Sign in to follow this  
Gar-haye

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

Recommended Posts

Gar-haye   

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

 

 

In ka yar labo toddobaad gudohood waxaa ciidammada gumaysiga laga dilay in ka badan 150 askari, ka dib dagaallo badan oo muddadaas dhexdeeda dhex-maray iyaga iyo CWXO, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay inta la ogyahay 34 askari. Waxaa ciidammada gumaysiga muddadaas dehxdeeda laga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha RX uga soo warrama dalka ********ya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

 

30/03/08 Jiir-guduud, oo Dhagaxbuur dusheeda ah, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 30/03/08 dagaal ka dhacay Ananu waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

21/03/08 dagaal ak dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

29/03/08 dagaal ka dhacay Dig waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

28 iyo 29/03/08 weerarro gaadmo ah oo ciidammo gumaysigu leeyahay loogu gaystay Cawl-ku-dhal waxaa lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

27/03/08 Gurraati, oo Dig u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 27/03/08 waxaa labo mar oo kala duwan weeraro lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee Dig ku sugan, waxaana isu gayn laga dilay 5 askari, 6 kalana waa laga dhaawacay.

 

25/03/08 Jidhacle, oo degmada Fiiq ka tirsan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay labo baabuur oo Uuraal ah, ka dib markii cutub ka tirsan CWXO uu weerar qorshaysan ku qaaday kolonyo baabuur ah oo ciidammada gumaysigu wateen oo halkaas marayay. Waxaa ciidammada gumaysiga weerarkan lagaga dilay in ka badan 100 askari oo labadaas baabuur saarnaa, waxaa sidoo kale halkaas ku gubtay hubkii iyo saanaddii ay askartaasi wateen.

 

 

19/03/08 labo dagaal oo ka dhacay duleedka magaalada Xamaro waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay isu gayn 17 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

 

16 iyo 18/03/08 waxaa weerarro mir ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo Baarta, kuwaasoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 16/03/08 dagaal ka dhacay Gurracan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

15/03/08 Ananu waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D Gar-Haye thnx for posting this.

let me summarize

code:

   Date		 Dead		Injured

------- ------ --------

30/03/08 2 1

30/03/08 5 4

21/03/08 6 4

29/03/08 5 4

28/03/08 3 5

27/03/08 6 3

27/03/08 5 6

25/03/08 100 0

19/03/08 17 5

18/03/08 3 2

16/03/08 3 2

----- ------

155 36

Disclaimer: There is a slight margin of error

due to figures from the 'injured' column being carried over to the 'Dead' column :D

 

Good job to the resistnace all in all it was a good month

keep up the good work lads.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

injured+dead= enemy that will not rape, torture, kill, burn villages.

thanx GJ for summing it up.

 

considering the circumstances i think this month after all was a progressive month. looking forward to the guu when things will pick up and the terrain would be more friendly. waa inaan guugan xorowna. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

Tuulada Ina Dhogor Jiir oo dagaal weyni ka dhacey

Apr 02, 2008 Tuulada lagu magacaabo INA DHOGOR JIIR oo ah tuulo dhul beereed ah oo qiyaastii dhanka Waqooyina 6km ka xigta magaalada Dhagaxbuur ayaaumaalintii Axada March 31,2008 dagaal kulul ku dhex maray Ciidamada Wadaniga Xoreynta ******iya iyo kuwa Itoobiya.

 

Dagaalkan ayaa sida naloo xaqiijiyey ahaa mid ay Xoogaga Ciidamada Wadaniga Xoreynta ******iya (CWXO) qorsheeyeen.

 

Sida warku sheegayo waxaa tuulada ku sugnaa ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo laga dhigey wax la diley yo wax cararay. Ciidan gurmad ah oo laba Baabuur ah ayaa ka yimid Dhagaxbuur, kuwaas oo daad gurey meydkii askarta Itoobiyaanka, iyaga oo Tuulada ku duley Odey dhaqameed aad looga yaqaano Tuulada oo lagu magacaabi jirey AW-XUSEEN AW-MAXAMUUD, waxaa sidoo kale ay ciidamada Itoobiya dhaawaceen Odey kale oo naloogu sheegay Ina Gaameele.

 

--****** Online News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this