Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Banaanbax lagu Taageerayo Dr.Suleymaan Ciise Ahmedkaar Oo Kadhacay Casimada Buuhoodle

Recommended Posts

Buuhoodle(Jidbaale)Saaka subaxnimadii goor hore ayaa waxaa dhaman dadwaynaha kunool buuhoodle ay isuugusoo baxeen banaanbax baladhan oo lagu tageerayo mudane Saleebaan Ciise Axmad oo hatan usharxan jagada madaxwayne nimada Puntland 3.jpg

3.jpg

Banaan baxan oo ubilawday si habsamile ayaa waxaa lagasoo bilabay xaafada isweeto ee magaalada buuhoodle iyadoo markii danbe ay dadwaynaha kasoo qayb galay oo ay kujireen madax iyo masuuliyiin sare socod lug ah kusoo wada mareen xaafadaha magaala oo dhan.

 

 

 

 

Majirin wax buuq iyo qaylo ah oo kuyimid intuu uu soconayay banana baxan oo lagu tilmaahi karayo kii ugu waynaa banaanbaxyadii kadhacay G/cayn, iyadoo dadwaynaha shacabka ahina ay safnaayeen wadada dacaladeeka iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo sawirada mudane Saleebaan ciise axmed .

ban%2014.jpg

Dadka banana baxayay oowatay calamada D/G/Puntland iyo sawirada musharaxa ayaa waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kamid yihiin. DANAYSTAHA INTAAD DABA SOCONLAHAYD DOORO NINKII KUDARYEELI, DOORO AQOONYAHANKA DEEGAANKAAGA SALEEBAAN DARYEELE iyo halku dhigyo kale oo aan halkan lagusoo koobi karin .

6.jpg

Socod dheer oo cagta lugta lasoo wada mariyay xaafadaha magaalada kadib ayaa waxaa dadwaynah laysuugu yeedhay Fagaaraha hore ee dugsiga hoose dhexe ee darwiish school, halkaas oo ay khudbado iyo odhahyo gaagaaban kajeediyeen madaxda sarsare ee Degmada buuhoodle oo uu kamid ahaa duqa dagmada Saleebaan Barkhadle Afrax..

4.jpg

sidoo kale waxaan iyana meesha ka maqnayn ururada dhalinyarada,waxbarashada,caafimaadka, iyo dhamaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka .

http://allcayn.com/admin/images/stories/1.jpg

Qaban qaabad banaanbaxan ayaa waxaa siwyan usoo abaabulay oo kaqayb qaatay dhamaan qaybaha arimaha bulshada ee G/cayn sidoo kale waxaa door muhiima kaqaatay bahda shabakada warfaafinta ee Allcayn.com xafiiskeeda buuhoodle. Sida ay warfaafinta usheegeen xubnaha soo abaabulay banana baxani kuma ekaan doono maanta too kaliya waxaana lawadi doonaa maalmaha soosocda iyo todobaadkan oo dhan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

1104.jpg

OGAYSIIS, SHIRKA MUSHARAXA MADAXWEYNAHA PUNTLAND.WAXAA LA OGAYSIINAYAA JAALIYADDA REER PUNTLAND EE {COLUMBUS, OHIO} Musharaxa Puntland Dr.Suleymaan Ciise Ahmedkaar

 

 

Mar 07, 2008 By:Jidbaale

Columbus(Jidbaale)Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada reer puntland ee Columbus,Ohio in la qaban doono shir ballaadhan maalinta Axadda {sunday}ee taariikhdu tahay 03/09/08. Waxaa halkaa ka hadli doona musharaxa jagada madaxweynanimada Puntland Dr.Suleymaan Ciise Ahmedkaar,isagoo halkaas ku soo bandhigi doona afkaartiisa iyo nidaamkiisa waxqabad.

Hadaba waxaa dhamaan jaaliyadda reer puntland iyo dad waynaha soomaaliyeed ee sharafta leh laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan kulan kaas muhiimka ah.

 

 

Shirku waxaa uu ka dhacayaa

 

Taageer is badalka Cusub Puntland

Wakhtiga300:pm

 

Maalinta Sabti 8/3/2008

1744 huy, road columbus Ohio

Next Xamar Weyne store

207-766-1984 ama 614-743-0673. kala xidhiidh

 

 

Wixii faah faahin ah oo dheeraad ah kala soo xidhiidh.

 

Jidbaale.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin Ku Saabsan Isbitaalka Buuhoodle +SAWIRRO

 

 

Mar 07, 2008 By:

 

 

Buuhoodle(Jidbaale.com):-Saaka subaxnimadii ayaa waxaa booqasho gaaban kaga soo laabtay Cisbitaalka Daryeel ee duleedka magaalada Buuhoodle bahda shabakadda warbaahinta Allcyn, halkaasi oo sida looga soo dhaweeyay saaka wariyayaasha allcayn ee tagay Cisbitalkaasi soo dhawayn iyo salaan dabacsan, kadib ayaa waxaanu la kulanay Maamulka Cisbitalka guud ee Daryeel, kaasoo nooga warbixiyay xaaladda guud ee Cisbitalkan oo iminka in muddo ah shaqaynayay.

 

dar%205.jpg

 

Dhisitaanka Cisbitalkan oo ay ka qayb qayb qateen qaar ka mida waxgaradka iyo aqoon yahannada ka soo jeeda G/cayn ee ku hawlan horumarinta deeganka ayaa ku guulays inay ka dhisaan duleedka magaalada Buuhoodle Cisbitaalka ugu wayn gobollada Puntland.iyo Soomaliyaba

 

cisbitalka.jpg

 

 

Waxgaradka iyo aqoon-yahannada dhisitaanka Cisbitaalkan ku hawlanaa muddada dheer oo uu hormuud u ahaa Saleebaan Ciise Axmad, oo ah shaqsi aad u jecel horumarka iyo waxqabadka, ahna Mudane waddaniyadiisu sarrayso, haatana u sharraxan madxwayna nimada D/G/puntland ayaa waxaa lagu tilmami karayaa horumar iyo waxqabad ballaadhan oo usoo hoyatay dadwaynaha Gobollada SSCayn.

 

dar%2010.jpg

 

 

Waraysisi dheer ka dib oo uu mamulaha Cisbitalku allcayn siiyay ayaa wuxuu mahadnaq ballaadhan usoo jeediyy dhammaanba ciddii ka qayb qadatay dhisitaanka Cisbitaalkan, isagoo si gaar ahna ugu mahad naqay Mudane Saleebaan Ciise Axmad, oo ah mulkiilaha haatan Cisbitaalkan u dhisay dadwaynihiisa muddada dheer ay daashatay baahida caafimad.

 

 

 

 

Warbixinno Sawirro kale wadata dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

 

 

Xigasho-allcayn.com

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this