Sign in to follow this  
General Duke

US admin begins logistics as well as financial support to Somali governemnt

Recommended Posts

Mareykanka oo Cambaareeyey Weerarada lagu Soo qaado Ciidamada DKMG iyo kuwa Nabad ilaalinta.

Last Updated::2008-01-09 17:09:44

 

Nairobi(HRNet):-Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka ee Arimaha Afrika ayaa Cambaareynta waxaa ay u jeedisey Kooxaha ka danbeeya Weerarada lagu soo qaado Ciidamada DKMG ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta u jooga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

 

Jendayi Frazer oo ay hadalkan Sheegtey iyada oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegtey in aan marnaba loo dulqaadan doonin in ay sii jirraan Kooxo ay sheegtey in ay Lug qabanayaan DKMG ee Soomaaliya.

 

Jendayi oo shir jaraa'id ku qabatay Magaalada Nairobi ayaa ka hadashay dib u dhaca Ciidamada Midowga Afrika, waxeyna ku tilmaantay sababaha ay dib ugu dhaceen Ciidamada Midowga Afrika saanad la'aan, Waxaana ay sheegtey in sida ugu dhaqsiyaha Badan oo lagu helo Haqabtirka Baahida haysata Ciidamada Afrikaanka ah ay ku imaanayaan Wadanka Soomaaliya.

 

Dhinaca kalena waxaa ay soo dhaweysey Janday Frazer Xukuumada Tirada yar ee uu soo Magacaabey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade waxaana ay hoosta ka xariiqdey in Xukuumadan ay ka duwanaan Doonto Xukuumadihii hore loo soo Magacaabi Jirey.

 

Waxaana ay sheegtey in XUkuumadan ay Mataleyso Bulshada Rayidka ah oo Xiligan Xukuumada Soomaaliya ay gebi ahaanba Matalayaan.

 

Frazer ugu danbeyntii waxaa ay sheegtey in DKMG ah ee Soomaaliya oo uu Caalamka oo dhan aqoonsanyahay ay heli doonto Sanadkan 2008 Taageero Caalami ah oo Wax ku ool ah taas oo isugu jirta Mid maal iyo Mid Maskaxeed.

 

Mohamed Ali Dalmar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Bada ee Mareykanka oo Tababar siinaya Ciidamada AMISOM

Last Updated::2008-01-09 17:11:45

 

Muqdisho(HRNet):-Xukuumadda Mareykanka ayaa waxay daboolka ka qaaday inay bilaabayso tababarro ay siinayso ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho; gaar ahaan kuwa Badda ee dhawaan howlaha ilaalinta xeebaha Somalia billaabaya.

 

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda General Flix Kulyignye ayaa sheegay in tababarka la siinayo ciidamada Badda ee AMSIOM ay tahay mid lagu xoojinayo sidii ay amaanka badda iyo barriga u sugi lahaayeen, Ciidamada Afrikaanka ah ee ka qeyb qaadanaya hawlaha Nabad Ilaalinta ee Dalka Soomaaliya.

 

Tababarkaan ayaa waxaa Bixinaya Cutubyo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ku waas oo ku sugan Saldhiga Ciidamada Mareykanka uu ku leeyahay Geeska Afrika ee ku sugan Dalka jabuuti, iyada oo sidoo kale Ciidamada Mareykanka ay sameyn Doonaan Dhuulo tusyo ku aadan Qaabka loo ilaaliyo badaha.

 

Mareykanka ayaa horey waxaa uu u sheegey in uu ka qeyb qaadanayo hawlaha Lagu Ilaalinayo Xeebaha Dalka Soomaaliya, Waxaana uu sheegey in Talaabadani ay ku dhalisey ka gadaal markii ay soo bateen Afduubka Xeebaha Soomaaliya loogu geysto Maraakiib laga leeyahay Wadamo shisheeye, iyada oo sidoo kale uu sheegey Mareykanka in Xeebaha Dalka Soomaaliya Khatarta ugu weyn ee ka haysata ay tahay in Kooxo uu sheegey in ay yihiin Al Qaacida ay si dhuumaaleysi ah oga soo gallaan Dalka Soomaaliya.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Of course it is sir, of course it is.

The TFG never recieved any real direct financial support since its inception.

 

Waxaana ay sheegtey in XUkuumadan ay Mataleyso Bulshada Rayidka ah oo Xiligan Xukuumada Soomaaliya ay gebi ahaanba Matalayaan.

 

Frazer ugu danbeyntii waxaa ay sheegtey in DKMG ah ee Soomaaliya oo uu Caalamka oo dhan aqoonsanyahay ay heli doonto Sanadkan 2008 Taageero Caalami ah oo Wax ku ool ah taas oo isugu jirta Mid maal iyo Mid Maskaxeed.

:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Dowladda Mareykanka oo Qalab Isgaarsiin oo casri ah ugu deeqay Ciidamada Nabada Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

9. januar 2008

 

Addis Ababa (AllPuntland) - Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga qalab isgaarsiin oo casri ah, kaasoo isku xira Ciidamada ku sugan Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee ku sugan Addis Ababa.

 

Safiirka Mareykanka u fadhiya Midowga Afrika ayaa gudoonsiiyay Madaxa Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Said Djinet qalabkaas muhiimka ah oo dhinaca satelite ah.

 

Qalabkan isgaarsiinta ah oo lagu magacaabo V-Satelite ayaa la rakibi doonaa bartamaha Bishan, waxaana loogu tala galay inuu isku xiro Ciidamada AMISOM ee howl galka u jooga Muqdisho iyo Mas'uuliyiinta ku sugan Addis Ababa.

 

Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay tallaabada Mareykanka uu qaado gacan siinta Ciidamada nabad Ilaalinta Soomaaliya, waxaana lagu sheegay inuu wax weyn ka tarayo isku xirida iyo howlaha amni ku soo dabaalida Ciidamada Midowga Afrika.

 

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay gacan ka geysan doonto howlaha soo daabulida Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya imaanaya, iyadoo todobaadkii hore ugu yaboohday tababaro ay siinayaan Ciidamadaas.

 

C/casiis Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka oo qalab siiyay ciidamada ku sugan Xamar ee AMISOM

 

Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowlada Mareykanka ay ugu deeqday ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya Qalab isgaarsiineed oo ku xeran Satalajka kaasi oo isku xeraya saraakiisha Amisom Muqdisho iyo Madaxda Midowga ee Adis Ababa .

 

Danjiraha Mareykanka u fadhiya xarunta midowga Africa ayaa qalabkaasi casriga ah ku doonsiiyay madaxa golaha nabad galyada ee Midowga Africa Saciid Djinit .

 

Qalabkani isgaarsiinta oo noocooda lagu sheegay V-Satelite ayaa la howl gilinaya bartamaha bishaan iyadoo uu isku xerayo ciidamada Amisom ee Muqdisho iyo mas`uulyinta Midowga Africa ee Adis Ababa jooga .

 

Midowga Africa ayaa si weyn ula dhacay qalabkaani oo ay sheegeen in wax ka tarayo dhanka isgaarsiinta iyo isku xerka madaxda .

 

Dowlada Mareykanka ayaa muujineysa dadaal ku aadan xoojinta qalabeynta ciidamada AMISOM ee Soomaliya kuwaasi oo haatan dalka ay ka joogaan Uganda Iyo Brundi .

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Xafiiska Calanka Ee Muqdiso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this