Sign in to follow this  
King_Sasa

MAXAAD KA TAQAANAA DEEGAANKA QACABLEHE IYO QABRIGA HAR-TI? [DAAWO SAWIRO]

Recommended Posts

Qacablehe:- Deegaanka Qacablehe waxa uu ku yaalaa Gobolka Sanaag isla markaana waxa uu ku dhegen yahay ama dhinaca ku hayaa Bohosha Gebi ama Gebi Valley oo u dhexeysa Degmada Badhan iyo Ceelbuh ee bartamaha Sanaag isla markaana ah dhul taariikheed mudan in la xuso.

 

Qacableh waxaa ku yaalo taalooyin iyo dhismayaal bur burey oo ay reebeen xadaarooyinkii hore e degenaa deegaankan.

 

 

DSCF2137.JPG

Daarta uu ku dhex yaalo Qabrigu

 

 

Qacablehe waxay daanta Koonfureed ka xigtaa bolaha Gebi Dheer iyadoo ay boholahaasi oo inta badan sanadkii leh biyo dur dur ah oo aan go'in

 

 

DSCF2133_7.JPG

Daarta Qabriga

 

 

Qacablehe waxa uu hoy u yahay Qabriga ***** KoombeKablalax oo ah shaqsiga ay ka farcameen beelaha ***** isla markaana dega dhul aad ugu baahsan geyiga Soomaalida.

 

 

DSCF2139.JPG

Qabriga *****

 

 

Qabriga ***** oo markaad aragtid ku arkeysid in madax uu ku aasan yahay meel ka baxsan jirka inta kale ayaa waxaa dadka ku xeel dheer taariikhda ay sheegayaan in ***** ay dishey Gaalla isagoo salaadii casar tukuanaya isla markaana qoorta laga jarey isagoo sujuudsan.

 

 

DSCF2141.JPG

Qabri *****

 

 

Qabriga iyo dhismayaasha ku yaala deegaanka Qacablehe u dheer qabuuro iyo taalooyin ay reebeen umadihii hore u degenaan jirey deegaankan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Inaadeerow kuwii noolaa baanu khaati ka taaganahaye ,,, qubuurahana maad inaga yara daysid ,, Ilaahay ha u naxariistee ,,
:D

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

DSCF2134.JPG

Dhismayaasha u dhow dhow Qabriga *****

 

 

Kamarada LaasqorayNET waxay qabatey dhismayaal aan la garan kareyn inta ay jiraan si dhab ah laakiinse lagu qiyaasi karo iney jiraan kumaan sano isla markaana u baahan cilmi baaris dheer.

 

 

 

DSCF2159.JPG

Dhul taariikheedka Qacablehe

 

 

Waxay kaloo qabatey kamaradu qabuuro ama dhisme gaagaaban oo afar geesyo ah isla markaana nuurad ama talbiis cad lagu sameeyey isla markaana minaarado yar yar leh sida aad ku arki doontaan sawiradan.

 

 

 

DSCF2177.JPG

Astaamo aan la garaneyn waxay yihiin oo ku yaala taaloyinka Qacablehe

 

 

Asal raaca taariikhda ayaa sheegey in astaamahan ay yihiin dhismayaal beri samaadkii isla markaana ay lahaayeen dadkii laga kiciyey dalka oo la oran jirey Gaala ama dadka hada loo yaqaano Oromada.

 

 

 

DSCF2144.JPG

Qabriga *****

 

 

Isku soo wada duu duub oo waxaad dareemeysaa markaad joogtid goobta Qacablehe iney tahay goob taariikheed isla markaana mudan in cilmi baaris lagu sameeyo si loo dhabeeyo xaqiiqa taariikheedka ay meeshani leedahay.

 

 

 

DSCF2179.JPG

Masaajid bur burey

 

 

Si kastaba deegaankan Maakhir ayaa waxa uu hoy u yahay odayaashii ka farcameen beelaha ******* sida **** ******* oo wax yar u jira meesha uu ku aasan yahay Aabihiis *******, Geri Koombe oo isna ku aasan goob u dhow magaalada Midigale, ****** iyo kablalax oo iyaguna ku aasan aaga Ceerigaabo, waxaanuna isku deyeynaa inaanu idiin soo gudbino warbixino la xiriira arimahan iyadoo ay naga tahay barasho taariikheed iyo soo bandhigid xadaaradihii deegaanadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this