Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Update: Somaliland Voters Registration Process

Recommended Posts

Hargeysa (Jam)- Guddiga diiwaangelinta qaran, ayaa markii u horreysay faahfaahin ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay iyo sababta keentay tirikoobka laga samaynayo codbixiyeyaasha Somaliland.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo uu faahfaahin kaga bixiyey arrimaha la xidhiidha hawlaha tirkoobka, waxa uu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:

“Waxa waqti dhow waddanka laga hirgalinayaa diiwaangalin ka horraynaysa doorashooyinka foodda innagu soo haya, waa tan dawladaha hoose iyo ta Madaxweynaha.

Waxa waajib qaanuuniya ka dhigaya diiwaangalinta xeerka lambarkiisu yahay 31/2007 ee uu Guddoomiyay Golaha Wakiilladu 09/06/07, Madaxwaynuhuna dekreeto ku soo amray 08/08/07. Xeerkan taariikhiga ahi wuxuu farayaa in dalka Somaliland aanay ka dhici Karin doorasho ilaa la hirgaliyo diiwaangalin.

 

Sababaha kalifay xeerkan:-

 

1-Somaliland waxay hore u hirgalisay saddex doorasho oo lagu tilmaamay inay ahaayeen “Xor iyo Xalaal” “Free and Fair,” oo ay ka soo qaybgaleen goob-joogayaal doorasho oo caalami ah. Haseyeeshee, goob-joogayaashii maxalliga ahaa iyo kuwii caalamiga ahaaba waxay hoos ka xariiqeen in ay dad badani dhiibteen cod ka badan hal mar. Muwaadin walba waxa uu xaq u leeyahay hal mar oo kaliya inuu codeeyo.

2-Doorashooyinku waxay leeyihiin nidaam lagu qiyaaso adduunka oo dhan (Standard). Qiyaastaa waxa ka mid ah diiwaangalinta codbixiyayaasha. Doorasho haddayna lahayn diiwaangalin may buuxin shuruudihii doorasho.

3-Shakhsiyaad maamuus leh (Dignitaries) iyo dawlado saaxiib ah intuba waxay kula taliyeen Somaliland inay sii xoojiyaan dimuqraadiyadooda si ay u helaan ictiraaf, tallaabooyinka ay kor ugu qaadayaan waxa ka mid ah bay yidhaahdeen in ay sameeyaan diiwaangalin doorasho.

4-Indheergaradka Somaliland, axsaabta siyaasadda, iyo shacabka Somaliland oo isku raacsan in ay lagama maarmaan tahay in la helo nidaam dimuqraadi .ah oo xaq iyo xalaal ah oo ummaddu ku kala saarto axsaabta, madaxda iyo xildhibaanada waqtiga doorashada. Qodobadaas kor ku xusan waxay ka mid yihiin kuwa kalifay inay wakiilada baarlamanku iyo Madaxweynuhu ay xilkooda wadaniga gutaan oo ay xeereeyaan in la diiwaangaliyo muwaadiniinta reer Somaliland inta aanay doorasho dhicin.

 

Waa Maxay Diiwaangalintu?

 

Nuxurka diiwaangalintu wax weeye in DADKA danaynaaya ama doonaayaa inay codeeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona mustaqbalka magacdooda la qoro ama la diiwaangaliyo oo lagu kaydiyo diiwaano iyo Computerro oo la dhigo xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xafiisyo ay ka furan doonaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan. Waa in codbixiye kastana la siiyaa Kaadh uu ku yaallo magaciisa, sawirkiisa iyo sawirka suulkiisa waa in codbixiye kaste la qoro halka uu doonaayo inuu ka codeeyo. Maalinta doorashada codbixiyuhu kama codeyn karo meel aan ahayn meeshii markii hore uu iska diiwaan-geliyey ama uu doortay inuu ka codeeyo

 

Yaa hirgalinaaya diiwaangalinta?

 

Xeerka ku xusan kor wuxuu amrayaa in ay Komishanka Qaranka xilka koowaad ka saaran yahay hirgalinta diiwaangalinta.

 

Guddiga sare ee farsmada diiwaangalinta.

 

Isla xeerkaasi wuxuu farayaa in la sameeyo Guddi Farsamo (Task force) oo xubin komishanka ka mid ah uu hogaaminaayo oo ka kooban 3 xubnood oo xisbiyada qaranka ka socda iyo laba xubnood oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ah oo iyaga xilkooda ugu weyni yahay caddaynta muwaadinka. Waxa kale oo guddiga ka mid ah xubin labaad oo Komishanka Qaranka ah. Waxa lagu waajibiyay guddigan inay masuul ka noqonayso qaabka iyo Farsamada looga hirgalinaayo diiwaangalinta dalka Somaliland oo dhan. Waxaanay la shaqaynaysaa Komishanka Doorashooyinka.

 

 

Waa Maxay xilka ka saaran muwaadinka diiwaangalinta?

 

Muwaadinku waa aasaaska dimoqraadiyadda. Dawladda dimoqraadiga ah waxa lagu tilmaamaa dawlad ka timid dadka una shaqaysa dadka. Muddo markii la joogaba waa inay doorasho dhacdaa, Muwaadinka Somaliland waa in si wayn u gartaa inay madaxda dawladda, xildhibaanada baarlamaanka iyo golayaasha deegaanku iyo madaxda 3da xisbi qaran ay shaqaale u yihiin shacabka. Waa in ay amarka shacabka ka qaataan, hadaynu raalli ka noqon waynno sida ay arrimaha u wadaan waa in aynu ka saarnaa shaqada ay shacabka u hayaan ee aynu inagu u dhiibanay. Ninka masuuliyad shacabku u dhiibtay ee aynu dooranay haddii aynnu ka codayno, cid ku hayn karta xilka aan ka qaadnay ma jirto. Shacabku uma shaqeeyo masuuliyiinta aynu dooranay ee iyagaa inoo shaqeeya. Muwaadinka xaqa ugu weyn ee uu dastuurku siinayaa waxa weeye in uu madaxdiisa dooran karo isagana la dooran karo. Haddaba, waa waajib wadanku inagu leeyahay in aynu ka qaybgalno doorasho kasta si aynnu ugu codayno ninka wax innoo qabta, xilkana ka saarno ka ka leexda jidka xaqa ah. Si aynu awoodaa dastuurku ina siiyay u fulinno waa in aynnu ku dadaalnaa in aan codayno maalinta doorashada si aad xaqaaqa doorashada u gudatid.

Xeerka kor ku xusani wuxuu amrayaa in muwaadin kastaa marka hore isdiiwaangaliyo. Muwaadin aan is diiwaangalin ma codayn karo, wax kastaa hadday dhacaan. Haddaba, waa maxay xilka kaa saaran inay Somaliland noqoto dal horumaray, oo dimoqraadiya oo xor ah oo la ictiraafay. Waa inaad dhib kastaa ha ku gaadhee aad is-diiwaangalisaa oo aad qaadataa Kaadhka codbixiyaha si aad u codayn karto, haddaad reer guuraa tahay, haddaad beeralay tahay iyo haddaad ku nooshahay magaalaba. Ha seegin inaad qaadato Kaadhka Muwaadinimadda iyo kan Codbixiyaha.

 

Nidaamka Dimuqraadiyaynta ee Somaliland

 

Doorashooyinku waa imtixaan adag. Dal kastaa xilliga doorashooyinka wuxuu ku jiraa waqti adag oo adduunka oo dhani indhaha ku hayo. Somaliland si gaar ayaa indhaha loogu hayaa. Dhinac marka laga eego wuxuu caalamku la dhacsan yahay arrimo badan ooy ummadeenu iskeed u qabsatay iyada oo taageero la sheegi karo aynaan caalamka ka helin. Waxa ka mid ah arrimahaas, dib-u-heshiisiintii ay isugu yimaaddeen beelaha Somaliland oo ay ku heshiiyeen ka dib markii uu dalkani helis galay. Axdi-qarameedkii iyo goloyaashii ka koobnaa beelaha ee dalka lagu maamulaayay in muddo ah, isbedalkii waynaa ee siyaasadeed ee ku xigay ee lagu gudbay nidaam dimuqraadi ah oo dastuuriya oo lagaga baxo beelihii looguna gudbo ururro iyo axsaab qaran oo tiro badan iyo doorashooyinkii saddexda ahaa ee tartanka xisbiyadu u galeen. Waxa lagu tilmaamay saddexda doorashaba marka tamarteena dhaqaale iyo dawladnimo la eego, qaar xor iyo xaq ah. Horumarkaas lagu gaadhay muddada gaaban, xasiloonida, nabadgalyada, iyo kaladanbaynta dawladnimo ee marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaysa ayaa soo jiidatay indhaha dawlado badan iyo shakhsiyaad waaweyn xagga siyaasadda iyo aqoonta.

Somaliland iyadoo aan ahayn dawlad la ictiraafsan yahay oon la gali Karin qaanuun ahaan heshiisyo dawladaha kale, ayaa haddana caalamku iyo hay’adaha caalamiga ahi ay la macaamilaan oo ay ixtiraamaan, waxa tilmaan wacan loo qaadan karaa sida ay noo soo dhaweeyaan oo ay noola macaamilaan dawladaha deeq-bixiyayaasha. Haddaba, shacbiga Somaliland waa in ay qadariyaan ixtiraamka adduunku u muujiyay horumarka, nidaamka dimuqraadiga, xasilloonida ayna sii xoojiyaan wada-tashiga, ictiraafkuna INSHA ALLAH maalintiisii wey imanaysaa dhawaan. Waddan adduunka dimuqraadiyaddiisa iyo nidaamkiisa dawaldnimo u dhan yahay ma jiro, waad ogtihiin dalka Maraykanka doorashadoodii u danbaysay ee lagu doortay Madaxweyney Bush dhibaatadii siyaasadeed iyo maxkamadeed ee ka aloosantay.

Waxay diblomaasiyiinta debadda ee aan la kulanay innagu amaaneen sida ilbaxa ahayd ee aynnu ku dhamaynay murankii tirada ee ka dhashay doorashadii madaxwaynaha ee 2003. Oggolaashaha uu oggolaaday Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye Mudane Ahmed Mohamoud Siilaanyo go’aankii Maxkamaddu ku dhawaaqday in laga helay doorashada, waxay caddaynaysaa bay yidhaahdeen diblomaasiyiinta dunida horumartay bisaylkeena dumuqraadiyadeed, waana qodob aad la innoogu tixgaliyo.

Waxa kale oo aad ogtihiin arrimaha ka dhashay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyaduba. Duruusta halkaa aanu ka soo baranay waxa ugu waynaa dhibta iyo dhimashada iyo qalalaasaha ka dhici kara haddii xil ay iska saari waayaan dadka ay khusayso doorashadu dhammaantood gaar ahaan xisbiyada siyaasada, Komishanka Qaranka iyo shacabka. Waxa kale oo aanu u baahannahay in aannu la socono arrinkan Kenya ka socdaa ilaa inta uu dhammaanayo hadba heerka uu marayo iyo sida ay xal uga gaadhaan ee uu ku dhammaado.

Waxaynu galnay xilligii diiwaangalinta iyo doorashooyinka waxa waajib ku ah muwaadiniinta iyo hay’adaha ay khusayso oo dhan inay si xilkas ah, iyagoo ilaalinaya xeerka doorashooyinka iyo maamuuska iyo sharafta inay waajibkooda ka gutaan waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyo shaqaalahooda, xisbiyada qaranka, madaxda xisbiyada iyo shacabku waa in ay iska kaa shadaan siday habsami ugu dhici lahayd diiwaangalintu iyo doorashooyinku.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this