Sign in to follow this  
Liibaan

Aqoonyahanada Reer Awdal Ee Qurbajooggu Maxay U Taageeraan Qaddiyadda Somalia?

Recommended Posts

Liibaan   

Aqoonyahanada Reer Awdal Ee Qurbajooggu Maxay U Taageeraan Qaddiyadda Somalia?

 

u_2d_2006-7-27-13-56-25f_borama1_0.jpg

Borame

 

()

hadhwanaag 2006-07-27 (Hadhwanaagnews) Aqoonyahanadu waa qayb ka mid ah bulshada ee lagu tiriyo inay barteen culuumta kala duwan ee maanta dunida hawlaheeda lagu kala wado, ha ahaato dhinaca sayniska, farsamada iyo cilmiyada caafimaadkaba, waana kuwa lagu tiriyo inay ugu aqoonta iyo kartida badan yihiin, isla markaana aqoontooda lagu tixgeliyo laguna ixtiraamo qaybaha cilmiga sare ee ay barteen si ay dadkooda, naftooda ama dalkooda ugu faa’iideeyaan. Dhinaca kalena aqoonyahanku waa dadka dal ama bulshada u horseedi kara horumar iyo dib-u-dhacba, waana haddii ay si fiican ama si khaldan ugu shaqeeyaan cilmiga ay barteen.

Tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre dhawr iyo toban sano ka hor aqoonyahanadii ka shaqayn jiray hay’adihii dawladdii Siyaad Barre waxay u kala baxsadeen dalalka dibadda si ay u helaan shaqooyin, inkastoo kuwa kalena ay dalka gudihiisa iyo degaanadii ay u dhasheen uga baxsadeen dagaaladii Muqdisho ku qabsaday, qaar kalena naftoodii ayeyba ku waayeen, halka kuwa kalena hantidoodii iyo dadkoodii ay ku waayeen.

 

Maanta aqoonyahanadaasi waxay badankoodu ku xidhan yihiin ama maanka kala socdaan beelihii, qaraabadii, dadkii iyo dalkii ay ka yimaaddeen, ama waxayba la qabsadeen dalalka cusub ama dunida cusub ee ay aqoontooda ama nasiibkooda kaga shaqaystaan ee ku kala yaal dunida daafaheeda.

 

Haddaba markaan soo qaadanno aqoonyahanada reer Awdal ee ku nool dalalka dibadda ama loo yaqaan qurbajoogga, ayaad mooddaa inay qayb yar uun ka yihiin aqoonyahada ka kala yimi daafaha dalkii hore loo odhan jiray Soomaaliya, su’aashuna waxay tahay kaalintee ayey kaga jiraan horumarinta, wacyigelinta, waddaninimada, taakuleynta dadkii iyo dalkii, gobolkii ama degmadii ay ka tegeen? Sidayse uga muuqdaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha mujtamaca ay ka tageen ee gobolka Awdal? Jawaabaha su'aalahaasi iyo kuwa kale oo la mid ah ayaan kaga jawaabi karaa hadal aqoonyahan reer Awdal ahi laftiisu ka yidhi qurbajoogga reer Awdal ee dibadda kuwaas oo ku sheegay inay mujtamacyada kale ee Soomaalida kaga hooseeyaan la socodka dalkii iyo dadkii ay ka tegeen.

 

Dhinaca siyaasadda markaan u soo laabanno waxaad moodda in aqoonyahanada reer Awdal badankoodu ay taageero niyadda ah siiyaan qaddiyadda Soomaaliyada aan weli faro lagu hayn, goobo badanna uga ololeeyaan sidii Soomaaliya wax u noqon lahayd. Waxa kale oo la sheegaa in inta badan aqoonyahanada qurbajoogga reer Awdal aanay weli maskaxdooda gelin in Somaliland tahay dal leh maamul ka horreeya dalal badan oo dunida sheegta dimuqraadiyad. Haddaba su'aasha meesha ku jirta ayaa ah maxay qurbajoogga reer Awdal ee dibaddu ,gaar ahaanna aqoonyahanadu u taageeraan arimaha Soomaaliya. Markaan haddaba dib u raacno taariikhda reer Awdal ku lahaayeen xukuumadihii soo maray Soomaaliya, waxa la ogyahay in reer Awdal hal wasiir iyo waxoogaa shaqaale ah ku lahaayeen. Tusaale ahaan waxay soo qaadi karnaa marxuum Aadan ***** iyo marxuum Muuse Rabiile. Wasiiradaasi reer awdal ugu jiray labadaa dawladood markaan iska reebno waxoogaaga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ahaan jiray.

 

Dhinaca kale dhibaatada Soomaaliya ka soo gaadhay reer Awdal ayaa ahayd mid aan umadaha kale ee Soomaalidu la qabin. Waxaan xusuustaa in ninkii ugu horreeyey ee xukuumaddii kacaankii Siyaad Bare fagaare ku toogatay uu ahaa nin reer Awdal ah sannadihii toddobaatameeyadii, kaas oo lagu toogtay Hargeysa isagoo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa xukuumadii Xayle Selaase ee dalka Itoobiya.

 

Waxa kale oo marag ma doonta ah in ninkii ugu horreeyey ee dawladdaas Afweyne ku dishay 300,000 Shillin Soomaali ah uu ahaa marxuumkii Ina Aamin, xisaabiyahana ka ahaa wasaaraddii Caafimaadka ee xukuumaddii burburtay, markii ay ku eedeysay inuu lacagtaasi ka lunsaday dawladda, ergedii uu galay madaxweynihii Djibouti, Xasan Guuleedna ay badbaadin weyday.

 

Dhibaatooyinka Soomaaliya reer Awdal ka soo gaadhay ayaa waxa ugu dambeeyey dilkii saddex ama afar sannadood ka hor Muqdisho loogu geystay Janankii keli ahaa ee reer Awdal lahaayeen. Intaa waxa dheer dhicii, dilkii iyo hagar-daamooyinkii reer Muqdisho ku beegsanayeen dadka ka soo jeeda Awdal ee ka soo firxanayey dagaaladii Muqdisho ee wakhtigaasi.

 

Haddaba iyadoo la ogyahay waxa shacbiga reer Awdal ee koonfur ku noolaa ka soo maray dadka dhulkaa leh, ayaan dhinaca kale la yaabaa kuwa u dhashay reer Awdal, aqoonyahanadana ah ee dalalka dunida uga ololaynaya in Soomaaliya wax noqoto. Reer Awdal waxay maanta xukumaan dadka ku nool dhulka loo yaqaan Somaliland oo qaybo badan oo dadkeeda ka mid ah la isla soo maray dagaallo, dhac iyo dhibaatooyin kaleba, kuwaas oo ay maanta iskaga dhawyihiin cid kasta. Aqoonyahanada caadaystay u ololaynta Soomaaliweyn aan jirin ayaan is idhi malaha weli kama dhaadhacsana xaaladda Somaliland, ee dhinacyada nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo doorka reer Awdal ku leeyihiin mansabyada kale duwan ee aanay weligood Xamar dawlad ka dhalata ka helayn ee ay maanta haystaan.

 

Waxa kale oo aan la yaabay qaar ka tirsan qurbajoogga reer Awdal ee cabsi awgeed u iman kari waayey geeri ku dhacday waalidiintoodii, waxa kale oo aan la sii yaabay aqoonyahanno iyo madax ururro samafal ah oo reer Awdal oo mucaawino ula ordaya dad ku tabaalaysan koonfurta Soomaaliya, iyadoo dadkoodii uga baahan yihiin taageero. Waxan is idhi waxa dhab ah fikradda aqoonyahan reer Awdal ah oo Boorama joogaa ku sheegay in reer Awdalka dibedda joogaa aanay la socon waxa dalka ka dhacaya, oo qaar u haystaan in weli dagaaladii sokeeye iyo hubkii la isku haysto, ama Somaliland ay ka jireen beelo beelo gumaysta, aqoonyahanadaas oo qaarkood magac ku leeyihiin Soomaalida dibedda iyo gudaha ku nool, ayaa Soomaali badani u haystaan inay ka soo jeedaan beelo aan shaqo ku lahayn reer Awdal, kolba qolo Soomaali ahina sheegataa inay iyaga ka dhasheen.

 

Ugu dambayntiina waxa la odhan karaa waa nasiibdarro haysata aqoonyahanada Reer Awdal haddii ay weli aaminsan yihiin xukuumaddii Siyaad Barre inay soo noqoto, fikirkaas oo wax u dhimi kara sumcadda reer Awdal ku leeyihiin dhinaca aqoonta. Waxa kale oo nasiib-darro ah taageerada niyadda iyo maaddiga ah ee ay siiyaan dad aan abtirsiintoodaba garanayn iyadoo dalka maanta magacooda soo saaray ee Somaliland aanay waxba ugu fillayn ama ay u arkaan maamul jabhad beri hore ay col ahaayeen samaysatay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan sugi doonaa abaalka ay Soomaaliyada mustaqbalka ka helaan aqoonyahada reer awdal ee dunida uga ololaynaya iyadoo maanta aanay reer Awdal ka muuqan maamulada isku horfadhiya Baydhabo iyo Muqdisho.

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Ma ahaan kartaa in aqoonyahanadan qabyaalad aynan u shaqaynahayne ay u shaqaynayaan wadaninimo? Taas horta ma is weydiiyay qoraagu?

 

Qooragu ma fahmayo in ay aduunyadan ay ku nool yihiin dad wadankooda jacel ogna dhibaatada qabyaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqoonyahanada Reer Awdal Ee Qurbajooggu Maxay U Taageeraan Qaddiyadda Somalia?

What a silly question!. Truth is that these guys are somalis (patriots) and for the greater somalia. In other words they are not secessionists.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this