Sign in to follow this  
General Duke

Is Geedi finished?

Recommended Posts

I hope so...

 

BAYDHABO: Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanno kale oo wada qorshe lagu doonayo in lagu rido Geeddi

Posted to the Web Jul 27, 08:19

 

 

Baydhabo (PP) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo horkacaya ku dhawaad 90-xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa waxay wadaan qabanqaabinta Mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado Ra'iisul wasaaraha Soomalaiya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Mooshinkaan oo la doonayo in la soo hordhigo golaha baarlamaanka hortiisa ayaa waxaa sida la sheegayo qabanqaabadiisa hore lahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ku raacsan xildhibaanno badan oo ka tirsan kuwii ay isku fikirka ahaayeen ee ku sugnaa Magaalada Muqdisho intii ay dowladdu kala jabnayd 6-bilood ka hor.

 

Arrintaan ayaa xubno ku dhowdhow golaha baarlamaanka waxay sheegeen inay timid kaddib markii khilaafyo aad u xoog badan ay soo kala dhexgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha, waxaan dhowr jeer xalliyay arrimahaan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa lgau wadaa in mooshinkaan la soo hordhigo xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga doodaan dabadeedna ay cod ugu qaadaan sii haysashada Ra'iisul wasaaraha Somalia xilkiisa iyo in kale.

 

Codeynta ayaa haddii ay u badato in xilka laga qaado Ra'iisul wasaare Geeddi waxay noqonaysaa in xilkiisii uu halkaas ku waayo, isla markaana Madaxweyne Yuusuf uu doorto Ra'iisul Wasaare Cusub muddo 30-casho gudahood ah, waxaana tani ay ka dhigaysaa dowladda mid khilaafyadeedu ay bataan.

 

Dhanka Kale; Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa wada isagana qorshayaal uu ku doonayo inuu ku kasbado xildhibaanno fara badan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka si uu xilkiisa u sii hayo ayna codeyntu ugu badato erayga "MAYA" oo ah inaan xilka laga qaadayn Ra'iisul wasaaraha.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Geedi is becoming escape-goat huh? I never liked him anyway........but why Yey is left out? I also heard up to 20 ministers are going to resign?

 

This government is going no where man.

 

Cajiib Sheekhoow!

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Magacyada Wasiirradii iska casilay maanta jagooyinkii ay dowladda Federaalka ka hayeen

Posted to the Web Jul 27, 17:48

 

 

Baydhabo (PP) – Waxaa maanta iska casilay jagooyinkoodii ugu yaraan 18-xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal, waxaana xubnahaan ay u badan yihiin xubno si weyn uga soo horjeeday Ra'iisul wasaare Geeddi iyo xubo ay isku fikir ahaayeen weligood.

 

Cismaan Xassan Cali Caato oo horay u ahaa Wasiiru dawlaha , ayaa Cali Maxamed Geedi ku eedeeyay in uu duulaan ku yahay beeshii uu ku helay Mansabka uu haatan Ummadda u hayo , sidaas darteedna aysan aqbali karin in lagu duulo dadka Soomaaliyeed ku dhaqan Muqdisho.

 

 

 

Magacyada 18-xubnood ee ka tirsan Golaha Wasiirra ee is Casilay ayaa waxay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran:

 

1- Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali (Caato)

2- Wasiirkii xiriirka xukuumadda iyo Baarlamanka C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)

3- Wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare Xuseen Maxamuud Maxamuud

4- Wasiirkii reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo dheere)

5- Wasiirkii warshadaha Cabdi Maxamed Tarax

6- Wasiirkii iskaashatooyinka Maxamed Cabdulaahi Sahal

7- Wasiirkii Lacagta C/kariim Axmed Cali

8- Wasiiraddii haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh

9- Wasiiru dowlihii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Farxaan Cali Maxamuud

10- WasiirK/xigeenkii Beeraha Maxamed Cali Bilaal -

11- Wasiir K/xigeeenkii Waxbarashada Muqtaar Maxamed yuusuf

12- Wasiir K/xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur

13- Wasiir K/xigeenkii Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Caamir Sheekh Maxamed

14- Wasiir K/xigeenkii Batroolka Ibraahim Xuseen Cali

15- Wasiirr u dowlihii wasaaradda warfaafinta Ibraahim Maxamed Deeq,

16- Wasiiru dowlihii Badda iyo Dekedaha Maxamed Jaamaca Furux

17- Xuseen Cismaan Xuseen jagadiisii weli nooma caddaan

18- Axmed C/raxmaan jagadiisii weli nooma caddaan

 

Arrintaan ayaa waxay dhabarjab weyn ku tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Prof. Geeddi; waxaana dhammaantood ay sheegeen inay isku casileen wax qabad la'aanta dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu

 

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Geedi is getta to go, so as many others of the TNG members including_______________...

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this