Sign in to follow this  
Gabbal

Large scale delegation to end the fighting in Galgadud/Mudug.

Recommended Posts

Gabbal   

Waxgarad iyo Nabaddoono ka kala tegaya magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Ceel Buur oo u baxaya sidii ay u kala dhexgeli lahaayeen dhinacyada ku dagaalamaya Galgaduud iyo Mudug

Axad, December 05, 2004 (HOL) Waxgarad, Nabaddoonno iyo dad kale oo Samodoono ah oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Beledweyne iyo Ceel Buur ayaa shaaca ka qaaday in ay ku baxayaan colaadda ka oogan deegaano ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada beelood ee walaalaha ah.

 

Dadaalka arrintaas loogu jiro ee ku aadan in xiisadda colaadeed la qaboojiyo ayaa ah mid si dar dar leh ku socda, iyadoo laba beelood dadka ka soo jeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho loogu baaqay in aysan dirin wax gurmad ah oo dagaalka sii huriya.

 

Iyadoo horay uu magaalada Muqdisho uga socotay abaabul ay wadaan Waxgaradka iyo Nabadoono aad uga xumaaday dagaalka sokeeye ee labadaas beelood u dhaxeeya ayaa hadana waxaa ku soo biiray Odayaal dhaqameedyo, Culumaa’udiin iyo Waxgarad ku sugan magaalooyinka Beledweyne iyo Ceel Buur, kuwaasi oo si iskood ah isu abaabulay, go’aansadayna in ay dagaalka ku baxaan oo ay kala dhexgalaan labada beelood.

 

Dhanka kalena, Golaha Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee SIP ayaa qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyahooda Inj. C/llaahi Axmed Jilacow baaq xoog leh loogu jeediyay beelaha ku diriraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, iyagoo ka codsaday beelaha dagaalamaya in ay si dhaqsi ah u joojiyaan colaaddaas, isla markaana ay ku bedelaan wada hadal Walaaltinimo, waxayna xusuusiyeen in dagaalladu ay yihiin kuwo aan faa’iido laga gaareynin aakhiro iyo Adduunba, iyagoo ballanqaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan joojinta Colaaddaas iyo weliba wada hadal dhexmara labada dhinac.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

It is a very sad event indeed, and I hope it comes to an end sooner rather than later. One thing for sure though it is an issues that does not only deserve or requires 'baaq' but direct interference to halt this senseless clash amid two groups who are the closest of all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

direct interference to halt this senseless clash amid two groups who are the closest of all.

One of the other "closest" sub-clans (Abdiqasim's) is calling for that. An army composed of all the "Clan" to forcefully stop the fighting in Cadaado, Gelinsoor, etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this