Sign in to follow this  
juma-nne

Udub way tageysa ee JB Xagee mari?

Recommended Posts

juma-nne   

Marka aad xasuusataan hadaladii Riyaale laga maqlaayey markuu telefoonka ku hadlaayey kuna saabsanaa in aanu ku qanacsaneyn waqtiga doorashada loo qabtey iyo habka commissionku wax u wadaan ee aan hore idiinku soo gudbiyey.

 

•Marka aad tixraacdaan warsaxaafadeedka u soo saarey Cismaan Hindi 6dii bishan ee waaheen.com u ku faafiyey.

 

•Marka aad dhegeysataan hadalkii u Cali gurey munaasabada tacsidii marxuum Cigaal ka jeedeyey, kuna cadeeyey in aanu sax ahayn liiska serverka ee la soo wadoudubna aanay ku qanacsaneyn, isagoo inoo soo gudbinaayey dareenka dhowrka wasiir iyo xubnood ee UDUB metala iyo dardaarankii ragaas u Riyaale kaga sii tegey.

 

•Marka aad dib u akhridaan weedhihii afartii xildhibaan ee golaha guurtida kana soo jeediyey in u commissionku dariiq khalad ah ku socdo, sheegeyna in serverka natiiijadiisa u mugdi ku jiro.

 

Waxa aan idiin iftimineyaa in Riyaale kaga tegey dalka talo ah in sidii la isu hortaagi lahaa doorashada falkeeda la gudo galo, Haddaba, waxa ay maanta UDUB intii meteleysey u cadaatey in dhinacii dadweynaha iyo guurtida midna aanay uga suurto geleynin waxa ay wadaan, waxaana si adag isu hortaagey madaxwene ku xigeenka iyo Ali gureygan aad la yaabantihiin, sidaas darteed, waxa ka fashilmey UDUB plan A.

 

Radio Hargeisa warka Kulmiye ku saabsan ee u siidaayey waad maqasheen ha fududeysanina wax walba suga in ay k sii raftaan, warkaas in la siidaayo waxa sii ogolaadey Riyaale intii aanu bixin, waa lala socdey warbixintaas in ay taalo miiska xafiiskiisa, waxa lagu khalkhal gelinaayey nabadgelyada, ka dib markii warka la maqleyba ragbaa u digey wasiir ku sheega iyo rag kale, balse markii lala socodsiiyey commissionka iyana ay la xidhiidheen madaxwene ku xigeenka ayuu amarey in u xidhaayo idaacada hadii markale aga maqlo waxaas oo kale Radio Hargeisa, xaleyna gurigiisa ragii ugu tegey wax badan bay la socosiiyeen, dalkan rag baa ilaashanaaya ee la socda, Riyaalena waa u quustey, Ina cumar geelena passport diblomaasi oo u weydiistey si u mustaqbalka ugu dhoofdhoofo ayuu u diidey.

 

Haddaba, waxaan immikana idiin sii sheegeyaa UDUB plan B,. Waxa niman faro ku tirsi ah ay wadaan abuurida nabadgelyo darro iyo isku dhacyo hor leh oo ay abuuraan hadii ay u suurtogeleyso ayaamaha kaadhadhka la qeybinaayo, waxa la ii sheegey in goobaha lagu qeybinaayo kaadhadhka cusub laga abuureyo rebshado, marka la dhameystiro bixinta kaadhadhka aad maqli doontaan goobo u badan meelo laga taageero wasiir ku-xigeenka talaabo oo ceerigaabo oo hadda u u joogo abuurista rebshado socda ilaa waqtiga doorashada, meelo sool ah oo hadda rag loo sii direy berito Hargeisa ka anbabaxaaya iyo meelo awdal ah siiba boorame iyo agagaarkeeda lagaga dhawaaqo baaqyo ka horjeeda hawsha kaadhadh bixinta.

 

Wasiir Cawil iyo Sulub dib ayey u yaaceen oo wey ku adkaatey cawil in u helo tiro badan oo nabadgelyo darro ka abuura gobolka togdheer, waxaana badhisaab kuxigeenka Burco iyo badhisaabkuba soo sheegeen in ay u surtogeliweydey in waftigii Kulmiye yimmi dagaal lagaga hortago kadib markii ay dadkii lacagta ay siiyeen kaga baxeen.

 

Haddaba, xisbiyada mucaaridka ah iyo taageereyaashooda waxa la gudboon in ay sii fashiliyaan, lana socdaan dhaqdhaqaaqa u sanaag ka wado Talaabo, Xaabsade u ka wado Sool, Cawilna u ka wado Togdheer dhowr xildhibaan iyo wasiirka warfaafintana loo xilsaarey Awdal.

 

Waxa sharaf mudan dadka oo ragii fekradaas loola tagaaba ay yaabeyaan dibna u fashilineyaan, wararkan aan diidn sheegeyaa waxa ay ka soo butaaceyaan ilo xogogaal ah, waayo wasiirda iyo kuwo madaxtooyada ka ag dhow oo wadankooda ilaashanaaya,UDUB wax la yidhaahdo majirto, dhowr wasiir, wasiir ku xigeen, badhisaabo iyo xubno guurtida ah ayaa guddi fulineed iyo gole dhexe ka ah udub oo aan xisbiga si sharci ah uga tirsaneyn. Belowadeyaasha ugu waaweyn ee raba in aan si xasiloon loo qaban doorasho ama raba in ay ugu danbeyn carqaladeeyaan natiijooyinka serverka iyo doorashada ka soo baxaysa waa dhowr wasiir iyo wasiir ku-xigeeno, dhowr xildhibaan oo guurtida ah iyo badhisaabo kuwaasna muwaadiniintu si fiican bay ula socdaan.

 

DADKU NABDGELYADA HA ILAASHADAAN, ILAAHEYNA HAKU GARABGALO. Gudidda doorashadu Ha noolaato.

 

 

Amina Hagi mohamoud Elmi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaad intaa wax dhaanta sheegaysaan moodayay awoowo ...... Udub haday tagto mid kele uun baa iman ,,,, dhamaantood waa reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Inaad intaa wax dhaanta sheegaysaan moodayay awoowo ...... Udub haday tagto mid kele uun baa iman ,,,, dhamaantood waa reer Somaliland.

:D Taa wa la gartay ee suaashaydu waxaiy ahayd halkaad ku dambayn? mise kuwan qabsada ayaad hadeerna u adimi doontaa oo haday xataa qaldamaan ayaad sidii odaygii Ina waraabe odhan dontaa "Anigu Waligay Xukuumad muxaafid maahane mucaarad kumanoqon" :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee adiga dagaalkii muqdishaa kugu qufulan niyow ee xabada la isku eryanayay ,,,,meeshan cod baa lagu kala baxayaa, markaa kii laga adkaadaa meel ma tegayee maqaaxiduun buu soo fadhiisanayaa ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Jacaylbaro:

Dee adiga dagaalkii muqdishaa kugu qufulan niyow ee xabada la isku eryanayay ,,,,meeshan cod baa lagu kala baxayaa, markaa kii laga adkaadaa meel ma tegayee maqaaxiduun buu soo fadhiisanayaa ,,,,
:D

:D:D:D ,,,, I like that. kix, kix still laughing

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this