Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal

Recommended Posts

Wadaad heysta dhalashada dalka Ingiriiska oo Shabaabka Soomaaliya ku biiray

 

Iyadoo ay wadamada Reer Galbeedka walaac ka muujinayaan xaaladda dalka Soomaliya oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo ciidanka AMISOM oo taageeraya Dowladda KMG ah.

 

Qaar katirsan Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda ku dhaqan ayaa kusoo biiraya dagaalada iyo colaadaha ka oogan Koonfurta Soomaaliya, walaac balaaran ayaa dhawaanahan laga muujinaya dhalinyarada Soomaalida ee soo haajiraysa si ay uga qayb qaataan dagaalada.

 

Mid kamida Culimada soomaalida Qurba joogta ah ayaa gudaha usoo galay magaalada Muqdisho wuxuuna ku dhawaaqay in uu kamid yahay Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya dagaalka ka wadda.

 

Sheekh C/qaadir Muumin oo kamida haa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska ayaa yimid Muqdisho wuxuuna sheegay in uusan dib dambe ugu laaba doonin Yurub ilaa uu uga dhimanayo dagaalada Muqdisho.

 

Isagoo Boqolaal qof kula hadlayay fagaare ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in uu kamid yahay Al Shabaab Islamarkaana uu ka qayb qaadan doono dagaalada ka dhanka ah AMISOM iyo Dowladda KMG ah.

 

"Waxaan halkaan ka cadaynayaa in aan kasoo goostay Dalkii Yurubka ahaa ee aan kunoolaa, waad ujeedaan Baasaboorkii aan haystay waan gubay waxaan diyaar u ahayn in aan Jiddka alle ku dhinto ilaahey xaqqa hanagu sugo," ayuu yiro Sheekh Muumin.

 

C/qaadir Muumin ayaa in mudda ah ku noolaa dalalka Yurub gaar ahaan Ingiriiska oo uu ka haystay dhalasho waloow uu shalay isaka jeex jeexay Baasaboorkii uu ku safri jiray.

 

Wadaadkan oo sanadkii lasoo dhaafay socdaal gaaban ku yimid magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa gaalaysiiyay maamulka Puntland kajira arrinkaasi oo buuq badan ka dhax abuuray Wadaadada Puntland halkaasi oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

 

Soomaalida qurbaha ayaa qaati ka taagan qulqulka dhalinyarada Maskaxda laga bedelay ee doonaya in ay ka qayb qaataan dagaalada Koonfurta Soomaaliya ka socda balse waa markii ugu horaysay oo ay dad waaweyn kamid noqdaan dadka soo haajiraya.

 

Weli wax war ah kamasoo bixin Jaaliyadda Soomaalida Yurub oo ku aadan soo baxsashada wadaadkan sidoo kale weli laamaha socdaalka Ingiriiska kama hadlin arrinta sheekh Qaadir Muumin oo isagoo dhalashada Ingiriis ah haysta ku biiray Alshabaab.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I would never agree his beliefs, equally so his futile convictions, however hal mid ayuu ka dhabeeye and dhaamaa dad aan ogahay: He did the walk, not empty talks online.

 

For that, dad badan ayuu ku dhaamaa.

 

I also believe a little theory that cabsi daraadeed ugu cararay Ingiriiska, qaaraan iyo waxaas amuu u aruurin jiray and finally investigation iyo waxaas amee ku bilaabatay, thus making him iskaga cararo. Feeling the heat, he left. Perhaps.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Topic: Ka dhabee ama iska dhaaf, sida ninkaan camal

Macrufow,, tolow yaad u duur xulaysaa ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadaad ficil hinaasiday asaad hilin kari weyday

Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanjabaysaaye

 

Horta, dadyowga Al-Shabaab taageersan ee SOL wax ku qora ma qofbaa ka mamnuucay inay Soomaaliya aadaan, ileen jannada halkaasay ka dhowdahaye. Malaha waxay ka door bideen inay Europe iyo North America iska mushaaxaan, isla markaana ay SOL maalaayacni iyo munaafaqnimo dadka ku maaweeliyaan. Self-perservation is a powerful instinct. Al-Shabaab waa dhuxul dambas huwan; taasi safiiha SOL xitaa wuu garan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa dhab ah inaan dadkoo dhami u diririn (ama ka dhabayn) waxay aamisanyihiin, sidaa darteed, maxay xamar u aadi waayeen oo u dagaalami waayeen waa su'aal tabar daran. waxaa ka xoog badan in la weeraro waxay ku diririyaan iyo wadaday u marayaan si ay yoolkooda u gaaraan

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Prometheus:

Hadaad ficil hinaasiday asaad hilin kari weyday

Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanjabaysaaye

 

Horta, dadyowga Al-Shabaab taageersan ee SOL wax ku qora ma qofbaa ka mamnuucay inay Soomaaliya aadaan, ileen jannada halkaasay ka dhowdahaye. Malaha waxay ka door bideen inay Europe iyo North America iska mushaaxaan, isla markaana ay SOL maalaayacni iyo munaafaqnimo dadka ku maaweeliyaan. Self-perservation is a powerful instinct. Al-Shabaab waa dhuxul dambas huwan; taasi safiiha SOL xitaa wuu garan.

C'on now, that applies to everyone here. Those who oppose Al-Shabbaab could go and do it physically if they really believed in what they say in here. smile.gif

 

MMA

I don't think Sh Mu'umin is the sort of bloke to run away from an investigation as you suggested. He used to give as shockingly frank answers knowing spooks were among the congregation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this