Sign in to follow this  
Xudeedi

Jaaliyada Makhir Ee Seatle oo Baaq Soo Saaray

Recommended Posts

Xudeedi   

Ku: Madaxweyne C/raxmaan Faroole, iyo xubnaha dawladda Puntland

Ku: Isimmada, Odayaasha, iyo Waxgaradka Puntland

Ku: Aqoonyahannada, indheergaratada iyo ururrada bulshada

Ku: Shacab weynaha Puntland iyo cid kasta oo nabad danaynaysa…

 

Waxan, haddaa nahay Jaaliyadda ********** ee Magaalada Seattle, ee Gobolka Washington, aan ugu baaqaynaa Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyo shacab weynaha Puntlandba, in nabadda laga wada shaqeeyo oo dagaallada la joojiyo. Waxannu u aragnaa ciidammada Puntland duullimaadka ay ku qaadeen degaammadayada iyagoo u gacan dhaafay odayaashii iyo wax-garadkii dalka, gardarro aan geed loogu soo gabban. Waxan soo jeedinaynaa.

 

1. In miyirka la isticmaalo oo wax kasta wada hadal lagu dhammeeyo sidii odayaashu horay ugu baaqeen. Madaxweyne C/raxmaan Faroole marar badan baa odayaasha degaanku gogol u fidiyeen nabadeed, iyagoo sheegay inay iyaga masuuliyaddooda tahay inay wixii dhib u keenaya Puntland ay gacan ku qabtaan, laakiin, madaxweynuhu dhegaha ka furaystay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee odayaasha degaanku u soo jeediyeen.

 

2. In shacabka Puntland iyo dawladdooduba gacmaha isqabsadaan kuna dedaalaan inaan dagaallo ka hurin carrigan nabad weyntu ka jirtay. Taas waxa lagu gaadhi karaa in la xakameeyo colaadda aanna lagu degdegin dagaalka iyo gacma ka hadalka.

 

3. In guddi nabadeed loo sooco arrimaha ammaanka oo aan laga sugin laba nin oo qudha. Puntland nabaddeeda waxa saldhig u ahaa isimmada, odayaasha iyo shacab weynaha oo iska kaashaday nabad kuwada noolaanshaha dalka.

 

4. In odayaasha meelaha dagaalladu ka dhaceen ka soo jeeda la dhegeyso ra’ayigooda, isla markaa masuuliyadda ugu horraysa ay iyagu qaadaan. Lana hubiyo waxa meesha ku jira khaasatan laga saaro wararka ku-tiri-kuteenka iyo isku dirka ku salaysan.

 

5. In Madaxweyne Faroole ka daayo Puntland belo u yeedhyeedhka, sababtoo ah haddaad caalamka ku tiraahdo argagixisaa dalkayga joogta aan jirin, gurigaaga ayuunbaa ku ololaya. Tusaale, Muqdisho ayaa noogu filan oo far isku fiiqii hadda la garan la’ayahay meel laga soo qabto.

 

6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda.

 

7. In haddiiba ay jiraan ciidammo aan degaanka u dhalan oo buurtaa ku jiraa nin keliyana alla ha ka yeelee, dalka laga saaro. ‘Belo af la qabtay leedahaye, **** la qabto malaha.’

 

8. In Dawladda Puntland magdhaw siiso dadkii ku waxyeelloobay dagaallada oo rayadka ahaa, illayn iyagu waxay galabsadeen lama arkee. Isla markaa, dawladdu ka fiirsato inay ku duusho degaannada aan dawladdu si fiican uga shaqayn. Dawladda maammulkeedu waan inuu gaadhaa meesha ammaan laga sugayo.

 

9. In isimmada Puntland iyo odayaashu u guntadaan, sidii horeba loogu yiqiin nabadaynta iyo joojinta dagaalkan sababi karaa burburka Puntland. Marnaba raalli waa inaanay uga noqon in maammulku ku tagri falo awoodda loo igmaday.

 

 

Dadka Baaqa Ku saxiixan magacyadoo waa sidan:

 

 

1. Garaad Cali Yuusuf

2. AY. Maxamuud A. Cabdalla

3. Ismaaciil Maxamuud Cali Bayr

4. Cabdinasir Maxamed Siciid Diiriye

5. Nabadoon Cabduraxman Dubbad

6. Ibraahim Shire

7. Oday Cabdirisaaq Aw-yuusuf

8. Cabdullahi Yaaquub

9. Axmed Jaamac Maxamuud

10. Guuleed Cali Maxamuud

11. Axmed Shire Gaab

12. Sahra Cali Yuusuf

13. Aamina Shire Faarax

14. Foosiya Shire Faarax

15. Maxamed Xasan Suldaan

16. Axmed Maxamed Xirsi

17. Saalax Yuusuf Dabaraani

18 Cabdisamad Xaraare

19. Ahmed C/raxmaan Bahal Bari

20. Xaaji Maxamuud Ciise Gunti-Xabash

21. Xaaji Axmed Ciise Gunti-Xabash

22. Aammina Garmaqaate

23. Maxamed Axmed Yaaquub

24. Cabdirisaaq Shire Faarax

25. Luul Aw-Yuusuf

26. Cabdiraxmaan Axmed Jaamac

27. Aadan Timafaras

28. Xaliima Timafaras

29. Cabdinaasir Timafaras

30. Axmed Cawed Faarax

31. Cabdirisaaq Maxamuud

32. Cabdullahi Kismaayo

33. Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed

34. Ismaaciil Maxamed Ciise

35. Ciise Maxamuud Ciise

36. Cismaan Maxamuud Ciise

37. Maxamed Aargoos

38. Cabdi Yuusuf

39. Xuseen Maxamuud Ciise

40. Eng. Cali Siciid Madexey

41. Farxiya Timafaras

42. Maxamed Cabdi Cashuur

 

Guddiga Odayaasha Jaaliyadda ********** ee Seattle.

 

Email: maash68@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda.

So this is pure ssdf versus Maakhir , and there isn’t a terrorist cell in western bari region

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

People need to let Faroole do what he's elected for and that's protecting the state from imminent threats of Shabaab. Safety and security of the state and its citizens should never be compromised.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ummmmm,,,,,these elders spoke 2 early,,,,,, hw do they feel now the guy they were siding with claimed to be member of the notorious group AL-Shabab.

 

These guyz should be dealt with fiercefully,,,, we can not let breeding ground for these cazy boyz.

 

And For the Makharis, let us not be like the Shoutherners who supported and hoboured Al-shabab when they were fighting Abdullahi Yusuf's Ethopian backed Government. n Blve me they regretted doing so.

 

Let us togher fight these masked boys n whipe them out of our blessed land.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

^The Link posted by Xudeedi says otherwise. Let's not ignore the root causes of Galgala/western Bari issue or prior conflicts that preceded this one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this