Sign in to follow this  
Abwaan

C/risaaq Xaaji Xuseen “Itoobiya ayaa dalkii qabsatay

Recommended Posts

Abwaan   

C/risaaq Xaaji Xuseen “Itoobiya ayaa dalkii qabsatay iyadoo sheeganeysa dowlad Soomaaliyeed oo aduunku aqoonsan yahay iney ka difaaceyso niman waddaado ah”

C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra'isul wasaarihii ugu horeeyey ee ay yeelato dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, markii xorriyada la qaatay 1960-kii ayaa shir jaraa'id oo uu kaga hadlayey marxaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya ku qabtay magaalaada Minesota ee dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan tahay dal la heysto oo ay ku soo duuleen ciidamo ay leedahay dowladda deriska ah ee Itoobiya.

 

“Itoobiya ayaa dalkii qabsatay iyadoo sheeganeysa dowlad Soomaaliyeed oo adduunku aqoonsan yahay iney ka difaaceyso niman waddaado ahoo diin sheeganaya, meel walba oo dalki ka mid ah askari Itoobiyaan baa taagan maanta Soomaali maxay ka tiri marka” ayuu isweydiiyey C/risaaq Xaaji Xuseen, isagoo su'aashaas isaga jawaabayana waxaa uu yiri

 

“Soomaalidu labo ayey u kala jabtay, kuwo waa kuwo rumeysan dowladda maanta joogta oo qabiil ugu sacbinaya, sidoo kale sacabada u tumaya dowladda Itoobiya dhulka ay qabsatay iyo kuwo kale oo dowladda C/llaahi Yuusuf qabiilka u diidanaa oo iyana doonaya iney codkooda kor u qaadaan iyagoo leh Itoobiya ma dooneyno iyagoo isu muujinaya ineysan Itoobiya u rabin wadaninimo darteed”

 

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in Soomaalida qabiilkii iyo qaranimadii ay qabiilka doorteen, wuxuuna xusay in Soomaalidu aysan u bisleyn dowladninmada, isagoo tilmaamay in dowladihii hore ay ahaayeen kuwo nasiib ay ku heleen shacabka.

 

“Waxaan marayaa cimri aakhir wanaagsan nolosheyda inta ka harsan waxaan jeclahay inaan nabad ku dhammeysto, shacabka Soomaaliyeed aad bey ugu hanweyn yihiin dowladnimada balse waxaa ka hor taagan qabiil” ayuu yiri C/risaaq Xaaji Xuseen oo ugu dambeyntii ugu baaqay iney meel iska dhigaan qabiilka oo uu shegay inay u gartaan inuu yahay kan soo dhigay halka ay hadda taagan yihiin, ayna meel uga soo wada jeestaan danaha dalka & dadka.

 

 

 

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya

cabdishakuur48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa run hadalka Mudane C/risaaq oo Soomaalidii waxay u qaybsantay kuwo qabiil ugu nacamleeya amxaarada iyo dowlad-ku-sheegga iyo kuwo qabiil uga soo horjeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this