Sign in to follow this  
QabiilDiid

UIC mujahidiins have captured Tigren soldiers and military equipment..

Recommended Posts

Gawaari Dagaal iyo Maxaabiis laga qabsaday Tikreega oo la xaqiijiyay in la geeyay Diinsoor.

 

Diinsoor, 21-December-06 ( Qaadisiya.com)

 

Gawaari dagaal oo laga qabsaday ciidamada Tikreega iyo maxaabiis isugu jirta Tikree iyo Soomaali ayaa la xaqiijinayaa in la geeyay degmada Diinsoor ee gobolka Bay kadib markii ciidamada Tikreega lagu soo jabiyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Iidaale iyo hareeraha xerada Manaas ee duleedka magaalada Baydhabo.

 

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay aaga Iidaale iyo hareeraha xerada Manaas,waxa uuna dagaalkaasi ahaa mid laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada Tikreega ee la dagaalamayay mujaahidinta garabkooda ayaa Alla ka baxay,waxaana laga gubay Taangiyo,gaadiid kale oo dagaalna waa laga qabtay.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo ay shabakada islaamiga Qaadisiya ka heshay magaalada Diinsoor ayaa xaqiijinaya in degmadaasi ay soo gaareen gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ciidamada Tikreega ee dagaalka kula jiray.

 

Dadka ku dhaqan magaalada Diinsoor ayaa ku soo dhaweeyay mujaahidiinta soo xoreeyay gaadiidka dagaalka, maxaabiistana soo qafaalatay Takbiir,waxa ayna isugu soo baxeen xarun ciidamada maxkamadaha islaamiga ay geeyeen maxaabiista iyo gaadiidka dagaalka si ay u muujiyaan guusha Allaah gaarsiiyay mujaahidiinta jihaadka kula jira ciidamada Tikreega ee ku soo gardarrooday dalka Soomaaliya.

 

10 gaari oo kuwa dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Tikreega ayaa lagu soo warramayaa in gurmad ahaan loo geeyay aaga Iidaale si ay u xoojiyaan ciidamada Tikreega ee halkaasi ka dagaalamayay oo dabada looga dhacay kuwaasoo ku dhaw in ay u soo baqdaan magaalada Baydhabo.

 

Dhinaca kale diyaaradaha milatari ee dalka Ethiopia ayaa ku hawlan daad gureynta dhaawacyada ciidamada Tikreega ee dagaalka ka qeyb qaadanayaan kadib markii dawo yaro ay soo wajahday cusbitaaladii magaalada Baydhabo ay ka sameysteen,taasoo keentay in dhaawacooda loo qaado magaalada Adis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^ALLAHU AKBAR SHIEKH NAYRUUS,do you think these stinky xabashis stand a chance,I think not,even the geeljire will shoot at them,they will have no place to hide except turn their backs and run for being the cowards they are.

 

victory to the Mujaahidiin of the Islamic courts Union.

 

today's fighting...

 

victory and prisners and military hardward taken from the filthy xabashis...the source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayruus,

 

The joke among eritrean opposition is that the poor eritrean soldiers now have to also learn another act in Somalia.

 

To be an ethiopian.lol that should be the easiest lesson they need.

If they can master how a christian eritrean can act as Mujahid just like ICU has learned how to act their roles, it should be easy for eritreans to act as ethiopians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Maxaakiimta Islaamka Oo Sheegay In Ay Ku Sii Siqayaan Magaalada Beydhabo.

 

Muq, Jimce, 22, 06

Shir jaraa’id oo ay maanta si wda jirah u qabteen xoghaya guud ee golaha shuurada sh.maxamuud sh.ibraahim suuleey iyo sh.ibraahim shukri oo loo xilsaaray in ay warbaahinta uga warbixiyaan wax yaabihii ugu dambeeyey ee ka soo kordha dagaalka 24-ki sacba mar aya waxaa saxaafadda la hadlay sh. Ibraahim shukri oo sheegay in uu jiro dagaal xooggan oo ka soconaya deegaanka iidaale.

 

Sh.Ibraahim shukri waxa uu sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay ka gudbeen deegaanka iidaale islamarkaana ay u dhow yihiin deegaanka manaas halkaas oo ay joogaan ciidamad Tigreega,isagoo tilmaamay in mar walba iyaga la soo weerari jiray laakiin wixii hadda ka dambeeya ay iyaga weerarka qaadi doonaan kol haddii lagu soo xadgudbay ciidda dalka soomaaliya.

 

Sh. Ibraahim shukri ayaa sheegay in ay ciidamda itoobiyanka ay ka gubeen Dabaabadha dagaalka oo tiro badan, sidoo kalena ay hayaan ciidamo itooobiyaan ah islamarkaana ay Saxaafadda u soo Bandhigi doonaan.

 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada tigreega ay bilaaabeen in ay ku xadgudbaan shacabka ku nool magaalada beydhabo,isago dhinaca kalana sheegay in kooxdii Beydhabo joogtay ee Itoobiyaanka ku soo Hogaamineysay Umadda Soomaaliyeed ay yihiin la heystayaal Islamarkaana ay noloshoodu qalqal ku jirto.

 

Sidooo kale Xoghaya guud ee Golaha Sshuurada Sh.maxamuud Sh. Ibraahim Ssuuleey oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa tilmaamay in Dagaalku uu u dhexeeyo shacabka soomaaliyeed iyo Dowladda itooobiya,isagoo xusay in uu la yaaban yahay waxa ay uga Aamusan yihiin dagaalka lagu soo qaaday Dalka Soomaaliya, Ururada Jaamacadda Carabta iyo IGAD oo uu sheegay in labadaba ay soomaaliya xun buuxda ka tahay.

 

Sh. Ibraahim suuley ayaa waxa uu sheegay in Beesha Caalamku ay hadli doonto marka ay ciidamada Mujaahidiintu galaan Gudaha itoobiya,taas ayuu ku tilmaamay mid cadeyn u ah in Dowladda Tigreega raali looga yahay weerarka qaawan ee ay ku soo qaaday Dalka Soomaaliya ee xorta ah.

 

Ciidamada mujaahidiinta maxkamadaha islaamka ayaa ku sii siqaya oo wax yar u jira magaalada Beydhabo,waxana jira in ciidamada tigreega ay la kulkmeen jab weyn kaas oo kaga yimid ciidamada mijaahidiinta maxkamadaha islaamka.

 

 

Wariye:Axmed Aadan Ibraahim(Saadaam)

 

Email:Saadaam144@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Somali_Friend:

Nayruus,

 

The joke among eritrean opposition is that the poor eritrean soldiers now have to also learn another act in Somalia.

 

To be an ethiopian.lol that should be the easiest lesson they need.

If they can master how a christian eritrean can act as Mujahid just like ICU has learned how to act their roles, it should be easy for eritreans to act as ethiopians.

My Dear friend :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Maxkamadaha Oo Manaas Qabsaday

 

Wararka aanu ka helayno caawa fiidkii aaga hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidanka Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegeen deegaanka

Manaas ee ahayd xarunta ugu wayn ee Difaaca u ahayd ciidanka Itoobiya. Dagaalka ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa dagaalkii ugu kululaa ee maalmihii lasoo dhaafay dhaca. Maxkamadaha ayaa saakay aroortii qabsaday War weyn oo biyaha laga cabo halkaasoo labada ciidan hadaf u ahayd. Ciidanka Itoobiya ayaa wararku sheegayaan in ay 4 afar jeer soo weerareen War biyoodka, iyadoo ay maxkamaduhu afarta jeerba ay iska caabiyeen.

 

Magaalda Baydhabo ayaa iyadu si wayn u kacsan kadib markii ay soo food saartay xaalada dhiilo oo aad u wayn, iyadoo saacadba saacadda ka danbayso lasoo geliyaa in Maxkamihii lay soo galeen ama lagu arkay gudaha Baydhabo. Dad badan oo isku deyey in ay ka baxaan magaalda ayey arrintaasi u suura galin.

 

Dhinaca kale, wararka ka imaanayaa Doolow iyo Luuq ayaa sheegaya in xuduuda ay soo gudbeen ciidankii ugu badnaa ee Itoobiyan ee soo gala gudaha Soomaaliya.

 

Khasaaraha dagaalka

 

Maxkamadaha ayaa la sheegay in shalay uu khasaare xoogaan soo garay iyadoo ay ka dhinteen in kabadan labaatan ruux maadaama ay iyagu weerar ahaayeen, laakiin maanta ayuu khasaarahoodu aad u yaraa maadama ay difaac ahaayeen. Dhinaca dawlada iyo Itoobiyaanka ayaa laga dilay 205 askari iyadoo laga qabsaday 15 Tikniko.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this