Sign in to follow this  
Liqaye

Gabeey: DAGAAL LAGU HAFTO by mohamed abdiqadir (stanza)

Recommended Posts

Liqaye   

DAGAAL LAGU HAFTO.

 

Halyeeyoow xalaan hiifayoo aan hurdaba diiday.

Dabka huray halaaggaa dhiciyo holaca yoomaayo.

Hablihiyo barbaartaa habqammi hagarta miihaahan.

Haybaddeenni Soomaali baa hoos u socotaaye.

Hayb iyo walaal beynu nahay sharaftu waa hiile.

Hiddo iyo dhaxtaal baa jirtiyo huwan la baantaaye.

Weer, horor Sagaarada hardammi Haramcadkaa guuxi.

Maandhoow hugaashiga bixiyo sagalka heehaabi.

Higlo halaq dulfuuliyo ceebta la higaadshay.

Hiqdheer hoota hootiyo haddaan dhiillo la horjoogsan.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Hal'abuurka Soomaali iyo hillinka suugaanta.

Taariikh hogaanaa jirtoo lamma hilmaamaana'.

Nimeey hooyo jeer soo habtoo horey ismoodaaba.

Hal -u-baaqe heensaha fardood guluc higraashtaaba.

Marun buu hambool jalaw dhacaa hoosna soo dagiye.

Hagardaammo hadimada kacdiyo hoosta ka xarriiqdan.

Summab hebasha huuhaada iyo hanaddo dhiibaalka.

Haash haash ku dammiyaayda iyo doogtan hanaqaadday.

Dhibaatada haddaan laga hanqarin hiriqu waa muushe.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Hillaac baxay ciryaamada hafgammi waa hufiyo yaabe.

Halhaleelka muuqdiyo hubgurad dhiiggan halacleyni.

Hanjabaadda baaqiyo jaglaha gulufka hiiqaayo.

Hargeysiyo huduufkey gashiyo hibiqda booraanka.

Hallalaadda gaas soo humbulan haykal kala dhuudka.

Gacal wada hagaagaan rabaa harabka Soomaale.

Habdhaca iyo luuqdiyo hannaan heen la wada fuudo.

Hal-la-maalo hoongiyo hayiin hadal macaankiiso.

Waa inaan hiddaha naaxinnaa haatan iyo jeere.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Hobyo nimmanka joogiyo kuwaa Harar dhaxmuushaayo.

Hargeysiyo Kismaayiyo dhammaan heerka Xammar yiillo.

Soomaali hooyiyo Adeer lamma-huraankiiye.

Ma habboono hoog iyo dagaal waa hongiyo ciile.

Hujuum iyo qabiil baan necbahay waana la hubaaye.

Heesaa Haldoor iyo Halyeey Howlkar lagu dhaarto.

Hamrashada garaadkiyo humbaha haanta dhummucdeedo.

Maandeeq markeey hadaftayeey saanta la haboowday.

Soomaali hunufkii gujiyay haatan waa marage.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Habyaaladi ninkey hanatayoow haaqin baa tahaye.

Huun bahal dhaxjiifaa ku cuni heelna kuu gogol dhe.

Ehel aan hab soocaa laheyn islow hooyo wada nuugay.

Oo howdka wada daaqayoo wadar haasaawaayo.

Caweyskana habeenkii ciyaar jaanta wada haabto.

Oo uu hal dhaqankoodu yohoo diinna wada haaysto.

Oo Hibo, Hibaaq kala qaboo seeddi wada hiiga'.

Nimmanyahoow inii laisku hodo hoorrinimo weeyo.

Haddii kale habeed baa na kori wey habcammi beeshu.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Murtidaa habsooraye haddaan hiiqa danab raacsho.

Nimmankaa hoggaamada-saree reer Hargeysaada'.

Riyaalaan rabaa inaan hadal-yar weydiiyo.

Shacabkii humraad galisayoo wuu habeensadaye.

Maxas aan hub iyo tuute sidan jeel ku habaqsiinta.

Ka hayaama ciiddiyo inaad gacal hifaateyso.

Ood cadaw ku hoogaamisood hoongo ugu dhiibto.

Ma heer baad ku saanyani waa hugaarnimoe?

Kaa hoostayeey ina-abtoow huruuftay jaaloowe.

Colaad lagu haftaa dhici waana lagu hooban.

 

Hartasheekh Hargeelliyo Nugaal gobolka Hiiraana'.

Boorame hareeraha Burciyo Gaaris halawgeedo.

Hoomaha Jabbuutiyo ninyahoow Haarta Gorayaale.

Hilibkeenna Soomaaliyeed hilo kastuu joogo.

Waa wada hal iyo nirig, hiyiga hooyo iyo aabbe.

Dhalashadu ma hoosaasidoo waa hambiyo keyde.

Nabad lagu hurdaa igala roon dhiig hufleeyaaye.

Hadraawiyo Haldoorrada guntadee haybin qarankeenni.

Gabyaa hodon ahaa nagu dhaxjiro halaw nindoorkiiye.

Kii haam dhahoow hadal wuxuush waana hadaf beena'.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this