Sign in to follow this  
Juje

Yeey Geedi o lacag isku qabsadey..!

Recommended Posts

Juje   

Mad madowga siyaasadeed ee dhexeeyay madaxweyne yuusuf iyo ra'isu wasaare geedi oo sii laba lixaadsaday

lacaagdl3.jpg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isul wasaare Cali Max'ed Geedi oo mad madow siyaadeed u dhexeeyay mudooyinkan ayaa xog aan ka helnay illo ku dhow dhow madaxdaasi ay sheegeysaa in uu sii laba lixaadsaday khilaafkooda xoogaysiga khilaafkooda ayaa ka dhashay kadib markii ay labada mas'uul ay isku qabsadeen cida loo dhiibayo mas'uuliyada Jeeg lacag Zeko ah oo uu Boqrolka dalka Sucuudiga C/lla Bin C/casiis, ku wareejiyay madaxdaasi, iyadoo tuhun soo kala dhex galay dartiisna uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo jeediyay in jeegaasi lacageed lagu wareejiyo wasiirka Maaliyada Xasan Max'ed Nuur (Shaati Guduud) iyo Gudoomiyaha Bankiga Bashiir Cismaan, R/wasaare Geedi ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedinta madaxweynaha isagoo soo jeediyay Prof. Geeddina in jeegaasi lacageed lagu wareejiyo Mudane Yuusuf in lagu wareejiyo Saalim Caliyow Ibrow maadaama ayuu yiri Saalim uu ahaa nikii horey u maamulay lacagihii hore ay dowlada Sucuudiga siisay dowlada Federalka oo gaareysay 32-malyan oo Dollarka Mareykanka ah.

 

Murankan labada mas'uul ayaa dhacay habeenimadii ay soo galysay Arbacada ayna soo dhoofi lahaayeen sububaxnimadii aracada, xogtu waxay intaasi ku dareysaa in markii uu muranku batay Mr. Geedi uu Mr. Yuusuf ku yiri "Madaxweynayaasha maamul lacageed shaqo kuma laha" taas keentay inuu sii xoogeystoo khilaafka labada mas’uul

 

Xogta hoose ayaa sidoo kale waxay sheegeysaa, gaarahaana laga helayo Madaxtooyada Mudane Yuusuf in Madaxweynahu uu la tashi kula jiro sharci yaqaano kuwaasoo uu kala tashanayo qaabka ugu haboon ee xilka loogu xayuubin karo Ra'isu wasaare Cali Max'ed Geedi uuna madaxweynahu la eeganayo sida xogtu sheegayso wixii ka bilowda 12-ka bisha soo socota ee Oktoobar xogta ayaa intaa ku darysa in madaxweynahu uu Geedi marka uu xilka qaadayo ku sababayn doona xil ka qaadista Geedi qodobo markaasna uu madaxweynuhu si cad shaaca ugu qaadi doono xil ka qaadista Geedi.

 

Waxay sidoo kale xogtu sheegeysaa in madaxweynuhu ra’iisal wasaaraha ka dalbado inuu baarlamaanka hortago isla markaana xukuumada u weydiiyo kalsooni.

 

Khilaafka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareysa Dowlada Federalka KMG ayaa laga dareemay fadhiyadii ugu dambeeyay baarlamaanka taasoo la arkayay jawaabo kul kulul oo ay is weydaarsanayaan mudanayasha ku heybta ah Madaxweryne Yuusuf iyo Ra'isu wasaare Geedi.

 

 

Xafiiska wararka ee , Gothenburg, Sweden

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

looooooooooool..........Ar Amin Caamir jecliyaa kuwaan intay ummadda ka gooyaan isagaa ka gooya. Haddaa Duke-na dhihi doonaa waa dowlad diid, illeen wixii aan daba-dhilif Itoobiya u noqon oo dhanba isaga waa u dowlad diid, Maraykanna maxaa laga sugi isagana? inuu Amin Amir argagixiso ku sheego...loooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol.. i some how knew this was gonna happen! tuug waa tuug leey. They aint got no other game.

 

and now who do u think will run away the bigger stash? any ideas! i think the pig... lemme hear your take.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada Federaalka oo laga cabsi qabo inay laba garab u kala jabto kadib markii ay isugu hanjabeen

 

Madaxweynaha Fedeeralka Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa markii ugu horeysay si cad ugu sheegay Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi in Xukumadiisa jiritaankeeda uu ku egyahay 12-ka bisha soo socota ee November, loona baahan yahay inuu baarlamaanka kalsooni waydiisto ka hor waqtigaas, si loogu qaado codka kalsoonida.

 

Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa baaqa Madaxweyne Yuusuf iyo Guddoomiye Aadan Madoobe waxaan jirin ku tilmaamay, wuxuuna u sheegay in Xukumadiisa heysato kalsoonida baarlamaanka mudo laba sano iyo bar ka bilaabaneyso xilligii ay Baydhabo degtay dowlada, sidaas daraadeedna ay u harsan tahay mudo halsano ah.

 

Cabdilaahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe ayaa Geeddi ugu hanjabay inay ridayaan Xukumadiisa, waxayna olole balaaran ugu jiraan sidii baarlamaanka u meelmarin lahaa mooshino kala duwan,sida in Xukumadda Kalsooni waydiisato baarlamaanka,In baasaboorka cusub la horgeeyo Baarlamaanka si loogu qaado cod,in sidoo kale cod loo qaado mooshin lagu ogolaanayo ama lagu diidayo mashruuca Saliid qodista Soomaaliya ee uu Cabdulahi Yuusuf hore ula galay Shirkad Shiinees ah. Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa ku hanjabay inay masuuliyada wixii dhaca qaadi doonaan Cabdilahi Yusuf iyo Aadan Madoobe, hadii ay baarlamaanka horkeenaan mooshin loogu yeerayo Xukumadda si loogu qaado cod. Wuxuuna dhinaca kale xusay inay ka go'an tahay meelmarinta mashruuca heshiisyada Saliida iyo Shidaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo nidaamka dastuurigaa ee dhigaya in Xukumadda saxiixi karto heshiisyada heer Caalami. Sedex Masuul ee ugu sareysa dowlada ayaa lagu wadaa inay Axada ka isugu tagaan Baydhabo, waxaana guud ahaan Baydhabo looga yeeray Xildhibaanada aan ku sugneyn Baydhabo ee wali aan ku biirin baarlamaanka xorta. Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa safarkoodii ugu dambeeyay ee Jeddah isku khilaafay cida u saxiixi lahayd ama u qaadi lahayd miisaaniyad Sako ah oo ay dowlada Sacuudiga ugu deeqday. Madaxweyne Yuusuf ayaa ku adkeystay in sadaqada boqortooyada bixisay uu saxiixo Korneyl Shaatigaduud oo ah Wasiirka Maaliyada hasse yeeshee Ra’isulwasaarre Geeddi ayaa isagana ka biyo diiday amarka Madaxweynaha wuxuuna nadar ku maray inuusan aqbalayn hadii lacagta aan loo dhiibin Ibrow Caliyow, oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyada.

 

Khilaafka iyo isnacaybka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada ayaa la aaminsan yahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay taas oo riixday kalsooni xumo ay sedexdooda isugu raaceen Sacuudi Carabiya, waloow Ra’isulwasaarre Geeddi uu ku dhacay shabaqii loo dhigay ee ahaa inuu saxiixo natiijadii ka soo baxday Shirweynaha Muqdisho oo uu isaga hore u jalaafeeyay, kana biyo diidsanaa, sababo la xiriira qodobada ergada Shirweynaha ka soo baxay oo dhigayay in Xukumada dibada baarlamaanka laga qaato, si loo dhaqan geliyo dib u heshiisiin dhaba, loona helo aqoonyahano ku haboon dhisida maamul dhexe.

 

Sawir laga qaaday kulankii madaxda Sacuudiga iyo hogaamiyaasha sare ee dowlada Federalka KMG ayaa muujinayay, Ra’isulwasaarre Geeddi oo meel kaligii geesa gacanta ku dhegan Sheekh Aadan Madoobe,ayna caro ka muuqato,halka Cabdilahi Yusuf iyo Aadan Madoobe ay dhoolacadeeynayeen,iyagoo gacmaha ku dhegan labada masuul ee ugu sareeysa boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Inkastoo Geeddi, Aadan Madoobe iyo Cabdilaahi Yuusuf uu marjacoodu yahay Addis Ababa
, ayna ku eedeysan yihiin xasuuq shacab iyo xadgudub Qaran, hadana waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka dhex qaraxdo colaadii ugu xumeyd,taas oo sabab u noqon karto inay laba garab u kala jabto dowlada federalka ee shacbiyada badan aan lahayn. Ra’isulwasaare Geeddi oo ah hogaamiyaha ugu aqoonta wanaagsan madaxda sare ee dowlada ayaan kalsooni badan ka heysan beesha uu ka dhashay, waxayna taasi ku qasabtay inuu maalmahii ugu dambeeyay uu xusul duub u galo, sidii uu ku kasban lahaa taageerada hogaamiyaasha beesha, waxaase Geeddi astaan barmadoow looga dhigay "Ra’isulwasaaraha boorsadiisa wata" ee isku ah Xukumadda. Madaxweyne Yusuf oo la rumaysan yahay inuusan lacag jacleyn sida Geeddi, oo hadafkiisu yahay Xukun Jacayl, waxaa isagana barmadoow iyo wajigabax siyaasadeed ku noqday, dhaqankiisa qabyaalada ee ku riixay inuu isku hareereeyo wiilasha jufa hoosaadka uu ka dhashay, waana sababta aqoonyahan caana oo ay isku heyb yihiin, dhinacna xidid ka yihiin, uu ku xantay erayadaan "Geeddi iyo Cabdulaahi inkastoo wadaninimo xumada iskaga mid yihiin, hadana markaan Geeddi arko, waxaan dareemaa heer Qaran, markaan Cabdilahi aragna waxaan dareemaa heer qabiil, waxaan ula jeedaa ragga Geeddi la socdaa, waxay leeyihiin qabiilkasta, waxay doonaan ha isla dhaceen, cuneene, laakiin Cabdulahi, midaan ina hebel hebel ahayn indhaheeygii qaban waayeen."

Xigasho [Waa tifaftire maqaalka maadaama uu ka buuxo qalaladaad hingaadis badan.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this