Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: RRA clan declares war on Al Shabaab:

Recommended Posts

Baydhabo: ....................ugu jira Dowladda KMG oo wacad ku maray iney la dagaalamayaan ururka Al-Shabaab

29. Juli 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)-Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale oo ka soo jeeda beelaha ........ ayaa maanta kulan ay ugu hadlayeen dhibaatooyinka ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ka geystaan gobolada Bay iyo Bakool, kulankaasi oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii go'aan mideysan looga qaadan lahaa kooxaha weerarada ka geysta gobolada Bay iyo Bakool.

 

Kulan oo soo gabagabooway gelinkii danbe ee maanta ayaa waxaa lagu gaaray go'aan mideysan oo ay u dhan yihiin xubnaha dowladda ugu jira Digil iyo Mirifle iyo waxgaradka gobolka, waxaana lagu go'aamiyay in si cad looga hortegi doono kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG gaar ahaan ururka Al-Shabaab ciidamadooda ka howlgala Bay iyo Bakool.

 

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Dowladda KMG Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa xubnihii kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle ku heshiiyeen in ay iska celiyaan lana dagaalamaan ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato aan la soo koobi karin ka wado gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna Wasiirka uu wacad ku maray in ay la cirib tiri doonaan deegaanadooda wax uu ku sheegay manaxayaal aan u naxeyn shacabka Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Xuseen Maxamed Afroore oo isna kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in cid kasta oo dhibaato ku heysa bulshada ay go'aansadeen iney la dagaalamaan, isagoo intaa raaciyay in Maxkamaddaha Islaamiga ay wada hadal u socdaan kuwaasi oo uu tilmaamay in wada hadal lala geli karo balse ururka Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan ogoleyn wax wada hadal ah, waxa kaliya ay yaqaanaana ay tahay iska celin.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ay dhibaato u soo guuriyeen deegaanada Bay iyo Bakool, isagoo ka hadlay is casilaada maamulo ka tirsan gobolka Bay iyo Bakool oo xilalkii ay hayeen iska dhigay kadib handadaad kaga timid Al-shabaab, wuxuuna ku tilmaamay mid aan wanaagsaneyn, isagoo sheegay in maamulo cusub ay u sameyn doonaan degmooyinkaasi kuwaasi oo noqon doono kuwo dadka soo xusho.

 

Kulankan oo ahaa mid socday mudo sadax saacadood ah ayaa markii danbe go'aan mideysan laga qaatay sidii looga hortegi lahaa kooxaha weerarada ka fuliya gobolada Bay iyo Bakool gaar ahaan ururka Al-Shabaab, waxaana tallaabadan ay timid kadib markii shan degmo oo ka tirsan Goblka Bay ay ka baxeen gacanta Dowladda KMG mana jirto wax maamul ah oo degmooyinkaasi ka jira.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are "defended" from liberation of the Xabashi occupation. Wey shireen kulahaa. Dagaal'oogiyaal shiraayo oo hungurigooda u daran dadka difaacaayo sheegayaan. Waxa isku keenay has to do the mass resignation of so-called officials in many degmooyin in Baay lately. Dadkaas ayee rabaan inay encourage gareyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They being defended from the militias that used to occupy BAIDOA, and since recently Marka.

The RRA clan all their MPS elders and strong men have declared they will not stand for the targeted killings against their civilians.

 

Who runs Baidoa, and the regions the clan does and who is being targeted by the Al Shabaab?

 

Simple really.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this