Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Wasiirka Ciyaaraha ee Somaliland oo lagu haysto kirada Guriga uu degenyahay

Recommended Posts

Wasiirka Ciyaaraha ee Somaliland oo lagu haysto kirada Guriga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa

 

Hargeysa Wednesday 01 July 2009 SMC

 

Islaan la yidhaahdo Shamis ayaa maanta ku eedaysay wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md Maxamuud Siciid in ay ku leedahay kirada guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa mudo dhowr bilood ah.

 

islaantan oo saxaafada ugu warantay xarunta kaamboolka wasaarada ciyaaraha ee somaliland waqtigaasi oo ay sheegtay in ay sugaysay wasiirka ayaa sheegtay in wasiirku balamo badan oo uu u qaaday aanu oofin isla markaana u diiday in uu siiyo lacagteeda.

 

Shamis waxa ay intaasi ku dartay in wasiirku markasta oo uu balan u qaado aanu k asoo bixin, aakhirkiina ay garatay in wasaarada ugu timaado si ay lacagteeda u weydiisato.

waxa ay sheegtay Shamis in aanu wasiirku lacag la` ayn balse uu rabo in aanu lacag siinin waxa ay sheegtay in lacagteeda ay ku biiliso caruur,

 

dad kale ayaa sheegay in islaantaasi lacagta ku leh wasiirka ciyaaruhu uu ereyo xun ku yidhi markii uu soo shaqo tegay oo ay fadhiday xafiiskiisa hortiisa.

 

waa markii ugu horaysay oo fadeexad tan oo kale ahi ay ka dhacdo hargeysa iyada oo wasiir lagu haysto kiro guri uu ku jiro.

 

C/raxmaan Dheere

Somaliweyn Media Center

Hargeysa

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this