Sign in to follow this  
Emperor

President Adde visits SOOL frontlines and briefs daraawish forces

Recommended Posts

Emperor   

Gambara: Gen. Cadde Muuse oo booqdey Jiidaha dagaalka hadal dhinacyo badan taabanaya Ujeediyey Ciidanka Daraawiishta ee Puntland.

29. oktober 2007

 

 

Gambara(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa Booqday dhamaanba goobaha ay joogaan ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ee ku yaala duleedka Magaalada Laascaanood.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya Ujeediyey ciidamada daraawiishta ee Puntland ,wuxuuna kaga hadlay hadalkiisa waxyaabaha ka socda dalka Soomaaliya ,gaar ahaan gobalka Sool.

 

Cadde Muuse wuxuu usheegay ciidanka Puntland in looga baahan yahay in ay gutaan Waajibaadkooda Shaqo ee ka saaran dalka iyo dadkoodba,isla markaana ay dib dhawaan ugu laabanayaan Magaalada laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

 

Gen.Cadde Muuse wuxuu tibaaxey in loo baahan yahay in la difaaca shacabka Puntland ,ayna uyihiin ciidamada Daraawiishta ayna gudanayaan waajibaadkooda shaqo ayna tahay in loo diyaar garoowbo difaaca Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa cadeeyey in ay Puntland leedahay cadowyo badan oo kala jooga dalka Soomaaliya iyo dibadiisa ,dagaalada ay soo qaadeena Maamulka la baxay Somaliland ay yihiin kuwa laga leeyahay ujeedooyin kala duwan.

 

Generaal Cadde Muuse ayaa khudbadiisu ahayd mid uu ugu talagalay Milaterigiisa ,inta badan uu ugu hadlayey xaaladaha dagaal ee ay gashey Puntland ,wuxuu tilmaamay in dhawaan ay bilaabanayaan howlgallada Milateri ee ay dowladiisu dib ugu laabaneyso gobalka Sool.

 

Booqashada Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland ee gobalkaasi Sool deegaano ka mid ah ayaa ku soo aaday ,ayagoo maalmihii ugu danbeeyey ay Magaalada laascaanood ka dhacayeen rabshado looga soo horjeedo Maamulka la baxay Somaliland luguna taageerayo dowlada gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Gen. Cadde Muuse Oo Jiida Hore Kasoo Noqday Shirar Dhaa Dheerna Layeeshay Saraaka

 

(Laascaanood}29.10-7

Gen. Cadde Muuse iyo saraakiisha hol galinaysa ciidamada ku sugan jiida hore ee Tukaraq ayaa waxaa ay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin isla markaana socday wakhti dheer waxa ay ku qaateen xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

 

Kulanka aya ahaa mid aad uga duwan kuwii hore ee dhex mari jiray saraakiisha ciidamda iyo Gen. Cadde Muuse iyada oo is aragoodu uu ku salaysnaa sidii ay saraakiishu u soo gudbin lahaayeen waxyaabaha ka dhiman ciidamada iyo soo qiimaynta xaalada kale.

 

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa jirtay in xoogaa khilaaf uu ka jiray sida ay wax u soo bandhigeen saraakiisha iyo sida u Gen. Cadde Muuse wax u doonayay taasi o dhalisay in kulanku dheeraado isla markaana u noqdo mid aan waxba laysku reeban waxaana ay saraakiishu ku doodeen in maamulka Gen. cadde uu yahay mid ka gaabiyay difaaca gobalka sool eedaasna aysan iyagu lahayn ee ay u taalo madaxda kale ee maamulka.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Gen. Cadde muuse uu ku dooday in sababta uu ugu soo baxay laascaanood ay tahay sidii loo ilaalin lahaa nabad galyada shacabka isla markaana loo yarayn lahaa khasaaraha soo gaadhaya deegaanka balse uusan uga soo bixin laascaaood itaal daro darteed.

 

Gen. Cadde ayaa u muuqday mid dhankiisa aysan waxba ka dhul oolin waxaana uu kulanka ka sheegay in diyaar garoowgii ay wadeen maamulkiisu uu soo gaba gaboobay ayna tahay in loo istaago sidii laysaga dhicin lahaa dadka qaran diidka ah ee ku soo duulay maamulka Puntland ee kaashanaya kooxo lagu soo taba baray Asmara oo ay ka mid yihiin ciidamada maxkamadaha iyo kuwo kale oo aan soomali ahayn waa sida uu hadalka Gen. cadde u dhigaye.

 

Dhanka kale kulankan ayaa ku soo beegmaya xili ay abaabul xoogan wadaan 3 gole o uu Gen Cadde Muuse u kala magacaabay xaalada colaadeed ,

 

sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xili ay soo af jarmeen kulamadii xidhiidhka ahaa ee u dhex marayay xubnaha wasiirada ee maamulka puntland iyo Gen. Cadde Muuse kuwaas oo isku racay in ay ku waajib tahay in ay is difacaan isla markaana ay tahay midnimada iyo wada jirka dhulka iyo shacabka Puntland mid muqadas ah.

 

waxaan jrin illaa iyo hadda wax muuqda oo ababul ah oo ay wadaan wax garadka ka soo kala jeeda labada dhinac si wada hadal loogu xaliya xur gufta ka dhex taagan Puntland iyo Somalilad kuwaas oo u muuqda in ay ka dhur sugayaan sida ay wax ku dambeeyaan .

 

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa sida muuqata waxa uu ka qeyb yahay diyaar garoowga u wado maamul goboleedka Puntland

 

sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso lagu dhex arkayaa gawaadhida market 2 ah oo ay saaran yihiin cod baahiyayaal kuwaas oo ku dhawaagaya erayo guubaabo ah iyada oo gawaadhidaa ay saaran yihiin haween

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Full heavy battle preparation against Somaliland is under way sxb, much like the one we saw in Bay and Bakool in Iidaale and Diinsoor last year.... Will wait and see who wins this final shot.

 

the news

-----------------------

 

Puntland Oo Heegan Sare Galisay Dhamaan Ciidamadii Yimi Iyo Kuwii Hore U Joogay

 

(Laascaanood}28.10-7

ciidamo xoogan oo laga keenay dhamaan degaannada Puntland, kuwo ka tegay Muqdisho iyo kuwo kale oo horey u sii joogay agagaarka Tukaraq ayaa shalay la isku daray waxaana la galiyay heegan koodii ugu sareeyay.....................................

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu ciidamo aad u tiro badan isugu geeyay degaanka Tukaraq oo 60 Km u jirta magaalada Laascaanood oo ay dhawaan ay la wareegeen ciidamo daacad u ah maamulka labaxay Somaliland.

 

Sida warku sheegayo ciidamo laga keenay degaannada Puntland, kuwo ka tegay Muqdisho iyo kuwo kale oo horey u sii joogay agagaarka Tukaraq ayaa shalay la isku daray iyadoo howsha abaabulka ciidamadaasi ay wadaan saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo sida muuqata isu diyaarinaya inay mar kale dib ugu laabtaan magaalada Laascaanood oo ka mid ah sadax Gobol oo ay isku hayaan maamullada Puntland iyo Somaliland.

 

Dhanka kale waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada laascaanood qax iyo bara kac baahsan kuwaas oo ay dad weynaha magaalada ugu kala qaxayaan deegaanada ku hareeraysan Gobolka Soool

 

J Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOL Now it's gone back to see how crazy we will be, you might find very useful should I tell you we will be very very very crazy :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SNM gangs’ agenda to have their clan militia to engage in cross-terrorizing other peaceful areas of the Somalia Republic must not be let unpunished. We must fight against these SNM gang separatists on both the individual and societal level until the process of re-institutionalizing the Somali National Army is completed. As the Somalis in Puntland Administration believe in the unity of the Somali Republic they are obliged to stop the madness of secessionists in their tracks and drive them out of the homes of Somali citizens who do not want to do nothing with Riyaale's fancy dream.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I see the crazies have come out in full lool. Nayruus as always you talk with no logic. Your hate for SNM gang is so great it blinds you to the fact that it was locals who support somaliland that kicked puntlands booty lool. You see fight aganist the "separatists on both the individual and societal level" I ask you how in heavens name are you going to do that lol. Your views are so funny a laugh each time i read something for you. Dont worry old boy i have your home in Hargesia returned to you maybe then you will relax.

 

General Duke, like i told old boy here ^ it was locals with the aid of somaliland that kicked your butts lool, plus calling me people a little clan is a insulting old boy, its like me saying your people are the little clan of the horn or something, so lets not bring in tribal insults ok.

 

Emperor, we will see how crazy you lots are, but i doubt it loool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ I see the crazies have come out in full lool. Nayruus as always you talk with no logic. Your hate for SNM gang is so great it blinds you to the fact that it was locals who support somaliland that kicked puntlands booty lool. You say fight aganist the "separatists on both the individual and societal level" I ask you how in heavens name are you going to do that lol. Your views are so funny i laugh each time i read something for you. Dont worry old boy i have your home in Hargesia returned to you maybe then you will relax.

 

General Duke, like i told old boy here ^ it was locals with the aid of somaliland that kicked your butts lool, plus calling my people a little clan is a insulting old boy, its like me saying your people are the little clan of the horn or something, so lets not bring in tribal insults ok.

 

Emperor, we will see how crazy you lots are, but i doubt it loool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Speaking with the native lasanodian today, I was told the fight could start any time inside lasanod and outside. Well Puntland must take action as soon as possible. Let us see those kids who came from as far as og, burco, hargiasa how safe they could go back. I am sure they will pay bige price for their mistakes. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

abti macaane there is nothing called dream. Iam sure hargias was enjoying peacfull time for the last 17 years, But for them invading lasanod was huge mistake. All we have to wait and see is will Qatlander cupture Garoowe and contuneu to hostage lasanod or will the brave man's From Daraawiish eneter Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this