Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharmarke scores a remarkable victory

Recommended Posts

cumar.jpg

Muqdisho: Shariif oo ka laabtay go'aankiisii iyo Taageerayaashiisa oo caro muujiyey....WARBIXIN....

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkii uu hore uu ku dhawaaqay in uu kala diray Xukuumadii KMG ahayd, uuna soo dhisayo Raysalwasaare cusub oo wax ka qabta xaalada, markaasna uu barbarkiisa midig kaga dhawaaqay Aaden Madoobe oo ahaa gudoomiyihii baarlamaanku in uu iscasilay, ayaa hada maanta oo Khamiis ah ka laabtay go'aankii uu ku kala diray Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo lugu sheegay go'aankaas in uu ahaa mid ka soo horjeeda dastuurka ay ku shaqayso dawladda KMG ah.

 

APL ayaa xog dheeraad ka raadisay waxyaabaha keenay in horay loo gaaro go'aan la og yahay in laga laaban doono ama uu sharci daro, waxaana xog baaris dheer ka dib lahelay in ay dawladdo badan lug ku lahaayeen arrimahaasi.

 

Madaxweynaha KMG ah ayaa lugu sheegay in uu xalay dhageystay doodo uga yimid Raysalwasaaraha iyo shaqsiyaad wax ka yaqaana Dastuurka dawladda KMG ah, maadaama ay muuqatay in uu qaldan yahay, oo aysan waxba ka jirin qaraarkii uu ka cayriyey Raysalwasaaraha iyo Xukuumadiisa.

 

Diblumaasiin uu ka mid yahay danjiraha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya iyo waaxda Arrimaha Africa uqaabilsan dawladdaha Reer galbeedka ayaa qaarkood usoo gudbiyey Madaxweynaha KMG ah in uusan sharci ku socon, isla markaasna uu waayi doono kalsoonida dawladdahas oo caawiya dawladda uu madaxda ka yahay.

 

Qof aad ugu dhaw Madaxweynaha oo diiday sheegida magaciisa ayaa xaqiijiyey in Shariif warqad looga soo diray Wasaaradda Arrimaa dibada ee dalka Mareykanka iyo dawladdo kale oo ay uga hadlayaan sida loogu baahan yahay in uu ka laabto go'aankiisii, markaasna sharcnimadeeda loo daayo Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

 

Taageerayaasha Madaxweynaha KMG ah ayaa maanta aad uga carooday go'aankiisa uu ku burinayay hadalkii uu sheegay Talaadadii todobaadkan, oo uu ku sheegay in aysan sharci aheyn Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in looga baahnaa in uu ku adkesto talaabadiisaas.

 

Laakiin taasi waxaa diidan taageerayaasha Raysalwasaaraha oo isku arkaya in ay guul wanaagsan gaareen, waxa ayna sheegeen in uu hogaamiyahooda Cumar leeyahay taageero dibadeed iyo Siyaasad wanaagsan, waa sida ay rumeysan yihiin shaqsiyaadka taageersan Cumare.

 

Labada qaraar ee iska soo horjeeda uu qaatay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaan shaki ku jirin uu muujiyey sida uu Shariif wax badan oo sharci daro ah, ugu dhaqaaqay, maadama maanta lugu qoray bayaanka ka soo baxay Xaafiiskiisa lugu sheegay in uu Madaxweynuhu ku qaldamay Dastuurka dawladda KMG ah.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo Qalalaase siyaasadeed uu soo wajahday Dowladda FKMG ee uu hogaamiyo Madaxwyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii uu is qabqabsi uu dhexmarey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Raiisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid taasina waxay keentey in xilka laga qaado Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke islamarkaana uu is casilo Gudoomiyhii Baarlamanka.

 

Cumar Cabdirashiid ayaa markii ugu horeeysey wuxuu ku gacanseyrey Eryadii uu xilka kaga xayuubiyey Gudoomiyihii Baarlamaanka wuxuuna uu sheegey in uusan xilka ka qaadi karin Shiikh Aadan Madoobe hadalka uu ku dhawaaqey uu yahay mid aan sharci ahayn , Go’aankii labaad uu uu ku gacansayrey Camar Cabdirashiid wuxuu ahaa mid ka soo baxay Madaxweyne Shiikh Shariif ee ahaa in uu xilkii ka qaaday Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Dowladiisiina ay dhacdey wuxuuna afka ku balaariyey in madaxweynuhu uusan isaga xilka ka qaadi karin “Hadalka ka soo yeerey Madaxweynaha waa mid aan sharci ahayn” ayuu si kulul u yiri Cumar Cabdirashiid oo sheegey in uu yahay Raiisul Wasaare Sharci ah

 

Qalalaasahaas siyaasadeed ee ku yimid Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo kala dhexgaley Beesha caalamka taasina waxay keentey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka laabto Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdirashid wuxuuna ku sheegey warsaxaafadeed uu soo saarey in uu Raiisul Wasaaraha sii wadan karo howshiisa Dowladiisuna ya tahay mid shaqeyneysa.

 

Warsaxaafadeedka oo uu faafiyey agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada DFKMG, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa tibaaxday in Sheikh Shariif ka laabtay go’aankiisii kadib markii uu la tashaday dad sharciyaaqaano ah iyo xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG, isla markaasna la sheegay in aysan dhamastirnayn kalsooni kala laabashado ay Baarlamaanku ku sameeyeen xukuumada.

 

“Habkii kalsooni kala noqoshada ee xukuumaddu ma ahayn mid dhammeystiran qaab ahaan iyo qodob ahaanba,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka.

 

Inkastoo aan la faahfaahin sababta uu Madaxeyne Shariif uu uga laabtay Go;aankaa haddana waxaan ka marneyn meesha cadaadis siyaasadeed oo ka yimd dhinaca Beesha caalamka hase yeeshee su’aasha meesha taala waxay tahay waxa laga yeelayo ama lagu qancin doono Shiikh Aadan Madoobe oo markii hore lagu qanciyey in la eryayo Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana loo dhiibi doono Xil kale.

 

Warsaxaafadeed uu hore (May 17, 2010) magaalada Nairobi ka soo saaray Walad Cabdalla oo markaas taageeray go’aankii Sheikh Shariif ku casilay ra’iisul wasaaraha ayaa xillilgaas qoraalkiisa ugu baaqay in Aadan Madoobe “Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub“.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALIA: President Sharif reverses decision to sack PM Sharmarke

May 20, 2010

 

SOMALIA: President Sharif reverses decision to sack PM Sharmarke

May 20, 2010 On Thursday, the president of Transitional Federal government of Somalia Sheikh Sharif Ahmed today announced that the cabinet of Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke will stay in place.

 

The president changed his previews decision on 17th May 2010, when he publicly declared that he dissolved the whole cabinet and the Prime Minister Omar Sharmarke.

 

Today, in an official letter by the President Shariff, said that after consulting with law experts on the issue of sacking the Prime Minister and the cabinet, he decided that the Prime minister and his cabinet will stay in place and function normally.

 

On Tuesday, The Somali prime minister, Omar Abidrashid Ali Sharmarke held a press conference in Mogadishu and challenged president Sharif’s decision to dissolve the government.

 

Still there were no answers to why the president took a such risk decision that undermines the federal charter. The Somali Federal charter states that : “The Transitional Charter states that a government will be dissolved if it loses the parliament’s vote of confidence.”

 

Many Somalis are debating whether the President should be impeached for violating the federal charter. Others praise the president for releasing his mistake and correcting it accordingly.

 

President Sheikh Sharif Ahmed is expected today to travel to Istanbul, where he will attend the international conference on Somalia.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

cumar.jpg

Muqdisho: Shariif oo ka laabtay go'aankiisii iyo Taageerayaashiisa oo caro muujiyey....WARBIXIN....

 

GO GO GO INADEER :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this