Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Warlord or Wadaad

Recommended Posts

Malleeshiyo ka amarqaadata Yuusuf Indho-cadde oo bililiqeystay xaruntii dowladda ee degmada Jowhar

 

June 18.2006Radio Free Somali (RFS)

 

Malleeshiyo ka amarqaata Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxay xalay bliliqeysteen xaruntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmada Jowhar.

 

Malleeshiyadaan ayaa waxay ka qaateen dhammaan qalabkii yaallay xaruntaas, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ay ka qaateen xaruntaas qalab a yka mid yihiin, Computers, Qalabka Xafiisyada iyo waxyaabo kale, waxaana la sheegay inay u soo rarteen dhanka Gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in markii uu dhacaas dhacayay ay isku dhaceen ciidammo ka tirsan kuwa maxkamadaha oo ilaalo ahaa balse ay si qasab ah ku furteen goobta dabadeedna ay ka gurteen wixii dhex yaallay.

 

Dhacaan ayaa ka dhacay degmada Jowhar iyadoo uu ku sugan yahay gudaha magaalada Jowhar Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho iyadoo uusan wax hadal ah ka soo saarin arrintaas.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidammada Yuusuf Indho-cadde dhac u geystaan hantidii taallay degmada Jowhar intii aan la qabsan ka hor, balse Dorraad ayay dhaceen dhammaan qalabkii yaallay garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar oo aan weli wax war ah ka soo bixin inkastoo laga wada hadlay.

 

Illa hada macada Muwqifka Dowlada Federaalka ah ee ku aadan allaabaha looga bililiqaystay magaalada Jowhar ,waxaase jira sida Puntlandpost ay ka soo xigatay ilo lagu kalsoon yahay in DFKS ay go'aan cad ka soo saari doonaan arrintaas ku wajahan dhunsashadaas hantida qaran.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Madaxda dhowr Dal ka helay ballanqaad ah in ay u soo dirayaan Ciidamo difaaca haddii la soo weeraro fariisinka Dowladda Federaalka

 

Axad, June 18, 2006(HOL): Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la xaqiijiyay in uu todobaadkii hore xiriir dhinaca Isgaarsiinta ah la yeeshay madaxda dalalka Kenya, Uganda, Suudaan, Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasoo la sheegay in ay u ballanqaadeen in ay si deg deg ah ugu soo dirayaan ciidamo gurmad ah haddii ay timaado in la soo weeraro fariisinka dowladda ee Magaalada Baydhabo.

 

Wararku waxay sheegayaan in ay arrintan ka dambeysay kadib weerar ay maleeshiyooyin ka soo jeeda deegaanka Baydhabo ku qaadeen Xarunta Madaxweynaha, waxayna madaxda shantan dal ee ka tirsan Urur Goboleedka IGAD ay uga tacsiyeeyeen Madaxweynaha weerarkaas, iyagoo la sheegay in ay ku kalsooni geliyeen in ay si shuruud la'aan ah ugu soo dirayaan ciidamo difaaca haddii weerar kale lagu soo qaado fariisinka dowladda Federaalka, waxayna arrintan timid iyadoo ay jiraan warar sheegaya suurtagalnimada in ay maleeshiyooyinka Maxaakiimta Islaamiga weeraraan Magaalada Baydhabo kadib markii ay aad uga caroodeen go'aankii ay xubnaha Golaha Baarlamaanka ku gaareen in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala saarin.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo xubnaha Dowladda Federaalka ee haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayay wararku sheegayaan in ay heystaan kalsoonida in ay helayaan ciidamo si deg deg ah ugu soo gurmada haddiiba uu dhaco weerarka laga cabsi qabo inay Maleeshiyada Maxaakiimta ku qaadaan Magaalada Baydhabo, iyadoo sidoo kale la sheegayo in ciidamadaasi ay ku yabooheen madaxda IGAD marka laga reebo dalka Eritrea, iyagoo aan sugi doonin in ay ogolaasho ka helaan Qaramada Midoobay marka ay timaado in la soo weeraro Dowladdii ay Soomaaliya u dhiseen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this