaha kale ee yar yar, Suuqa Dharka iyo meelo kale ayaa albaabada loo laabay iyadoo qof kasta oo Ganacsi ku leh Suuqa Bakaaraha uu goobtiisa xirtay kadibna gurigiisa ku Laabtay.

 

Sababta Suuqa u xirmay ayaa waxaa u wacan baaritaanada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ka wadaan qeybo ka mid ah Suuqa iyo Xaafadaha Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo ilaa iyo Yaaqshiid.

 

Sidoo kale isu socodka dadweynaha ee Suuqa bakaaraha ayaa xitaa aad u yar, sidoo kale isu socodka Gaadiidka dadweynaha Isgoyska Sanca ilaa iyo Isgoyska KM4 ayaa xiran.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow)

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center

 

Ummadda Soomaaliyeed oo argagax iyo kadeed lagu hayo, gumeysi gacanta loo geliyey waan arki doonnaa halka ay arrimahaani salka la galaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Isu socodkii Gaagiidka Dadweynaha Inta u dhaxeysa Isgoyska Baar ubax iyo Suuqa Xoolaha ayaa saaka jirin iyadoo dadweynaha....

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa saaka xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada Suuqa Xoolaha, Fagax iyo Huriwaa, iyagoo u diiday dadweynahana inay maraan wadada Warshadaha , waxaana kaliya loo furay dadka isticmaalaya Lugta inay soo maraan Wadada Jen Daa'uud ee dhabarka dembi Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho kadibna ay ka soo leexdaan Isgoyska Baay ayaan halkaas oo ay bakaaraha ka soo galaan.

 

Boqolaal dad ah ayaa saaka lagu arkayay waddooyinkaas iyagoo lugta isticmaalaya aadna ay u daalan yihiin, waxaana la ii sheegay in mar mar askarta Itoobiya ay baaraan dadka socda marka ay ku arkaan Bac iyo waxyaabo kale oo alaabta lagu qaato.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya Muqdisho iyagoo baaraya hubka weli ku jira gacanta dadweynaha iyo kooxo la sheegay waa sida ay dowladda Soomaaliya tiri waxay sabab u yihiin Nabadgalyo xumada ka jirta Magaalada.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Ciidamada dalka Itoobiya oo saaka baaritaano ka wada Xaafadaha ku dhaw dhaw Wadada Warshadaha ilaa iyo Isgoyska Baar Ubax

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowaladda yaa saaka howlo baaritaano waxay ka wadaan Waddooyinka Warshadaha iyo Soddonka ee Caasimadda Muqdisho halkaas oo lagu arkayay waaberigii saaka Taangiyada Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda fara badan kuwaas oo ku hubeysan hubka noociisa kala duwan.

 

Ciidamadan ayaa waxay guri guri u galayeen Xaafadahas iyagoo ka baaraya hub iyo shaqsiyaad la sheegay inay sabab u yihiin nabadgalayo xumada ka jirta Magaalada Muqdisho.

 

Waxay joojiyeen dhamaan isu socodkii Gaagiidka Isticmaali jiray inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Suuqa Xoolaha, iyadoo dadweynaha ka yimaada Xaafadaha Suuqa Xoolaha iyo Huriwaa saaka ay isticmaalayeen lugtooda kadib markii la joojiyay Gaadiidka dadweynaha.

 

Lama soo sheegin ilaa iyo hadda wax hub ah oo Ciidamada Itoobiya ka heleen Xaafadahaas, waxaase laga war dhawrayaa natiijada baaritaanka waxaa uu ku soo cidlaado.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

This Page!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Jawaano hub laga soo buuxiyey oo saaka la soo dhigay qeybo ka mid ah deegaanka Gubta iyo ciidamada Booliska G/banaadir oo halkaasi ka qaaday

 

Sida ay ku waramayaan dadka ku dhaqan deegaanka Gubta ee magaalada Muqdisho waxaa saaka la soo dhigay xaafado ka tirsan deegaankaas hub aad u fara badan oo laga soo buuxiyey jawaano waaweyn, iyadoo arintaasina lagu wargeliyey ciidamada booliska dowladda Soomaaliya oo iyagu isla saakaba gaaray goobaha la soo dhigay hubkaasi oo ah xaafadaha Ciise Cabdi iyo Jen Daa’uud.

 

Hubkan oo la sheegay inu u badan yahay rasaasta ka dhacda qoryaha loo yaqaano BTN-ka ayaan l ogeyn ilaa hadda cida soo dhigtay xaaafadaha dhexdooda iyo sababta ku xambartay iney sidaa yeelaan, hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aanu wax ka weydiinay arintaasi ayaa sheegay iney u badinayaan in dad ka baqaya inuu saameyn ku yeesho baaritaanka guri guriga ah ee ciidamada dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka weadaan xaafado u dhow deegaankaasi sida Towfiiq laga yaabao in hubkaasi ay guryahooda ka soo saareen si ay isaga fogeeyaan in iyaga lagu qabto oo ay dhici karto in lagu tiriyo iney ka mid yihiin kooxaha qwaraxyada iyo dilalka ka geysanbaya magaalada Muqdishoi oo ay dhici karto iney xarig ay ku muteystaan.

 

Arintan oo la yaab ku noqotay dadka deegaanka ayaa ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka dhacda magaalada Muqdisho, ayna dad dibeda ku soo daadiyaan hubkooda iyagoo ka baqaya in haddii lagu qabto u mashaakil u horseedo.

 

 

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^

Adiga jawanaada hubka ah maad iska dhigtiid - you are bringing it to every thread...malaha ada jawaanada wato ayan uu maleyna..lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

:D Saaxib waad iga qoslisay, Im sure you wouldn't be too bad for a comedy actor...

 

Laakiin qoraalka waxuu jawaab uyahay Abwaan oo kadhigay meesha in dadka la iska argagax galinaayo for nothing, Sxb that is result of this actions, dadki way baqeen kadibna hubki way iska soo dhigeen banaanka, cid dadka aragagax galinaysa ama gooni uraadsanaysa majirto laakiin tuugada waa inay baqaan hubkana soo xooraan hadii kale waa loogu tagi, that is the message and so do we now witness the result...

 

As for the news it's from Dayniile, anti-TFG...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suuqaan baas e Bakaaraha la dhaho gabi ahaanba in la xiro ayaan qabaa. Meel xun oo 4 x 5 mitir ah ayaa dadkaan qaar waxay kaaga dhigayaan New York Stock Exchange lol. I would close the place down for public health reasons.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Suuqaan baas e Bakaaraha la dhaho gabi ahaanba in la xiro ayaan qabaa. Meel xun oo 4 x 5 mitir ah ayaa dadkaan qaar waxay kaaga dhigayaan New York Stock Exchange lol. I would close the place down for public health reasons.

Its time SOL introduce a minimum age requirement. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Emperor:

:D
Saaxib waad iga qoslisay, Im sure you wouldn't be too bad for a comedy actor...

 

Laakiin qoraalka waxuu jawaab uyahay Abwaan oo kadhigay meesha in dadka la iska argagax galinaayo for nothing, Sxb that is result of this actions, dadki way baqeen kadibna hubki way iska soo dhigeen banaanka, cid dadka aragagax galinaysa ama gooni uraadsanaysa majirto laakiin tuugada waa inay baqaan hubkana soo xooraan hadii kale waa loogu tagi, that is the message and so do we now witness the result...

 

As for the news it's from Dayniile, anti-TFG...

Emperor jawaab naf leh meesha kuma haysid, wax aan ka jeclaan lahaa in hubka la aruuriyo ma lahan laakiin first Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah haka dhacdo, dowlad XALAAL ahna haka dhalato, second hubka yaa aruurinaya? Ma Meles oo hadhow dib u soo dhiibi doona? Maxamed Dheere oo hadhow cidduu doono kula dagaali inta sidiisii Oday.....yiraahdo@lol...mise C/Khayrdiid oo khayr beele ah...? hubkaan aad leedahay waa la aruurin xaggee lagu store-garayn? Yaa diiwaan gelinaya? mise qayb Puntland loo raro iyo Ari-caddeeye, qayb Kismaayo loogu dagaal tago iyo qayb Xamar iyo meelo kale isbaaro loogu dhigto baa laga dhigi?

 

Dukema waxaad ka dabaaqtamaysa dooddii ahayd waxaan Allpuntland ahayn war kama soo qaadatid iyo WIDHWIDH@lol....kaas adigaaba malaha qora saaxiib hakugu taagnaato!

 

Duke ma ogtahay in warkaan Midnimo oo Geeddi kaba qaad u ah ay soo qortay? Malaha wax baa is bedeli raba...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Gordon Gekko:

Suuqaan baas e Bakaaraha la dhaho gabi ahaanba in la xiro ayaan qabaa. Meel xun oo 4 x 5 mitir ah ayaa dadkaan qaar waxay kaaga dhigayaan New York Stock Exchange lol. I would close the place down for public health reasons.

It is sad inaan hadalkaaga waddaniyad ka muuqan ee aad u hadleysid sidii nin Itoobiyaan ah oo aan wax badan ummadda Soomaaliyeed kala socon, saaxiib Soomaaliya isagaa New York Stock Exchange u ah. Waan qabaa in horumarin lagu sameeyo, waayo xitaa markii aad Googl Earth ka fiirisid waad garanaysaa in nidaam ka maqanyahay laakiin halla xirodaada waxaan u arkaa inaad tahay shakhsi dan kale leh oo aan wax weyna dalka kala socon aan ka ahayn QIIRO.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidii nin Itoobiyaan iyo sidii nin Australiaanba hadii aan uhadli lahaa, fact remains that the place is hazardous and pose a dangerous health threat to the public, not to mention its pretty dysfunctional as a shopping venue because of its structure. I reckon alot of you somali "patriots" living comfortably in the west wouldnt let your kids all alone in Bakaraha Market or buy any food from the open stalls there, but other powers stronger than common sense are forcing you to defend this dear shopping market.

 

What I'd like to see is a place like this:

 

suuq19.JPGsuuq1.JPG

 

Demolished and reconstructored into something more like this:

 

179_dubai_ibn_battuta_mall.jpg471281371_8766f7f463.jpg?v=0

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Soomaalidu waxay tiraahdaa "Habar fadhida legdan la fudud". GG(lol...Magac qalaad xitaa waa lala baxay, toloow horta ninkaan Soomaali ma yahay Bakaaraha igala doodaya intaanan energy iska dhammayn)? there is no doubt that the market needs to be developed but how practical is that at this moment? Sheekadaadu ma waxay la mid tahay haddii ay rooti waayeen maa doolshe cunaan?

 

For your information I have been to the market recently and made shopping like I would in any modern market or mole. Yes, one has to be careful on waxa uu gadanayo iyo meesha uu ka gadanayoba laakiin ama iska fogee amaba ha iska fogeyn isaga unbaa maanta na hudhan! All I am saying is let us be realistic oo aan u hadalno sidii dad ka war haya xaaladda dhabta ah ee jirta. Haddii aad leedahay TFG baa xoolo dhisaysa oo arrinta aad rabtid inaad naga dhaadhicisid ay saas tahay bal looba joogee, kolleey waxaa nooga filan intaan ka aragnay oo wixii aragoodu ku deeqo ayaa uuntooduna ku deeqdaa. INTA BADAN dadka maamullada ka haya waa dad aan aqoon lahayn, qabyaalad lagu qoray ama ha yiraahdeen beel baan metelnaa amaba mid ay isku cid yihiin sida Geedi uu albaab walba jufadiisa u dhoobay C/llaahina uu xitaa as far as Canada iyo Australia ka soo daldalay iyagoo aan xitaa ahayn dad aqoon hufan leh oo aan wax weyn ku soo kordhin karin xaaladda jirta ay meesha soo dhoobeen. Marka GG maxaad rabtaa inaad iga dhaadhicisid? Mise kolleey ninka Soomaaliyeed indho adayg waa lagu yaqaan oo iimaheennana waxaa ka mid ah muraayad intaan isku fiirinno muuqeenna dhabta ah kama run sheegnee ma waxaad rabtaa inaad arrintaas inkirtid aan si xalaal ah oo caqli ku dhisan u doodnee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Sxb Gekko has a point, I see nothing is wrong with changing or rebuilding the place, look beyond your prejudice thats not a bad proposal at all, perhaps you may question the technicality or feasibility but by Saying NO is just making a fool of yourself...

 

Originally posted by Abwaan:

Emperor jawaab naf leh meesha kuma haysid, wax aan ka jeclaan lahaa in hubka la aruuriyo ma lahan laakiin first Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah haka dhacdo, dowlad XALAAL ahna haka dhalato, second hubka yaa aruurinaya? Ma Meles oo hadhow dib u soo dhiibi doona? Maxamed Dheere oo hadhow cidduu doono kula dagaali inta sidiisii Oday.....yiraahdo@lol...mise C/Khayrdiid oo khayr beele ah...? hubkaan aad leedahay waa la aruurin xaggee lagu store-garayn? Yaa diiwaan gelinaya? mise qayb Puntland loo raro iyo Ari-caddeeye, qayb Kismaayo loogu dagaal tago iyo qayb Xamar iyo meelo kale isbaaro loogu dhigto baa laga dhigi?

Sxb markale, you are swimming in a dream air, what you talk about is the story of the past, things have changed and moved on since, you seem to be stuck in the past whic now became history. Su'aalaha ah yaa lagu wareejin hubka iyo Puntland maxaa hubka looga dhigi waayay iswaydiintooda way dhamaatay, that was what Axmed Diiriey had asked sometime ago and no more, hadda isagu xataa mawaydiinaayo thus it is dissapointing to see that isagu inuuba ku dhaamo oo lasocdo waxa dhacaayo.... Sxb meeshaas warkii waa dhamaaday waana lagu kala adkaaday, whether it was Ethiopia that defeated the UIC and other oppositions or not, the TFG and it's allies have won the war and are in full control of the country, waxa ay kahadlaayaanna hada waa inay iyagu dadka hubka kaguraan marka masii harin iswaydiin ah yaa hubka guraaya ama loo dhiibaa, inaan iska garan karto ayaan kumooday...

 

Thats what I fully support, the disarmarmament of the public and the business man, it only creates havoc and poses danger. However, I might disagree with some of the policies of the TFG but what I mostly want is peace and stability.

 

Adiga calaacalkaaga ayaan ujeedaa dowlada waxaad u aragtaa mid xaqdaro qabiilaysi iyo nin jeclaysi iyo dictatornimo kudhisan sida hadalaada kamuuqda, laakiin what I can say to you is that, unfair, illegal and dictatorial regime is better than no government at all, living in chaos amid this squalor is not an option...

 

Mine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Emperor:

Axmed Diiriey had asked sometime ago and no more, hadda isagu xataa mawaydiinaayo thus it is dissapointing to see that isagu inuuba ku dhaamo oo lasocdo waxa dhacaayo.... Sxb meeshaas warkii waa dhamaaday waana lagu kala adkaaday, whether it was Ethiopia that defeated the UIC and other oppositions or not, the TFG and it's allies have won the war and are in full control of the country, waxa ay kahadlaayaanna hada waa inay iyagu dadka hubka kaguraan marka masii harin iswaydiin ah yaa hubka guraaya ama loo dhiibaa, inaan iska garan karto ayaan kumooday...

 

Adiga calaacalkaaga ayaan ujeedaa dowlada waxaad u aragtaa mid xaqdaro qabiilaysi iyo nin jeclaysi iyo dictatornimo kudhisan sida hadalaada kamuuqda, laakiin what I can say to you is that, unfair, illegal and dictatorial regime is better than no government at all, living in chaos amid this squalor is not an option...

 

Mine

Emperor Axmed Diiriye fekerkiisa ayuu leeyahay, adiguna kaaga aniguna kayga. Anigu Puntland oo keliya ma soo hadal qaadin oo xaqdarradu meel kasta oo dalka ka mid ah ayey ka socotaa haba kala darnaadee, haddii adiga meeli si gaar ah kuu xanuuntay markaad Puntland aragtay waa ayaandarro. Haddii aad rabtid inaad inkirtid in qoryahay lagu xarragoodo, bangiyana mushaar looga dhacay, xabsida dad dembiileyaal ah looga daayeyna waa gaar.

 

TFG xalaal ma ahan cid walba oo caqli lehna waa ogtahay wixii aan ogeyna Ilaah ha tuso. Waad ogtahay in Baarlamaan ku sheegga 4.5 iyo qabyaalad cad lagu dhisay, waad ogtahay intii khayr beele Soomaaliya joogtey amaba u dhalatay oo dibedaha ka timid badankood inay yihiin haddii aan iraa ummadda ma meteli karaan ma dembi baan galay? Aniga dooddaydu Geeddi iyo C/llaahi keliya kuma dhammaato waxaan ka hadlayaa waxaan lagu soo maleegay Mbagathi.

I might be naive on certain issues laakiin ma dembi baa haddii aan iraa Soomaali dad wanaagsan waa ka buuxaan ee hallaga dhexraadiyo inkaar qabeyaashii hore sida Cali Mahdi oo la ogyahay inuu ka mid ahaa kuwii dhibkaan dhacay Soomaaliya u horseeday la leeyahay dad buu isku keenayaa? kuwo isagoo kale ahna dowlad lagu soo sheegay.

 

Waxaan kuu arkaa inaad tahay shakhsi aan wax badan kala socon wixii Soomaaliya ka soo dhacay haddii aad leedahay the worst dictator baan u baahannahay. Soo Dictator, musuqmaasuq iyo qabyaalad ma ahan kuwa dhalay waxa maanta na haysta? Mise as long as the dictator is your unlce or one of yours it is ok? Caqligu ma sheegayo in xaqdarro la taageero, mana kaa yeelayo inaad indhaha xanjo iiga dhejisid, adigana ku gees iyo gafuur xiri maayo wixii aad rabto hakugu xirnaadeen hana kugu qufulnaadeen, ma u malaynayo inaan cidna uga haybaysanayo inaan farta ku fiiqo dumliga aan arko ee Soomaaliya ka jira kolleey waxaan anigu isleeyahay masuuliyad baa iga saaran, waanan ogahay inaan dad ku kala duwanaaneyno oo aysan ku farxayn laakiin dhib iguma hayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this