Sign in to follow this  
Juje

Dalxa humilated ...!

Recommended Posts

Juje   

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka oo maanta loo diiday in uu wax ka soo dhaweeyo Madaxweyne Sheekh Shariif oo gaaray Magaalada Nairobi.

 

Dalxa.JPG

 

Shabelle: NAIROBI

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Bralamanka KMG ee Soomaaliya Max’ed Cumar Dalxa ayaa maanta waxaa laga hor istaagay in uu hogaamiyu wafuuda soo dhaweynaysa Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Nairobi.

Pro. Max’ed Cumar Dalxa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka oo isagoo ku sugan Magaalada Nairobi Caawa Qadka Taleefanka ugu waramayay Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in maanta laga hor istaagay in uu noqdo masuulka ugu sareeyay ee dowladda KMG ee Soo dhaweeynayay Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in isaga oo ah masuulka ugu sareeya dowladda ee ku sugan dalka Kenya in sharciga dowladda KMG ee Soomaaliya uu qabo in uu hogaamiyo wafdiga Soo dhaweyanay Madaxweynaha taasi badalkeedana maanta ay ka hor istaagtay Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Dalxa ayaa sheegay in xiligii Airport-ka loo aadayay soo dhaweynta Madaxweynaha in loo diiday in uu raaco gawaarida Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi islamarkana uu halkaasi ka raacay gaari Taxi ah oo isagu uu si qaas ah u kireystay,waxaana uu sheegay in ilaa iyo hadda aanay ogeyn sababta ay Safaaradu u samaysay arinkaasi.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka ayaa waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda isagoo ah masuulkii ugu sareeyay dowladda ee ku sugan Nairobi in aanay la kulmin madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya sheekh Shariif sheekh Axmed,waxaana uu xusay in loo diiday in uu galo hoteelkii uu ku soo dagay madaxweynaha halkaasi oo ay ka hortaaganyihiin rag uu ku tilmaamay in aysan sharciga ka war qabin.

Arintaani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maanta madaxweyanah dowladda KMG ee Soomaaliya uu gaaray magaalada Nairobi halkaasi oo lagu wado in maalmaha soo socda uu kula kulmo xogyaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka.

 

 

Serves him bloody right. He was meant to accompany the PM from Nairobi to Mogadishu on Sunday and he confirmed he was coming but was late - the plane was held for thirthy minutes waiting for him to come to airport untill he called and said he was not coming. Bloody bumbafu he works in the Somali Parliament not in the media circle in Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

What is this guy doing in Nairobi, Suuriya iyo meelo kale horta? These xildhibaanno-ku-shee gyo waa inay Xamar iska xaadiriyaan haddii kale shaqada ha iskaga tageen...waxaa la bartay inta jago la qaato in dibedaha la wareego...unless aan risk la galeyn maxaa jagooyinka loo qaatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this