Sign in to follow this  
General Duke

Warlord lunch in BALCAD...shambles...

Recommended Posts

Shirkii Balcad oo qorshuhu ahaa in lagu dhiso Isbahaysi oo ku soo ururay Xaflad Qado sharaf ah

Posted to the Web Sep 24, 17:08

 

 

Muqdisho:- (PP) - Maanta ayaa waxaa wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka KMG-ka ah Muuse Suudi Yalaxow isla markaana ay taageerayaashiisu ku sugan yihiin Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta Xildhibaannada labada gole ee Dowladda ee ku sugan Muqdisho ugu qaybshay Waqado kaddib markii uu u dhammaaday shir ay ku yeesheen Hotel Saxafi warqado lagu casuumayo, kuwaasoo ay uga qaybgalayaan xaflad Qado Sharaf ah oo uu ku sameynayo halkaas Muuse Suudi Yalaxow sida uu sheegay.

 

Iyadoo la filayay in Balcad lagu qabto shir lagu dhiso isbahaysi lagu xoojinayo kii dhawaan lagu soo dhisay Baraawe ayaa wuxuu ka badin waayay Qado Sharaf, waxaana uu sheegay mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Balcad in Balcad lagu casuumayo oo keliya xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, aysanna iyagu doonayn in halkaas uu ka dhasho dagaal, wuxuuna mas’uulkaas oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Gudbaaye uu sidoo kale sheegay in iyagu dhankooda aysan wadan dagaal aysanna ka filanayn dhanka Jowhar dagaal oo ay yihiin dad walaalo ah.

 

Xafladdaan Qadada ah ayuu Muuse Suudi ku sheegay mid lagu soo dhaweynayo Wasiirka Dib u dejinta iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo uu sheegay inay dhawaan yimaadeen magaalada Muqdisho ayna xafladdaan la mid tahay tii dhawaan loogu qabtay Deegaanka Dayniile labada mas’uul.

 

Lama sheegin in cid kale ay ka qaybgeli doonto Qadadaas balse Puntlandpost ayaa isku dayday inay ogaato inay jirto cid kale oo ka qaybgalaysa iyo in kale, waxaana noosoo baxday in qadadaas ay sidoo kale tegi doonaan Berrito Yuusuf Indho-dadde oo ah guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Gen. Max’ed Siciid Xirsi (Morgan) iyo xubno kale oo aan ku jirin labada gole ee Dowladda.

 

Xafladdaan qadada ah ayaa u muuqata mid aan wax dhibaato ah dabada ku wada sida laga dheehan karay hadalka Wasiirka Ganacsiga oo isagu sheegay inuusan la dagaalsanayn cida jirta Jowhar iyo cid meel kale joogta intaba, wuxuuna sheegay in xubnaha ku sugan Jowhar ay yihiin dad walaalo ah.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka: “In wax la is hoos geliyo looma Baahna, Anaga qado kaliya ayaa na loo sheegay, wixii qado ka badanna aniga diyaar uma ihi in aan ka qeyb galo…â€

 

September 25, 2005

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cismaan Cilmi Boqore, gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in degamada Balcad ay ka dhacayso qado sharaf oo kaliya.

 

Wuxuu sheegay gudoomiye ku xigeenka in wixii ka badan qado sharaftaasi aanu isaga ku jirin, isla markaasna aanu aqabali doonin, wuxuuna sheegay in waraaqihii casuumaada ee la soo gaarsiiyay ay ku qornaayeen casumaad qado sharaf oo kaliya.

 

“In wax la is hoos geliyo looma Baahna, Anaga qado kaliya ayaa na loo sheegay, wixii qado ka badanna aniga diyaar uma ihi in aan ka qeyb galo…†ayuu yiri Cismaan Cilmi Boqore.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay aqbaleen in qado sharafta lagu qabto halkaasi, wuxuuna sheegay in aysan ka cabsi qabin dagaal uu halkaasi ka dhaco.

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Marka

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii maanta ka dhacay degmada Balcad oo wax go’aama ah ka soo bixin ayey xubnihii ka qeybgalay galabta dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

 

September 25, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Kulankan oo ay ka qeybgaleyn in ka badan Afar boqol oo qof ayaa xubnaha ka qeybgalay oo isugu jiray siyaasiin waxgarad iyo culumaaudiin lagu sheegay inuu ahaa kulan Qado ah oo halkaas ka dhacay.

 

Kulanka maanta oo la wada sugayey waxyaabaha ka soo bixi doono maadaama degmada Balcad ay isugu tageen xubnihii dowladda ee fikirka uga soo horjeeday xubnaha magaalada Jowhar ku sugan ayaan wax go’aamo ah ka soo bixin.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay xubna ay ka mid ahaayeen wasiirka ammniga Maxamed Qanyare, wasiirka ganacsiga Muuse Suudi, wasiirka diinta iyo Owqaafta Cumar Finish wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Bootaan Ciise Caalin, wasiirka dib u dhiska iyo dib u dajinta Barre Hiiraale, xildhibaan Axmed Cumar Jees, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Seeraar iyo mas’uuliyiin kale.

 

Dhammaan xubnihii ka qeybgalay kulankaas maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhaxe ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan qado oo ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan wasiirada Muqdisho oo ka dhacay Degmada Balcad.

 

Balcad.

 

Kulan qado oo uu soo qaban qaabiyey wasiirka ganacsiga al xaaji Muuse Suudi Yalaxow, kulankaani ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

 

kulankaani ayaa ahaa oo kaliya mid qado ah waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka ganacsiga oo uu ku weeraray saxaafada isagoo sheegay ineey hurinayaan colaad oo aanan ka shaqeynayn wanaaga iyo isu keenida dadka kala fogaaday.

 

 

 

dhanka kale waxaa shalay u sheegay Maxamed dheere in balcad uu xukumo Muuse Suudi shirna uu ku qabsan karo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Khudbooyinkii ay degmada Balcad ka jeediyeen xubnihii martiqaadkaasi ka hadlay

 

Balcad5.gif

 

Xubnaha labada gole dowladda federaalka ee Muqdisho ku sugan, siyaasiyiin, culumaa’udiin & waxgarad ka kala socday qeybaha bulshada magaalada Muqdisho & Balcad ayaa waxaa maanta martiqaad qado ah ugu sameeyey degmada Balcad wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow.

 

Balcad1.gif

 

Cusmaan Cilmi Boqorre

“Tan & xalay wax badan ayaa taleefoon ayaa la ii soo diray su’aasha la i weydiinayo waxey aheyd berri halkey ku duuleysaan, anigu halkan uma imaanin duulaan waxaan u nimid qado sharaf uu noo sameeyey wasiirka ganacsiga xukuumadda federaalkaâ€

 

Balcad.gif

 

Barre Hiiraale

“Hadda inta aan waddada ku soo jirnay Muqdisho taleefan ayaa na looga soo diray, waxaana na la yiri buundada Balcad waxaa taala 5 nin oo ********* meyd ah, maxaa yeeleysaa baa la i yiri, markaas baan iri 5 baad sheegeysaane 50 aan ugu tago waan booqanayaa Balcad, marka waxaa weeye kuwo badan waxey doonayaan in aysan dadku is arag oo aysan wadahadlin oo aysan munaasabado ku kulmin, haddaanu nahay labada gobol mas’uuliyiinta ka yimid waxaan u balanqaadeynaa martiqaad kan oo kale ah in aan u sameyno xubnaha Muqdisho, waxaana ku qaadeynaa diyaarado waana la soo celinaya†ayuu yiri wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo intaasi sii raaciyey.

“Qolyaha kale ee Jowhar waxaan codsanayaa in la wadahadlo waajib culus oo culus baa ina hor yaala oo labadeena qolo aysan midina qaadi karin, in aan isugu tagno oo qaadno mooyiye, waxaan ku baaqayaa in tanaasulaad badan & samir aan sameyno oo aan ka tagno danta gaarka ah oo aan isugu tagno danta guud, waxeyna ila tahay anigu in aan is hor fadhiisano oo aan wadahadalno oo aysan qolo kale inoo kala dab-qaadinâ€

 

Balcad9.gif

 

Sheekh Yuusuf Indhacadde

“Anigu labada gole kama tirsani, madaxweynana ma ihi, halka uu Max’ed dheere ka joogo labada gole ee Jowhar ayaan aniguna ka joogaa labada gole ee Muqdisho, waxaan soo dhoweynayaa in nabad la helo, waxaan taageersanahay in dalka, diinta & dadka in laga difaaco cadowga†ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad (Indhacadde).

 

Balcad3.gif

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys

“Waxaan leeyahay niman yahow nabadda waa loo baahan yahay marka horase waa in ALLE la la heshiiyo, marka anigu labada gole & Soomaalida waxaan ka codsanayaa oo aan doonayaa in aan balan isku ogaano oo aan diinta ILLAAHEY isku xukuno oo dadka yaga ku xukumo haddii kale dowlad ALLE la dirirsan yahay miyey soconeysaa.? haddaan Kitaabka ALLE la isku xukumina ALLE dagaal ayuu la taagan yahay†ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culumaa’udiinka waaweyn ee Muqdisho, wuxuuna intaasi sii raaciyey.

 

balcad6.jpg

 

Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)

“Balcad iyadoo loo hanjbayo oo la leeyahay lama imaan karo, maya ee waa la imaan karo, in ay yiraahdaan waa la imaan karaa oo aan u nimid ayna baruur naga dherjiyaana waa uga mahadcelinayaa, waxaana rajeynayaa in degmooyin badan ay sidaa uga daydaan†ayuu yiri G/sare Cabdi qeybdiid oo uu taliyaha ciidamada booliska u magacaabay wasiirka amniga Qaranka, balse uu ku diiday magacaabistaasi ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi

 

kulan-balcad-qanyare.jpg

 

Max’ed Qanyare Afrax

“Nabaddu waa la jecel yahay, laakiin waxaa la doonayaa haddii la waayo in laga sabro, laakiin dadka kulli nabad waa rabaan, midka daalunka ah ee la leeyahay nabaduu ku dheelayaa naftigiisu nabad ayuu rabaa, laakiin nabad uu adiga kugu kor joogo ayuu rabaa, nabadaasuna nabad noqon meyso, waxaa la doonayaa in leys reed socdo oo qof waliba lugihiisu uu ku socdo, ha i kor fuulin lugahaaga ku soco, anigana kuweygaan ku soconayaa, aan is dhinac socono, ha isugu soo leexan kugu soo leexan maayo, dhabahaaga toos u qaad, keygaan toos u qaadaa nabadda la rabo waa taas†ayuu yiri Max’ed Qanyare Afrax oo intii uu khudbeynayey sacab & qosol lagu hakinayey khudbadiisa.

Daba-dhilif maxaad tiriraah-deen†(Ha dhaco), “Kuwa isticmaarka xambaarsan maxaad tiraahdeen (Ha dhaco) anigu qofna ma sheegin laakiin dadku waa yaqaaniin†ayuu yiri Max’ed Qanyare.

“Anigu markii labaad oo aan qado warshada dharka Balcad uga soo qeybgalayo waaye, aad & aadna waxaan ugu faraxsanahay dadka Balcad sida wanaagsan ee ay noo soo dhoweeyeen, degmooyinka aan madaxda laheyn sidey u yaaliin waad aragteen, idinku madax baad leedihiin, dadkana waxaa lagu inkaaraa marka la doonayo in la inkaaro madaxa ha lagaa galo, dadku haddeysan madax laheyn talo ma leh†ayuu yiri wasiirka amniga Qaran-ka Max’ed Qanyare Afrax.

“Dad baa waxey yiraahdaan Max’ed Qanyare waa hadal adag yahay anigu waxaa iga daran saxaafadda, nimanka hadda Barre Hiiraale soo wacay ee yiri 5 nin oo meyd ah ayaa meel taal, anigu waxaan diidaa oo aanan jecleyn dulmiga, dagaalka & abaabulka ciidan yaa wada.? ninka dagaalka wada ee ciidamada abaabulaya ee dad inuu ka aar goosto doonaya oo duulaanka ah maxaad tiraahdeen (Ha dhaco), Amxaarada ninka wada ee dalkaan in uu qod siiya raba ha dhaco, annagana xorriyadeena, diinteena, sharafkeena & dhaqankeeda wanaagsan oo aysan dad wada haysan ILLAAHOW nooga xasili kuwa tuugada ah ee laac-laacayana naga qabo.†ayuu yiri Max’ed Qanyare.

 

kulan-balcad-muuse-suudi.jpg

 

Muuse Suudi Yalaxow

“Martiqaadka Balcad waxaa dhigay beel weyn oo maamul & deegaan leh, dadkaas kheyrka badan ee gogoshaas dhigay iyagana waan u mahadcelinayaa†ayuu yiri Muuse Suudi oo uga digay qeybaha kala duwan ee saxaafadda in la iska daayo wareysiyada iska soo horjeeda ee laga qaadayo dadka dhinaca fikirka isaga soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Shirkii Balcad oo qorshuhu ahaa in lagu dhiso Isbahaysi oo ku soo ururay Xaflad Qado sharaf ah

 

LOL. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke you have become extremely paranoid as of late..

 

I don't think it is in your health's interest to be this paranoid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Balcad5.gif

 

Bal arka, eega walaalayaal siduu u bahal dilanyahay

ninkaas lagu magacaabo Barre Hiiraale. Wuxuu yahay majirto. Bal fiiriya siduu uuga hor ordayo, asaga baa uugu horeeyaaba.

 

Walle sii aad iyo aad u xun bay u bahdileysteen qolooyinkaas xamar joogo. He has sunk so low only to become someone the seniors in moqadisho use like before big games Real Madrid v Barcelona bring little kids into the field and before the game is about to start the little kids some even handicapped run off the field to their designated area. He is like those kids. Si xun bay walle uu bahdileysteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The problems with us somalis is that we don't acknowledge pictures and the meaning of them, which can be made into tools.

 

Although I do not have to justify for any remarks I made however I felt that it is my duty to challenge the narrow minded folks of you.

 

First thing first, the decoding of the picture all I did was something that is called political satire which you lot don't seem to know anything off. Secondly you narrow mindness has prevented you to see the satire behind what I've written.

 

On a serious note there is a proverb saying that "a picture tells a thousand words" which is 100% true.

 

Coming back to the matter of the decoding of the picture if you look closely you'll find a certain person leading a group of men in their own "tuulo".

 

Let me ask you why is this guy jumping in front of the hosts. It is unheard of for the guest to lead the hosts in their own backyard.

 

We all know who is behind the meeting in Balcad and who initiated it. The real people with the real power hide behind the "****** " who are pushed to the "limelight". Where is Abdiqaasim, Yusuf Indhacadde, Seerar and Goobale in the picture, we all know that those guys are behind all these things.

 

The person I talked about should stop being a political flip flop and stop being used by right, left and centre.

 

Ask yourselfs where you stand today in terms of politics in Somalia. Simply you don't know because you can't decide which side to join and please don't tell me that you're a political entity of your own clearly you're not because otherwise you wouldn't share the revenues of the port of Kismayo with the Moqadisho Mob because you need there support in order to stay in the city, stop making false claims about you being the sole group in charge which is absolutely laughable.

 

Once a elderly men threw a bucket full of dirty water at a group of gedo region which also included the guy I mentioned earlier with many other sarkaals and military leaders from that region, they all jumped up and said to the old man who worked in the hotel they were staying with "why are you jumping up and he told them that they didn't need to be afraid of the dirt because they were inferior to the bucket full of dirt, they all said that the guy was telling absolutely the truth and they acknowled what he told them.

 

In those days they came in their masses to Moqadisho to seek political and financhial alliances and help. They need help because they were in desperate needs hence their acceptance of a humilialiting and embarrasing consessions in order to occupy the port in Kismayo because they themselves came from the landlocked gedo, so in order to survive they had to deal and come to an agreement with the other half more senior side of the alliance.

 

I challenge you tell me what your political affiliation is or are you confused as always, it really would have fatal consequences if you would choose the wrong affilitation, therefore you're currently in no-mans land because you don't know were to join and clearly you have to choose side's. We all know who the brains are in the meeting of Balcad, real people who have wealth, power and status don't have to show off that's why I will not find Abdiqasim, Indhacadde, Hassan Dahir Aweys, Deylaf co and the rest of the mob but the ***** who has been pushed into the limelight in order to be abused that's exaclty the point were the word "bahdilaysnimo" comes in the best suitable fit to describe the actions taken by someone who is clueless but it is not something that is only confined to one person but to a whole group of persons

 

N.B Horn as always waad iska hadashay. Do I need to say more?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this