Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SIILAANYO'S FIRST 100 DAYS

Recommended Posts

Yesterday's News:

 

Hargeysa (HWN) Xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayay u buuxsameen boqolkii maalmood ee ugu horeeyay, taas oo ay u qabsadeen in ay wax qabad muuqda dalka oo dhan ka wada qaban doonaan.

 

Maalinta beri ah ayaa sida uu qorshuhu yahay Huteel Kaah oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa ay ku soo bandhigi doonaan wax qabadkii boqolkii maalmood ee ay jirtay xukuumadan cusub.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii uu xukunka kala wareegay madaxweynihii hore Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin, soo dhisay dawlad, waxaana lagu tilmaamay in ay tahay mid kooban.

 

Waxqabadka la filayo in ay beri soo bandhigi doonto xukuumada cusub ayaa waxa barbar socdo dhaliilo is barbarkan kuwaas oo ay mucaaradku tilmaameen in ay ahaayeen kuwo si sahal ah wax looga qaban karayay.

 

Wasaarad, hay’ad iyo laan kasta oo ka mid ah xukuumada madaxweyne siilaanyo ayaa la filayaa in ay boqolkii maalmood ee ay jireen soo bandhigi doonaan wixii u qabsoomay, wixii qabyo ka ah iyo sababta mudada intaas le’eg uga baaqatay.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isagu shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa la isku raacay in uu wax weyn u soo kordhiyay dalka, mar haddii uu cilaaqaadkii labada dal ee Djabouti iyo Somaliland uu si ka fiican sidii maamauladii hore maanta yahay.

 

Si kastaba ha ahaatee xukuumadan ayaa isu dhigta in mudadii koobnayd ee xilka haysay ay wax badan qabatay, balse maalinta beri ah ayaa laga dhursugayaa xukuumadan wixii ay dadka iyo dalka u qabteen boqolkii maalmood ee ay xafiisyada fadhiyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuxurka Waxqabadkii Xukuumada Somaliland Oo 100-kii Cisho ee U Horeeyay

November 8th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.org)- Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa maanta Huteelka Kaah ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay wax qabadkeedii 100-kii cisho ee u horeeyay, waxaanay sheegeen inay 80% ay fuliyeen waxyaabihii ay balan qaadeen.

 

Afhayeenka madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay waxaanu yidhi

 

Dhismaha Xukuumadda

“Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarad intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbedelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay.

Hay’addo badan oo hoos iman jiray madaxtooyada ayaa ayaa lagu celiyay meelihii ay mudnaayeen, sida Tv-ga qaranka oo la hoos geeyay wasaaradda warfaafinta, laanta socdaalka oo la hoos geeyay wasaaradda daakhiliga.

Waxa markii ugu horaysay si madax banaan u hawl galay hanta dhawrka qarank, taariikhda Somaliland waa markii ugu horaysay ee hanti dhawrka qaranku iskii u hawl galo isaga oo xor ah oo madaxbanaan.”

 

Arrimaha Amniga

“Waxaa la xoojiyay arrimaha nabadgelyada iyo ka qayb gelinta dadwaynaha, waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Waxaa laga hawl galay hawl galo isku dayo ahaa oo qaarkood aad xasuusan tihiin in argagixisadu isku dayday in ay nabadgelyada khalkhal geliso muddada isbedelku jiro dhexdeeda, waad ogtihiin in la soo bandhigay hub badan oo ay ka hawl galeen ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada xeebaha ah Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Hargaysa oo lagu qabtay ummadana hubkii loo soo bandhigay .

Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.

 

Waxaa la kala diray oo madaxwaynuhu khudbadiisi ugu horaysay ku kala diray guddidii nabadgelyada ee lahayd awooda xukun ee aan sharciga ku dhisnayn. Waxaa saamaxaad madaxwayne lagu sii daayay maxaabiistii siyaasadeed ee xiligaa xidhxidhnayd.

Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray baaq nabadeed, khudbadiisii ugu horaysay waxa uu gogol nabad gelyo u fidiyo gobolada Sool iyo Sanaag bari oo shaqaaqo ka jirtay xiligaas, waxaana la isku dayay shaqaaqadii maalmahaa xooga lahayd in halkeeda lagu bakhtiiyo waana lagu bakhtiiyay, gogoshii madaxwaynuhu fidayayna way bilaabantay, guddidii hirgelin lahayd oo heer qaran ah ayaa gogoshaa qaybteedi ugu horaysay waxay todobaadkii hore ku qabsoontay Widhwidh, waxaana ka soo jawaabay baaqaa Madaxwaynaha iyo hogaan dhaqameedyo oo gacmo furan ku soo dhaweeyay.”

Arrimaha Dhaaqaalaha

“Waxaa la xakameeyay in muddada kala guurka ah ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xiga toona aanay dhicin musuqmaasuq iyo hanta lunsi, si aanay taasi u dhicin waxaa la amray xisaabiyaha guud ee qaranka iyo guddoomiyaha baanka dhexe, waxa kale oo la hawl geliyay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada oo shaqo wanaagsan qabtay, waxa kale oo la hawl geliyay guddi uu xisbiga KULMIYE lahaa oo iyaguna arrimahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ka hawl galay, arrintaas aad baa looga hawl galay oo in aanay hantida ummaddu dhexda ka bixin muddada kala guurka ah ee labada xukun xilka la kala wareegayaan waana la xakameeyay, oo si adag ayaa gacanta loogu dhicay.

 

Waxyabaha qabsoomay dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ah bixinta mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl socodsiinta. Waxaa ballanqaadkii xukuumadda ee boqolka cisho ku jiray musharka shaqaalaha dawladda ka maqnaa kaas oo la bixiyay. Musharooyinka shaqaalaha iyo kharashaadka socodsiinta shaqada ee la bixiyayna waxa ay kala yihiin:-

Mushaharka iyo kharashaadka la bixiyay oo ka soo jeeda bishii koobaad ilaa bishii todobaad ee sannadka 2010 waa 38 bilyan 862 milyan, taas oo ah mushaharka iyo kharashaadka ay ka tagtay xukuumadii hore ee daynta ah ee lagu lahaa ee ay xukuumadda cusubi bixisay. Intii ay xilka haysay xukuumaddanina waxa ay mushahar iyo kharashaadba u bixisay 58 bilyan, 240 milyan. Isu gayn waxa ay xukuumaddani bixisay 102 bilyan, 909 milyan ayay intii boqolka maalmood ahaa ay xukuumaddani kharash ahaan u bixisay. Waxaa intaa dheer raashinka ciidamada, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo dayactirka gaadiidka.

Si loo dhamaystiro biriishka labaad ee Hargaysa oo dumay sannadkii 2004, boqolka maalmood ee ugu horeeyay waxaad ka garan kartaan Madaxwaynuhu goobaha uu socodka toos ugu tagay ayay ka mid ayayd biriijku markii uu xafiiska wax yar fadhiyay , maalintaa madaxwaynaha wax dayn ah oo kama maqnayd dhinaca biriijka oo la odhanayo madxtooyada ayaa lacagtii bixin wayday may jirin oo way haysteen, balse nasiib darro arrin dabeecad ah awgeed roobab iyo daadad jiray ayaa tiirka dhexe la xidhi kariwaayay, sabab uu qabyo u yahay oo aan taa ILLAAHAY ahaynina ma jirto. Waxa kale oo madaxwayne ku xigeenku soo dhagax dhigay wadada Dila iyo Boorame oo 4 km ay xukuumaddu dhisayso.”

 

Arrimaha Bulshada

“Wassaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo macdanta iyo biyaha iyaga nolol ahaan ayaad maalin walba taabataan oo warbixin badan iigama baahna, waxqabadkoodu horena wuu u jiray maantana ILLAAHAY mahaddii wuu kordhay, haddii aynu iyaga bilownana waynaan ka gayoonayn balse saxaafadda ayaanu idiinku soo gudbin doonaa maalmaha soo socda.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in siyaada dibada Somaliland ay meel wanaagsan marayso,waxaanu tilmaamay In madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii todobaadkii hore dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyay meeqaam aad u sarreeya.

 

Somaliland.Org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ So kumaan odhan waa baxar dhan? Guryaha hadhay. Orodo gurigaaga gudi ka sameeso intaano Siilaanyo mid kuu sameen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Originally posted by NGONGE:

^^ So kumaan odhan waa baxar dhan? Guryaha hadhay. Orodo gurigaaga gudi ka sameeso intaano Siilaanyo mid kuu sameen.
:D

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah.

Thought Kulmiye was against this ,,,,,,
Gudi baanu u saarnay In gudiga nabadgalayada la sameeyeo dabeedna gudigaas ayaa gudigan soo saaray

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Wiil Cusub:

Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.

Sure it was not your navy forces, nor the military army. Because they were busy somewhere else...

 

Shooting ducks may be? smile.gif

 

2uj2i6h.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Cusub Oo Soo Badhigtay Waxqabadka 100kii Cisho Ee Ugu Horeeyey +SAWIRO

 

This article has been Published at: 08-11-2010 and has been viewed 11 times

 

Back to home Print this Page Send to a Friend Bottom of the Page

 

 

Hargeysa (Berbera)- Xukuumada uu hogaamiyo Madxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo ayaa maanta soo bandhigatay waxqabadka 100ka maalmod ee ugu horeeyey.

 

Soo bandhigida waxqabadka 100cisho ayaa waxa maanta loo qabatay munaasibad aad u weyn oo ka dhacaday hotel Kaah ee magaalda Hargeysa, waxana ka soo qayb galay Madxweyne ku xigeenka somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro, Gudoomiyha Maxakamada Sare Maxmed Xirsi Oomane, Xuno ka socady Golaha Wasiirada, Xildhobaano ka mida Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland, Gudoomiyha Xisiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, Gudida Doorashooyinka Qaranka, Gudoomiya ku xigeenka xisbiga UCID Aadan Maxmed Mire Waqaf, iyo Yuusuf Ciise Talaabo oo ka socday Xisiga UDUB, Haween iyo Martifarashkale oo tiro badan.

sawir4.jpg

Ugu horay waxa munaasibadaaasi ka hadlay Madxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo sharaxad ka bixyey waxyabixhii u qanbsoomay mudadii 100cisho ahayd ee ay xilaka hayeen, waxana hadaladiisi ka mid ahaa � marka la eego waxyaabihi anu ku taamaynay ee aanu balan qaadnay in aanu qabanayno 100cisho ee ugu horeeya waxa noo qabsoomay 90% inata hadahayna waanu dhamytiraynaa�

Waxa kale oo uu sheegay Mudane Saylici �waxqabdkii 100ka maamood waxa ka mid ah waxaanu soo dhisnay dawlada kooban oo tayo leh, waanta tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxnu golgal nabadeed u fidnaya deegaanada bariga ee shaqaaqadu wakhtigaas ka jiratay, waxa kale oo aanu bixinay mushaharooyinka shaqalha dawlada oo afar bilood dawlada ku lahaa� sidaasina wax yidhi Madxweyne Ku xigeenka SomalilandCabdiraxaam Saylici.

sawir.jpg

Wax kale o uu Madaxweyene Ku xigeenka Somaliland Md, Cabdiraxmaan Saylic sheegay sidan � waxaanu kordhinay cashuur uruinta 25% taas oo aanu rajaynano ai ay naga caawin doonto in dakhliga na soo galayaa kordho�

Waxa kale oo uu Madaxweyne Saylici sheegay in wax qabadak Xukuumda ay ka mid tahay in ay Xukuumada kala diratay Gudiyadii Nadgalyada ee sharcidarada ahaa sidoo kalena ay sii daysay dadkii ay gududaas xukunmatay.

sawir3.jpg

Waxana uu intaas ku daray Mudane Syalici �Madaxweynuhu waxa uu safarkiisi ugu horeeyey ugu baxay wadanka aynu jaarka nahahay ee Djibouti waxan uu dhawaan tagayaa wadanaka kale ee aynu jaarka nahay ee Ethiopia.

Intaasi ka dib waxa halakasi khudbad aad u dheer ka jeediyey Afaheenka Madxtooyada ee Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse) waxana uu sheegay inay Xukuamdu soo saratay Buug ay kala waramayso balanqaakeedii iyo waxyaabihii ugu falay buugaas oo la yihdhaa 100,aamood, 100, waxqab iyo dheeraad, buugaasna ay bulshadu kala socondooto warbnaahinata.

Saddam Mohamed ahmed

Sadam151@hotmail.com

Oodweynenews/ Hargaysa office

Waxana uu intaas ku daray Mudane Syalici �Madaxweynuhu waxa uu safarkiisi ugu horeeyey ugu baxay wadanka aynu jaarka nahahay ee Djibouti waxan uu dhawaan tagayaa wadanaka kale ee aynu jaarka nahay ee Ethiopia.

Intaasi ka dib waxa halakasi khudbad aad u dheer ka jeediyey Afaheenka Madxtooyada ee Somaliland Cabdilaahi Maxmed Daahir (Cukuse) waxana uu sheegay inay Xukuamdu soo saratay Buug ay kala waramayso balanqaakeedii iyo waxyaabihii ugu falay buugaas oo la yihdhaa 100,aamood, 100, waxqab iyo dheeraad, buugaasna ay bulshadu kala socondooto warbnaahinata.

 

Saddam Mohamed ahmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Pasha:

quote:Originally posted by Wiil Cusub:

Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.

dhab@dh!lif dheh-Ilaahow dulinimo naga kuri.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ somaliland iyo Ethiopia wa labba dawladood oo jaar aah oo nabada ka shaqeynaya jabhado iskugu so hubeyn mayno. Misna haday jabhad onlf ah la dagaalamayso Ethiopia anagu ka hor joogsan mayno oo wa arin iyagu u taal. laakin dalkayaga kaga ma duuli karan , wa intaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Che -Guevara:

quote:

Originally posted by Wiil Cusub:

Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.

dhab@dh!lif dheh-Ilaahow dulinimo naga kuri.
Amiin, amiin Che'ow! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this