Sign in to follow this  
Suldaanka

Lord Triesman talks about the Contact Group and Somaliland

Recommended Posts

London, June 16, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Afrika ee xukuumadda Britain David Triesman ayaa Somaliland ku tilmaamay Qaran leh dawladnimo dhamaystiran oo xasilooni taam ahi ka jirto.

 

Lord Triesman oo ka jawaabayey su’aalo ay xubnaha baarlamaanka UK ee House Of Lords arbacadii dhaweyd ka weydiiyeen shir ay dawladda Maraykanku soo qaban qaabisay oo lagaga hadlayo xaalada ka taagan Somalia waxa uu sheegay in ay dawladda UK ka qayb geli doonto shirkaasi, waxaanu yidhi. “Siyaasada xukuumaddu waxa weeye in la taageero hay’adaha ku meel gaadhka federaaliga ah ee Soomaaliyeed iyo in hab loo dhan yahay loo maro dib u heshiisiinta iyo soo celinta nidaam dawladeed oo shaqeeya, sidii looga hirgelin lahaa Somaliaâ€.

 

Lord-ku wuxuu ku waramay in xaalada Somalia ka sii dartay oo ay khatar colaadeed oo ka dilaacda qarka u saaran tahay, dedaalka ay wadaan dawladaha awood badan leh ee Maraykanku horseedka ka yahayna uu ku jihaysan yahay sidii looga hortegi lahaa halistaa.

 

Wasiirka oo la weydiiyey in Qaramada Midoobay kaga haboontahay Maraykanka hogaaminta shirka lagaga hadalayo arrimaha Somalia ee shalay ka furmay magaalada New York, iyo inkale wuxuu ku jawaabay “Xaalada Somalia way ka sii dartay xoogagii Muqdisho qabsaday way soo ruqaansadeen, oo waxay gacanta ku dhigeen Jawhar, lamana oga inay dhinaca Baydhabana u jihaysan doonaan iyo inkale. Waxa kale oo jira ifafaalooyin muujinaya ciidamo badan oo lagu soo daad-guraynayo xadka Itoobiya, waxaanan qabaa qoladan [la magac baxday] Contact Group inay qaadaan talaabooyin deg deg ah, mana taalo in hadda laga wer-wero cidda shirka ka qayb gelaysa iyo cida aan ka qayb galayn, hase yeeshee si dedaalkan lagu raadinayo nabadu rajo u yeesho waa in dhinacyada colaadu dhexmaraysaa ay hadda dagaalka joojiyaan oo ay iyaga iyo xukuumadda ku meel gaadhka ahiba midba ka kale la shaqeeyaa, haddii kale xaaladu way sii xumaan doontaaâ€.

 

Waxaanu Lord Triesman ku baaqay in beesha caalamka ay la gudboon tahay sidii ay u oofin lahayd xayiraada hubka ee saaran Somalia.

 

Lord Anderson ayaa wasiirka weydiiyey in xukuumadda UK u aragto in xukuumada Somaliland ay door ka ciyaari karto wax ka qabashada arrimaha Somalia iyo inkale iyo weliba inay jiraan wax xidhiidh ah oo ay arrintaa xukuumadda UK iyo beesha Caalamkuba kala sameeyeen Somaliland.

 

Lord Triesman wuxuu ku jawaabay, “ Waxa jira xidhiidha socda oo aanu la leenahay xukuumadda Somaliland, waxaanan halkan si weyn uga xusayaa xukuumaddaasi. oo inkasta oo aanu caalamku ictiraafin, haddana waxa halkaas ka jira Qaran leh dawladnimo dhamaystiran. Xasiloonida Somaliland ka jirtaana shuqul kuma laha xaalada ka aloosan Somalia inteeda kale â€. Isaga oo hadalkiisa sii wata Lord Triesman wuxuu yidhi. “ Wax kasta ha ku kacdee ilaalinta xasiloonida Somaliland waa arrin aad u muhiim ah, waxaanan aaminsanahay in arrintaasi noqon doonto mawduuc lagaga doodi doono shirka Midawga Afrika ee lagu qaban doono Gambia horaanta bisha July ee sannadkan â€.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this