Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xaqiiqda Puntland Iyo Afduubnaana rag tiro yar

Recommended Posts

1.Puntland wax ay qabsatay maleh aan ka ahayn beelo nabad kuwada degenaa kuwaas oo isir wadaag ah, aan caadifi ahayn, nabadgeliyana Deriska

ka agdhow ama Qabiil ha wadaageen ama Somalinimo haba ka dhexeysee, anigoo meesha ka saareyn Somali oo dhan waa isir wadaag ama hal Qoys.

 

2.Puntland iyo Somalida kale oo dhan waxaa dhulkii kusoo haray dadka intii Maatada ahayd, intii faqriga ahayd ,intii jaahilka ahayd, intii socon weyday iyo kooxo sharciyo kasoo qaatay Wadamo kale (burcad dhuleed beri iyo cirba)

 

3.Aqoonyahankii iyo indheergaradkii Puntland waxey noqdeen Labo,mid daneyste ah oo kooxaha Puntland iyo Somalia xukunta la qawleysta iyo mid codkiisii gaabtay,maxaa kaa codkiisa gaabiyey??? waxaa gaabiyey tusaale aan idinka siiyo: Madaxweynaha Puntland ama kuwii ka horeeyey maaha dad jaahiliin ah,balse waa dad u bareeray inaan waxba hagaagin sida: C/laahi Yusuf oo ku talo galay inuu ka dhigto jaranjaro uu ku gaaro Somalia ahaana madaxweynahii ugu fiicnaa ee soo mara! ,Cade Muse oo ahaa nin aan target fog lahayn sida C/laahi balse kusoo galay Puntland hab qabiil,kadibna afduub ku dhameystay balse wax badan dhaamey kan hada jooga, Ninkan iminka jooga oo isna kusoo galay hab Qabiil qayaxan ahna ninka ugu aqoonta fiican marka loo fiirsho kuwii hore ayaa noqon doona kan ugu liita waayo waxaa fogaan doonta rajadii aqoonyahanka Puntland waana kuwa codkooda gaabtay!

 

Waxaana xoogeysan doona riyo maalmeedka beenta ku dhisan ee Gobolka tusaale waxuu siyaadiyey Wasaradhii Puntland ,waxuu siyaadiyey mushaharooyinkii,waxuu xoojiyey caadifadii Qabiilka, waxuu siyaadiyey cashuurahii Dekeda taas oo sababtay in Ganacsatadii Puntland ay ka hayaameen Gobolka waayo uma adkeysan karaan in canshuur siyaado ah inta laga qaato rag Australia iyo Europe ka yimaada iney ku qayilaan, taas bedelkeeda waxaa Ganacsatadii bedelay Ganacsatada kililka 5aad, Mogadishu iyo Baydhabo waayo iyagu hadey Gobolkaas nabadgelyo ku helayaan dhibsan mayaan ragaas qayilkooda!!! waa cilmi nafsi marka Gobolka ganacsigiisii waa baa ba’!.

 

4.Filim cusub oo la jili rabo kaas oo la dheho Puntland waa Wadan madax banaan wadadaas oo Somaliland 18 sano rag ku qayilayeen, xaqiiqaduse ay tahay inaan Wadanka waxba loo qabaneyn.

 

5. Puntland waa dhul qani ah oo ku socda wado faqri ah oo dhamaad lahayn,si markaas wadadaas looga soo weecan waa in filmaan cusub la kenaa, marka waxaan uga digayaa dadka qurbo joogta ah inaan sheeko caadifadeysan loola tegin, ineysan tageerin iyagoo is dhehaya ****** ku xumeeya haddii team kaas ini C/rashiid iyo Faroole siyaasada laga xanaajiyey ama laga badiyey yaan Somalia looga go’in dad iyaguba hopeless ah.

 

Puntland waxey go’i kartaa markay horumar la taaban karo ay gaarto ee yeeysan nala go’in kooxo isa soo urursatay, oo sidii Somaliland shimbarayahow heesa naloo qaadin ,oo Calankale hadba guri Wadan kale kuyaal aynaan la gelin.

 

6.Dadka Puntland waxey xaq uleeyahiin iney xukumaan Somalia oo dhan, xukunkana maanta ama adiga ama walaalkaa baahaya ee yeeynaan ku bedelan Somali weyn Puntland, xataa hadii ****** labada Jago isku qaato micna badan ma sameyneyso waa wax ku saleysan waqti,faaidada ayaana kabadan doonta,C/laahiba khasaaro beynu ka dheefnay waxaa noo dhaanta Wasiiro tayo leh.

 

7. Dadka Puntland aan caadifiga ahayn waa iney ka gudbaan Madaxtinimo iyo Qabiil aan micna keeneyn khasaaro mooyee,Puntland qofkasta oo umadda u daneynaya waxuqabanaya waa inuu xukumaa inagoo u fiirin Qabiilkiisa waa ineynu fiirsanaa danta khaaska ah ee maaha tan Qabiilka ,tan khaaska waa shaqada, waxbarashada, amniga, caafimaadka, nadaafada, biyaha,dhismaha iwm ee maaha in ninkale aad isku Qabiil tahiin aad qayilsiiso caruurtaadana biyo wasakheysan cabaan,kuwiisana Australia **** ku cunaan.

 

8.Ugu danbeyn waxaan ku kalsoonahay sidaan u ogahay inaan dhimanayo ineynu waqti yar horumar ku sameynkarno dhinackasta leh inagoo ubaahneyn deeq caalami ah laakiin aanka gudubno marka hore Qabiilka,hana lahelo siyaasiin cusub ee maaha dhowr oday oo ku caanbaxay daneysi iyo wax isdaba maris,ninkii maalin 1000 sh.so xaday waa in la eryaa la ceebeyaa ee maaha in la amaano,ninka jaadka cuna, khamriga caba waa ineynu takoornaa cilmigiisana waxba tari maayo.

 

Wadaadka beenta yaqaan ama Qabiilka waa ineynu ku cadeynaa cayrinaa diin iyo wacdi na laga dhegeysan waayo waa beenaale,waa ineynu xisaabtanaa markaas ayeynu noqon Dadjira oo la dheho reer Puntland, Somalina wey noo imaan oo sharaf magula joogin.

 

9.Somalia makala maaranto waana mid umana baahna qeybin qofkii qeybiyana wuu duloobayaa,ninkii danta Puntland ka horyimaada waa in talaabo laga qaado ama feer ama cay iyo xarig waxii la doono haloo isticmaalo yeysanse dhicin sidii Cabdi qeybdiid lacag jeebab ka loogu shubo, maantana ay sababto in IBI ,Sheriif xasan iyo Sheikh sheriif dartood Puntland Somali uga go’do waa wax laga xishoodo!!

 

Yeeysan ku ciyaarin sharafta iyo karaamada dadka reer Puntland dhowr nin oo dantooda cayrsanaya walooba ay ahaadaan Prime minster ama Madaxweyne Puntland ama Wasiir kuwaas oo beri iyago Maqaaxi fadhi ku dirir fadhiya aan sugeyno sababtuna waa iyagoo duleysan aana masuul ka ahayn Umadda ay matelaan balse metela Xaaskiisa,caruurtiisa iyo kooxda uu saxiibka layahay

 

( N.B hade dan uma hayo kan la qabiilka ah ee qabka maqaaxiyaha lasoo fariista kaas waxaan leeyahay most useless person on the earth).

 

Dadku dantooda ha garteen Wadada horumarka wey cadahay qofka xukuma ayaana tusaale kuugu filan Wadada burburka iyo fashilka wey cadahay Qofkaas baana tusaale u ah, Wasiir federaal baa dibadaha wareega oo ka yimi Puntland waxuu ku leeyahay Dastuur baan sameeyey waxaana lasoo dooran Gole barlamaan oo dadku xor kusoo dooran markaas bey dooran Madaxweyne.

 

Marka Madaxweynaha waa arin fudud oo 66 qof waa lala garaa laluush bal filimkaas weligiin magasheen kadibna dadka sacab gacmaha ma ku xanuuneen????

 

Gole Barlamaan puntland muxuu yahay xagee ka shaqeyaa,soow kan Madaxweynaha kala cayriyey counsilkii garowe, bosaso, Galkacayo,Burtinle yaa awoodaas siiyey.

 

Hadduu madaxweynaha sidaa muhiim uyahay maxey 66 qof usoo dooranayaan soow maaha weligeedba inuu shaqsi umada u taliyo??

 

Golaha barlamaanka soow shimbirayahow heesa maaha??? gole Barlamaan waxey aheyd in kaabo qabiiladu keenaan waayo awood sidaas ahba malaha.

 

Ninka Wax bedeli kara Umada dhacaya, shaqsi ah wax kharibaya waa Madaxweyne, soow marka ma haboona kaas in umadu iska hubiyaan nin wanaagnasan keenaan, dantooda ka tashadaan marka bal Wasiirkaas in loo sabciyo ma madunyahay mise in ladheho umada lugooyadaas mardanbe ha ula imaan duliyahow.

 

Soow kuwa kale maalin walba lacagtii masaakiinta ticked kusoo goosan mayaan oo sacab nagama rabaan? mise maxaa inaka galay hadeynu neck tie soo xirano sawiro nalaka qaado inteena uga badan ee qolka shirka joogana aynu isku qabiil nahay.

 

 

WAAN KA XUMAHAY PUNTLAND

 

 

DR YUSUF ISSA

yusufessa@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

waa maqaal fiican, it is a constructive criticism not a destructive one, dawladda waa in la dhaleeceeyee haddii ay ka leexatto wadadii dadku rabeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Yeah i read what he said and it is constructive criticism but alot of his points unfortunately are not factual.

 

For example he said in his first point that puntland has done nothing. Well if that was the case, why are people fleeing to puntland daily? why is it bossaso today and bossaso 91 is two different worlds?

 

To reach such a conclusion is quite fruitless. Secondly as far as the taxes being levied on the port, i don't know where he gets that from. I do know that the government is reforming it's tax revenues to other sectors and not necessarily the port. These funds are to be used for institution building not as he put "chewing sessions".

 

Puntland is getting on it's feet, it has done well so far, 11 years it achieved alot, however what this man forgets to mention is 1 crucial fact. Puntland supports the tfg with resources, materials, and also the tfg gets a slice on the tax revenue of puntland.

 

He forgot to mention that and how that has contributed to puntland economy dwindling. These new measures taken by puntland finance minister is to re-do these mistakes and properly manage the economy in mature way.

 

He also made some comments about cade muse not doing anything in the last administration. Every institution that you see today in puntland was done by cade. Abdullahi yusuf only created 2 institions police force and military. He focussed all his resources in those two.

 

Cade muse took that around and started building more hospitals, creating an oil sector, bring foreign investments like range resources and lootah and jabiri to puntland. Cade muse is also responsible for the democratisation blue print that puntland is following today.

 

As for his claim of puntland being qabil, if that was the case why did reer mudug vote for ilkajir? whilsts reer bari voted for farole?

 

Sure puntland system is not perfect as of yet, but it needs to mature, you can't just hold a democratic election when ppl have suffered the effects of wars. You need to build strong institutions, law and order, provide opportunities to people first and when they get used to living in an orderly society then you can move into democratic phase.

 

However it is not over-night, you can't just hold an election for example 1 year after mogadishu calms down, you need to provide strong institutions first that can defend the democracy against any threats from society.

 

The only thing he said that had some merit as far as i am concerned is the part of indepedence, i don't believe it is a wise move at all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cawke

 

For example he said in his first point that puntland has done nothing. Well if that was the case, why are people fleeing to puntland daily? why is it bossaso today and bossaso 91 is two different worlds?

Its the ppl who built things not the state, show me one road,one hospital or one school. Pland existed for 11 years and it built one MAXJARKA xoolaha in Bosaso thats all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Originally posted by Cowke:

 

The only thing he said that had some merit as far as i am concerned is the part of indepedence, i don't believe it is a wise move at all.

COWKE, I agree the indepence thing is wrong at all this experiment has failed in somaliland therefore puntland should not try to repeat it . it will produce the same result. even somaliland is not serious about this "goonisutag & waa dhaqaaqday" they want use it as bargaining chip to have good deal in the future somali federal republic ,it is mery tactic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by MoonLight1:

Cawke

 

quote:

For example he said in his first point that puntland has done nothing. Well if that was the case, why are people fleeing to puntland daily? why is it bossaso today and bossaso 91 is two different worlds?

Its the ppl who built things not the state, show me one road,one hospital or one school. Pland existed for 11 years and it built one MAXJARKA xoolaha in Bosaso thats all.

 

There has been a lot built, which is the reason that people from from all over come to Puntland, the number one factor is that it is an area of peace. I think that Dr. Yusuf Issa who seems to be able to criticize so well, should be given the presidency to see how he can run the show.

 

Puntland during Siad Barres and other recognized leaders was the most neglected part of Somalia, why didn't he mention that not a single airport was built in the entire state? Why didn't he mention that NW Somalia got tons of funds to build Hargeysa especially the crucial airport and sea port. I even heard Riyaale lives in an old Siad Barre Villa, where Morgan use to live. Still the only thing built in Puntland was ONE road and the seaport that was never completed because the war broke out.

 

These "Dr" have no idea how to write articles that are fair and look at the issue from different perspectives. They have no clue how to write a piece that weighs in all the factors.

 

Puntland is trying to build it's own airport, because it has been given NOTHING. Puntland is trying to build new roads because it has been given NOTHING. Laasqoray is trying to build it's own sea port. The man can try and twist the facts and make the state out to be a place with so much problems and qabiil, I don't think there is a single qabiil that is not represented in Bosasso, co-existing peacefully.

 

As I just mention. The area that is now referred to as Puntland has been given nothing when there was an effective government in Somalia and was the most neglected area in Somalia's history. We in Puntland are trying to build a state from scratch.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Bosaso has one paved road which is the high-way that enters the city from other parts of the region. SO I HEARD! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this