Sign in to follow this  
Xudeedi

Puntland: Faroole’s proposition for change is indeed a catalyst for lasting peace

Recommended Posts

Xudeedi   

9070.jpg

 

Dhahar Online: Tan iyo markii Madaxweyne Faroole isku shaandheyn ku sameeyey qeybaha kala gedisan ee Golaha Wasiirada , Laamaha amaanka iyo Madaxda Gobolka Bari oo ay ugu horeeyaan Badhasaabka iyo Duqa degmada Bosaso , waxaa soo if baxayey ifafaalo nabadeed iyo nayaayiro guud oo ay neecowdiisa dareemeen dhamaan shacabka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Bari oo la daala dhacayey dhibaateyn aan cidda ka danbeysa la aqoon oo hadba cid danbil aawayaal ah danbi aaney laheyn dusha looga tuurayey .

 

Sideynu wada ogsoonahey dhibaatoyin kala gedisan oo isugu jira , Qaraxyo , Qudhgooyo iyo bartilmaameedeysi Xubno ka mid ah golayaasha Dowladda Puntland ayaa mudoba ka jirey Gobolada puntland , siiba gobolka Bari xaruntiisa Bosaso ayaa Hoy u noqotey in si sahlan qofka Masuulka ah ama shacbiga ah loogu dhibaatiyo oo naftiisa loo qoonsado , amuurahaasi dilalka ah oo ilaa hadda aan la shaacin cidda dhabta ah ee ka danbeysey amaba soo abaabuley .

 

Dilalkaasi kala gedisanaa , dadyowga ku dhaqan gobollada Puntland waxey ka bixinayeen fasiraado kala gedisan , qof waliba wuxuu ku tuurayey oo eedeeda dusha ka saarayey in Dowladdu sabab u tahey in la dhibaateeyo shacbiga , lana bartilmaameedsado xubnaha dowladda ee ka tirsan goloyaasha dowladda . Dadku waxey inta badan farta ku godayeen xukuumada oo ay lahaayeen waxa kamid ah xubno firfircoon oo ka tirsan isla xukuumadda Puntland lafitigeeda oo maleegayey dilalka qorsheysan iyagoo uga gol leh khalkhal gelin amni iyo iska horkeen Beelaha walaalaha ah ee Puntland , wallow dadka qeybtood eey u arkayeen in arinkaasi eey ka danbeeyeen kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka Puntland oo gacan saar la leh islaamiyiinta ka dagaalama koonfurta Soomaliya.

 

Hadaba , waxa is weydiintu tahey ma joogsadeen qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa mar hadii la bedeley Xubno ka mid ahaa golaha Wasiirada oo uu ka mid ahaa Gen ,Cabdullahi Siciid Samatar oo dadka qeybtii u arkayeen inuu yahey mushkiladda dhabta ah iyo shaqsiga iska horkeenayey dadka ku dhaqan Gobolka Bari gaar ahaan caasimadiisa Bosaso . sidoo kale waxa isbedelkasi xilalkoodii ku waayey dhamaan Qeybo ka mid ah Gudiga Amniga Gobolka Bari oo uu horeeyey Gudoomiyihii Gobolka Bari .

 

Soomaalidu waxey tiraahdaa , Libaax nin galladey iyo Nin ganey kala ogsoon, Shacbiga Puntlandna gaar ahaan kuwa gobolka Bari waxey garwaaqsadeen in Madaxweyne Faroole daacad ka yahey Hogaaminta Puntland oo uu ogsoonyahey xubnaha ku wada Hagardaamada oo si toos ah u dhibaateynayey shacbiga Puntland , sida caqliga saliimka ahi dhigayo waxa durbaba ilaahey ku manneystey Dadka reer Bosaso Nabadgeliyo deg deg ah iyo in S*****i raacdey xubnihii la hufey , dib danbena aan loo maqal wax la dhibaateyey dadkiina ku seexdeen Nabad .

 

Madaxweyne Faroole raga majaraha talada puntland la haya waa rag uu soo xushey kuwana uu ugu yimid meesha iyagoo ku xidideystey , had iyo jeerna wuxu si gaar ah isha ugu hayaaa dadka hortaagan oo nabadda caqabadda ku ah ee qabiilada iska horkeenayey , isbedelkuna maalin qur ah maaha ee waakan waqti qaata , maalin walibana waxa dhici doonta in uu shacbiga ku raali geliyo inuu ka horleexiyo dulmiga is baheystey ee dhibka ka dhex wada shacbiga , sida aad haddaba arkeeysaan in la kala direy PIStii ama hay’addii dadka qaar u yaqaanneen ( Ashahaado la dirirka ) , taas oo shacbiga Puntland ku wadey dhibaatooyin iyo jaa ifooyin faro badan oo qof waliba si gaar ahaaneed u saaameyey , had iyo jeer dadka ku dhaqan Puntland waxey ka duceystaan ashraarta qolyahaasi dhibka ka dhex aloosayay Ummadda Puntland. Umada reer Puntland ayaa ah kuwa aan u eegeynin dadka la magacaabay qabiilkooda, laakiin u eegey shaqsiyadooda iyagoo filaaya in raga cusubi ay wax badalaan, hadii kalena ay sidaasi shaqadooda kuwaayi doonaan.

 

Ugu danbeyn waxay isweydiintu tahey Madaxweyne Faroole ma kaga dhabeyn doonaa isbedelka uu horseedka kayahey ee shacbigu u doorteen si uu u gaarsiiyo Umada reer Puntland Nabad iyo Barwaaqo baahda , mise wuxuu u nuglaan doonaa in hadba kooxo shacbiga kharbudaad ku wadaayi isu baheystaan oo iska horkeen ka dhex abuuraan shacbiga Puntland ……. ,?

 

Dhahar Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

The Greatest Impediment to Puntland’s Progress (PIS)

 

By Abdikadir N. Salah

 

 

December 25, 2009

 

 

"Every nation in every region now has a decision to make. Either you are with us, or you are with the terrorists" (George W. Bush).

 

Ever since former U.S. President Bush declared war on terror, a new political trend has taken a shape in the Horn of Africa. Political foes started to flip the terrorist card in order to subdue their arch enemies. There is no gainsaying that Melez Zanawi's oppressive regime saw the utility of the terrorist card and maximized it to usurp power, indefinitely. His regime accuses all opposition groups with legitimate grievances as terrorist organizations, thereby seeking help from the Western Allies (USA, NATO). Similarly, Somali warlords, opportunists, and pseudo politicians invoke this political card and indict anyone whom they perceive as a threat to their narrow political agenda and alleged corruption schemes. Among these antagonists who carry out heinous crimes against other tribes while ostensibly appearing as an American ally is the head of Puntland Intelligence Service, Osman Diano, a man who is infamous for smearing terrorist allegations against his critics and traditional adversaries.

 

Background Context

 

After the debacle of the September 11, U.S. foreign policy objectives spearheaded by the Pentagon was keen to develop a relationship with the only two functioning sub-states in Somalia: Puntland and Somaliland. Puntland Intelligence Service was created in 2001 and it markets itself as a counter terrorist organization that was first established with the good intention to protect and serve the people of Puntland. Nevertheless, PIS has fallen into the hands of a dynasty. Hence, instead of serving the people of Puntland, it became a catalyst to further subjugate the very same citizens it is assumed to protect. With over half the state budget and other foreign assistance package, PIS has evolved on to become the most powerful institution in Puntland.

 

A report that was released by the Crisis Group Africa in 2009 states "The makeup of the new police and army was predominantly *****ten, to be precise from the subclans of Mohamoud Saleban (sub-clans). This apparent imbalance planted the seeds of the political problems that over- took the administration." Many regional analyst, predict if the U.S. Government does not consider a policy change to attend to popular grievances against the PIS's structure and leadership, which are accused of clan bias, nepotism, extortion, and extensive torture, it could spark a new inter-clan bloodshed.

 

Human Rights Violations

 

Crisis Group Africa also reports "The arrests and renditions further eroded public support for the regime, which became increasingly dependent on the PIS for survival."

Just several weeks ago, PIS allegedly charged two young men for supporting ONLF without any proof or attestation. After few days in their cells, both prisoners were reported dead. Several human rights activists are accusing PIS of basic human rights violations. The head of PIS is notorious for torturing and repatriating refugees and political asylums from the ****** region of Ethiopia. The UN Convention against Torture, in Sub article (l and 2) of Article 3, clearly states that: "No State Party shall expel, return or extradite a person to another State where there are substantial grounds for believing that he would be in danger of being subjected to torture."

 

Meanwhile, PIS is playing a key role in fuelling an inter clan war fare between the Dubais sub-clan of ********** and Usman Mohamud subclan of Mejirteen, the predominant clan in PIS's composition. Unlike the ****** refugees, PIS is waging war against a formidable force in the region. The Dubaiss sub clan resides in the city of Bosaso and its surrounding areas such as Laag, Hamur, Galgala, El-Dahir, and Marajo of Bari region. On Dec 22, PIS launched an unexpected attack which resulted in the torture, arbitrary arrests, and looting of innocent people in the towns of El-Dahir and Laag, seriously wounding a mother in the process. On Dec 23, the chief of Dubaiss sub-clan of ********** spoke against the false allegation perpetrated by Osman Diano, in which he asserted that there are terrorist cells in all of ********** dominated cities in Puntland. On Dec 24, Abdi Dawar Gurhan, an innocent man from Galgala was gunned down at Netco center in Bosaaso by unidentified, veiled men. The Chief Gerad cautioned the international community that this type of aggression could escalate an inter-clan bloodshed. He also warned the international community not to be deceived by the hidden agenda of the PIS whose composition, structure and leadership are exclusively made up of one clan with the sole purpose to dominate other clans in the region.

 

Conclusion

 

When President Abdirahman Mohamed (Faroole) first came to the office in Puntland, he promised to reform the economic and security sectors of the state. Conversely, he failed to get in the affairs of PIS, for the reason that they are a separate entity under the false pretext of Puntland State. Their main donors are westerners who lack the competency to understand the convoluted political atmosphere in Somalia. Nowadays, the term "terrorism" became a mechanism to withdraw western tax payers' money in order to pursue personal/tribal goals. People of Puntland should stand up against these tyrannical leaders who could lead us into a period of devastation and mistrust. It is time for President Abdirahman to take full control of his administration or succumb to a new re-invigorated inter-clan warfare.

 

By Abdikadir N. Salah

 

abdulkadir.salah@gmail.com

 

References

 

1) Somalia: The Trouble with Puntland. (2009, August 12). International Crisis Group. 6, 10.

 

2) Ahmed, Abdi-Aziz. (Dec 23, 2009). Beelaha Sanaag/Haylaan iyo Galbeedka Bari oo ka hadashay falkii CeelDaahir. Dhahar Online. Retrieved Dec 24, 2009, from http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8663

 

3) Isseh Ali. (Dec 24, 2009). DHAGAYSO---Shir jaraa’id. Dhahar Online. Retrieved Dec 25, 2009, from http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8666

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

When President Abdirahman Mohamed (Faroole) first came to the office in Puntland, he promised to reform the economic and security sectors of the state. Conversely, he failed to get in the affairs of PIS, for the reason that they are a separate entity under the false pretext of Puntland State

Faroole's most recent move was a result of both pressure from the people of the state and a complete security failure from Cisman Diyano and the agency overall.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

cimg0450.jpg

 

PIS arrests Bari Region Soccer Stars

 

Boosaaso: Waxaa shalay fajac iyo la yaab ku dhaliyey dadka reer Boosaaso kadib markii kabtanka kooxda gobolka Bari, oo ah kooxdii qaadey cayaaraha gobolada Puntland (Xassan Baari) isla markaana noqdey difaaca ugu laacibsan iyo kabtanka ugu edebta badan cayaarihii ay gobolka Bari guusha kusoo hoyeen ayaa waxaa shalay lala xirey ciyaartooy kaloo ka mid ahaa gobolka Bari oo heyb ahaan kasoo jeeda deegaanka Galbeedka Bari.

 

Iyadoo ay xiligan tahay xili ay cayaaraha naadiyada Puntland ay ka socdaan garoonka kubada cagta ee Boosaaso, isla markaasina ay cayaar ku dhex mari lahayd kooxda Dowlada Hoose iyo kooxda Tawakal. Waxaa xusid mudan in kooxda Tawakal uu ka xiranyahay cayaartooyga caanka ah ee Cumar Ahmed Saalax isla markaana ka mid ahaa cayaartooydii gobolka Bari guusha usoo hoyey cayaaraha gobolada Puntland.

 

Gudoomiyaha Sportiga gobolka Bari ayaa walaac ka muujiyey arintan oo ah arin aan horey uga dhicin Puntland in cayaartooyda iyo ardeyda beel ahaan loosoo xirxiro. Mr. Mustafe Majacase oo ah gudoomiyaha sportiska ayaa wuxuu dowlada ka codsadey in cayaartooydaas aysan wax falalka lagu eedeeyey aysan lug ku lahayn ay yihiin dhalinyara ka madax banaan dhacdooyinka lagu eedeeyey.

 

Gudoomiyihii hore ee Sportska gobolka Sanaag Daahir Isfooto ayaa sidoo kale ka hadley arintan, iyadoo lawado qorshe ay naadiyada Puntland ay shir jara’id bari ku qabtaan Boosaaso. Sidoo kale naadiyada wada cayaari lahaa bari ayaa diidey in ay cayaar dhex marto, iyadoo gabi ahaanba cayaarihii naadiyada lagu joojiyey, sidaasina uu hakad usoo galay.

 

Guntii iyo gabagabadii, arintan ayaa waxaa ay ka careysiisey beesha ay kasoo jeedaan wiilashan oo ahaa dhalinyaro ardey iyo cayaartooy oo gaaraya ilaa 9 wiil. Taliska booliiska gobolka Bari ayaa sheegay in amarkan uu bixiyey wasiirka Amniga, iyadoo haatan uu shir kasocdo magaalada Galgala. Aragtiyo badan oo laga kala muujiyey ayaa tibaaxaya in wasiirka Aminga uu wado isku day siduu ku burburinlahaa shirka ka socda degmada Galgala ee gobolka Bari.

 

C/casiis Axmed

 

Dhahar radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

PIS Arrests 4 Men from Galgala

 

Sida aanu ku helayno Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Bosaaso Saaka ayaa la qabtay 3-Wiil Gaadhi Landcruiser Nooca lagu Xaragoodu ah la dhex marayay Badhtamaha Bosaaso, Wiilasha la qabtay ayaa dhamaantood ahaa kuwa ka soo Jeeda Deegaanka Beeralayd ah ee Galgala.

 

Ciidamada Loo Yaqaan Puntland Intelgent Service ee loo soo Gaabiyo PIS ayaa qabtay wiilashaasi waxana loo dhaadhicyay Saldhigyada Ciidamadaasi.

 

Wiilasha ka qabtay ayaa Lagu kala Magcaabaa

 

 

Siciid Cakaal

 

Xasan Baari

 

Cumar Axmed Salaax

 

Abshir Kaabe

 

 

Dhanka kale Arinkan ayaa ku soo aadaya iyada oo xalay Bosaaos lagu dilay Rag badan oo ka Tirsan Dawlada Ismaamul Goboleedka Puntland.

 

Bosaaso ayaa kacsan Maanta ka dib markii la qabtay Wiilashan waxana laga Dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo Wajiyo badan leh.

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dhahar Editorial: Failure of Puntland Security Agencies channeled through discriminate clan practices

 

FAALO: Fashilka Hay’adaha Amniga iyo far godida Beesha Galbeedka Bari

Editorial: Tan iyo intii qaraxyada iyo dilalka is daba jooga noqday ay ka dhacayeen degaanada gobolka Bari, ayaa shacab weynaha Puntland ka muujiyey aragtiyo kala duwan, iyagoo ka shidaal qaadanaayo hadalada mas’uuliyiinta iyo tabinta saxaafadaha kala duwan ee reer Puntland. Inkastoo guud ahaan siyaasada Somaaliyeed aan ka marnayn xifaaltan iyo hurgufo beeleed, balse mas’uuliyiinta Puntland ayaa horay looga baran beelo la carbaabiyo iyo adeegsiga erayada ka baxsan anshaxa dowladnimada.

 

Magaalada Bosaaso ayaa tobankii sano lasoo dhaafay ku socotay koriin dardar ah iyadoo ay soo camireen kumanaan kasoo qaxay koonfurta dagaaladu ay saameeyen. Hadaba koriinka tirada shacabka ayaa marwaliba barbar socda koriinka amni darada (crime rate), iyadoo magaalooyinka casriga ay uga hortagaan musiibooyinka la xiriira amni-darida qaab cilmiyeysan adeegsadana qalabyada hoos ku xusan:

 

Uruurinta (documenting) falalka amaan-darida: waxyaalaha dhaliya, goobaha ay ka dhacaan, cida soo maleegtay ama lugu tuhmo dabadeedna qalinka loogu dugo qaab tafaasilaysan (classified), si loo sahlo hawlgalada laamaha amniga.

 

Tayeenta hogaanka laamaha amniga: barashada culuumta amniga ayaa ah mid aan ku ekeen xil laguu magacaabo amase daraja military (rank) aad gaartid balse ay wadisteeda ku xiran tahay gudashada xilkaaga. Hadaba si horumar looga gaaro culuumta amniga, waxaa mudan in laga qayb-galiyo cilmi baaristeeda jaamacadaha dalka (East African University) lana kaashado qaab baarista (research methodology) maadooyinka culuumta bulshada (social sciences) iyo waliba xisaabaatka (statistics).

 

Kasbasashada kalsoonida bulshada: Laamaha amniga ayaa ah adeegaha bulshada (tax payers), una shaqeeyo qancinta shacabka. Shacabkuna waxaa lagu kasbankaraa oo qura in ay iska dhex arkaan gudoonka iyo waliba saraakiisha amniga. Taasi micnaheedu waxa weyaaan in beelaha degaanaka si sinaan ay hormuud uga noqdaan laamaha amniga.

 

Hadaba gudoonka sare ee amniga Puntland ayaa ku guuldaraystay tabigelinta ama isticmaalida qalabada kor ku xusan iyagoo gees-maray waajibaadkoodi xilgudasho. Guul-darida shaqsiyaadka ku magacaaban amniga ayaa ugu wacan iyagoo aan isticmaalin qalaab-cilmiyeedka loo adeegsado nabadsugida iyo xisaabtan cad aan ka imaneyn dhinaca madaxtooyada.

 

Qaabka gudoonka amnigu u wajahay qalalaasada magaalada Bosaaso:

 

Kadib markii wasaarada amnigu ay ku fashilantay xilgudasho la’aanta sababa la xiriiro mishaarka askarta oo la lunshay ayaa wuxuu wasiirka amniga amray in gawaarida gaashaaman loo adeegsado degaanada galbeedka Bari (Laag, C/doofaar, Xumur,etc). Wasiirka amniga ayaa dhowr jeer carbaabiyey in amaanku ay lidi kutahay beesha Galbeedka Bari. Go’aankan dandaansi beeleedka ayay wasaaradu qaadatay laba sababo awgeed;

 

 

1.In qiil loogu helo (scape goat) xilkasla’aanta wasiirka amniga.

 

Ama

 

2 In beesha lagu tuhmay amaan darida, ma’daama ay degaan yihiin qaybna ka ahayn saraakiisha amniga.

 

Dareenka shacabka Galbeedka Bari (dal iyo dibad)

 

Gelitaanka Ciidamada PIS iyo kuwa Darawiishta ee Galbeedka Bari ayaa sababay dhaawac iyo burbur hantiyaad oo soo gaaray shacabka dabadeedna dhalinyaro fara badan qaab qorshaysan lagu xirxiray xaafaduhu ay beesha ka degto Bosaaso iyo degaanada ku xeeran. Dhacdadaasi ka gadaal ayey beeshu isku aragtay shirar ka dhacay magaalooyinka Dhahar, Baraagaha Qol, Galgala, Bosaaso, iyo waliba qadka Telephonka si beeshu dal iyo dibad go’aan midaysan u qaadato.

 

Go’aamada kasoo baxay shirarkaasi ayaa lagusoo koobay bayaan iyo baaq nabadeed ay beeshu u dirtay maamulka Puntland, saxaafaduhuna loosoo bandhigay. Baaqyadaas ayaa ka tarjumaayay dareenka beesha qeexayna in wasaarada amnigu wado hawlo barakicin, beeshuna xaq uleedahay isdifaacid.

 

Gebogabo

 

Inkastoo xildhibaanada golaha degaanka iyo mas’uuliyiinta kale kasoo jeeda Galbeedka Bari ay raja wanaagsan ka muujiyeen wadahadalada dowlada iyo beesha haatan uga socda magaalada Galgala, balse beesha oo la qanciyo oo qura ayaa gees maraaya helida xaal waara. Dowladu waa inay ku dhaqdaa laamaha amniga qaab cilmiyeysan, xulida hagaankana lugu xiraa shuruudo aqooneed si dowlada ay u hanato khuburo kusoo biiriyo waxtarkoodi laamaha amniga.

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Ciidamada Loo Yaqaan PIS ta ayaa xidhay Maanta Duhurkii laba wiil dhalinyaro ah kuwaasi oo Meher ku lahaa Meesha loo Yaqaan Shaqaalaha ee Bosaaso ku Taala Xidhiidh aan Caawa la sameeyay Bosaaso waxa lay Xaqiijiyay in Wiilashaasi ay wali Xidhanyihiin

 

Ismaaciil Maxmed Axmed oo loo Yaqaan [ina Aflul] iyo Siciid Faraaxn ayaa la xidhay Maanta waxana qabashadooda la'haa Ciidamada PISta.

 

Lama sheegin Ujeedka wiilasha loo xidhay hase yeeshee qof Jooga Bosaaso oo aan Khadka Telefoonka ku Tiigsaday ayaa ii sheegay in PIStu la xidhiidhinayso Qaraxyo la sheegay inay Xalay Bosaso ka dhacay.

 

Tirada Wiilasha xidhan ee Reer Maakhir ayaa waxay tani ka dhigaysaa 21- sida aanu xogta ku Hayno kuwaasi oo qaarna la xukumay kuwa kalena wali Yihiin Rumaan ama Xukun Suge dhamaantooda waxay ku Jiraan Gacanta Ciidamada Gaar ah ee ka amar qaata Cismaan Diyaanaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

PIS targets innocent men in broad day light

 

Ciidamada PIS Oo Dil Badheedh Ahi U Geystay Marxuum Ayaanle Maxamed Sugule Iyo Shacabka Goboka Bari Oo Maxbuusyo U Noqday Barnaamijka "La-dagaalanka Argagixisada"

 

Alxamdulilaah: Habeenimadii xalayto ayaa ciidamada PIS weerar gaadmo ahay ku qaadeen gaadiid rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Bosaaso kuna sii jeeda degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Weerarkaasi ayaa waxaa ku naf waayey marxuum Ayaanle Maxamed Sugule oo kasoo jeeda gobolka Cayn.

 

Kadib xiriiro khadka teleefoonka ay warbaahinta Dhahar-Radio la samaysay shakhsiyaad ku sugan tuulada Alxamdulilaah, ayaa waxaa cadaatay in dilkaasi ay gaysteen ciidamada PIS oo xarun ku leh tuulada Alxamdulilaah. Faysal Maxamuud Jaamac oo ka mid ah gaadiidlayda xalay ku hakatay tuulada Al-Xamdulilaah ayaa inoo suurta gashay in aynu ka waraysano dilkaasi iyo cida fulisay.

 

Faysal oo u waramaaya Dhahar Radio ayaa yiri “ waxaa baas ku furay gaadiidkii iga horeeyey niman u labisan sida askarta bartilmaameedsadey marxumka kadib u cararay bariga laamiga. Dilkaasi waxuu ahaa mid qorshaysan goobtuna waxay ahayd aagii shalay ciidanka PIS tu fadhiyeen ” Mar aynu suaalnay Faisal in ciidamada ay yimaadeen goobta israsaaseyntu kadhacday ayaa yiri “ Maya, waxaana gebi ahaanba faaruq ahayd isbaarada Alxamdulilaah tiilay”.

 

Arintani ayaa timid kadib markii shacabka gobolka Bari ay la daristay amaan xumo oo aan awal gobolka looga baran. Dhawaan ayey soo saaren baaqyo isdaba jooog ah beelaha degaan kuleh magaalada Bosaaso, baaqyadaasi ay gebin ahaanba ku naqdinaayan eedaymo loosoo jeediyey beelaha degan magaalada Bosaaso.

 

Shaqsiyaadka indha indheeya siyaasada Puntland ayaa aad ugu tuhmay ciidamada PIS inay ka dambeyeen dhamaan arimaha argagixiyey shacabka reer Bosaasood. PIS ayaa ah laan ka mid ah laamaha amniga oona ka madax banaan maamulka Faroole, taageero dhaqaalena ku helo barnaamijka “La-dagaalanka Argagixisada”.

 

Barnaamijkaasi oo ay quutul yowmka ku raadsadaan PIS ayaa dhalisay in ay iibsadaan shaqsiyaadka reer ********ya, xirxiraan mashaa’iqda magaalada Bosaaso, kuna tuntaan dastuurka Puntland, iyagoo ku macneeyo howlahooda shaqa kudashada dagaal ay kula jiraan wax ay ugu yeereen “Islaamiyiinta.”

 

Dilkaan ayaa qayb ka ah dilal qorshaysan oo ay dhawaanahamba gaysteen, si la’isaga horkeeno beelaha walaalaha ee reer Puntland. PIS ayaa falalkaan fulinaaya kadibna ku eedaynaayo “Islaamiyiin”, si ay uga dalbadaan reer galbeedka lacag dheeri ah oo ay kula dagaalamaan “Islaamiyiinta”.

 

PIS ayaa la aas’aasay ka gadal qorshihii Mareekanka ee Africom (African Command), kadibna u gacan gashay hal beel sida ay u qeexantahay warbixinta “Monitor Group” oo ah hay’ad UN’ta u qaabilsan cilmi baarista. Hadaba shacabka gobolka Bari ayaa aad ula fajacay isbadalka ku yimid degaankoodi, iyagii oo maxbuusyo u noqday barnaamijka “La-dagaalanka Argagixisada”.

 

Maxamed Xuseen

 

Boosaaso, Bari

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^don't celebrate too early for the possible restoration of integrity and legitimacy into the system. PIS is still in the hands of a dynasty as eloquently argued by Abdulkadir Salah. The man now decreed to replace its head is of the same sub-clan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It does not matter about the tribe of the leader. Koleyba nin unbaa noqon lahaa, marwalbana qabiil ka dhashey. Laakiin waxaa muhiim ah in la dheeli tiro saraakiisha ka mid ah ciidamada. Waxaan u malaynayaa in uu Faroole howshaasina wax ka badali doono. Mar hadii uu wax ka badalay hogaanka koowaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Nassir:

^don't celebrate too early for the possible restoration of integrity and legitimacy into the system. PIS is still in the hands of a dynasty as eloquently argued by Abdulkadir Salah. The man now decreed to replace its head is of the same sub-clan.

This is precisely what I have been saying about Reer Maakhir and their weak argument. It has nothing to do with the facts and details of what this man has done. But their hatred for 1 sub-clan, you have finally exposed the truth behind your anger with the former admin under Gen Cadde Muse and all other leaders that come from that sub-clan! Why Maakhir claimed to have broke away and than came back!

 

You are upset at this so called make believe dynasty!

 

And now you can't celebrate because the new man who's might come into the PIS is from the same sub-clan!

 

But, At least you are honest Nassir, unlike others from Maakhir who pretend they are upset at the PIS (or former admin) for legitimate reasons!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Thankful, I need to see a structural reform not only in the leadership ranks of one agency but the whole PL state.

It is to highlight and re-emphasize the need for a balanced administration that is based on constitutional justice and that can win the confidence of the people it is supposed to serve.

If the head of PIS were from a Galka'ayo residence or Alula, it will still raise the same outstanding issue as one clan's dominance of PL state organs is what violated the social contract that first established it and the loss of Sool region and its capital.

To avoid further disintegration within PL, we must attend to its root causes, rectify some of the unresolved issues and balance the system.

Or let the so called elites from Maakhir put an end to their fruitless compromises and refrain from hoodwinking to their constituents and thus embark on a program of seperate admin under the current federalist platform, as I always advocated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

don't celebrate too early for the possible restoration of integrity and legitimacy into the system. PIS is still in the hands of a dynasty as eloquently argued by Abdulkadir Salah

 

I agree with TF, this is very weak and clanish argument.

 

PIS is not a clan but anti terrorist state agency that needed to be reformed but has clear mission to stop terrorism in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^I surmise you have not understood the thesis of "The Greatest Impediment to Puntland's Progress" to which my above comment refers to. It's not only the composition and structure of that agency, but how it is used as a tool to settle some scores or displace entire communities from their lands.

I'm not the first one who highlighted its clannish make-up as legitimate other sources did, and I do care less of a reform limited to one agency.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this