Sign in to follow this  
SOO MAAL

Nairobi: 141 Mudane ayaa u Codeeyey in Xukuumadda FKG Somaliya ay Fadhiisin ka Dhigat

Recommended Posts

SOO MAAL   

Nairobi: 141 Mudane ayaa u Codeeyey in Xukuumadda FKG Somaliya ay Fadhiisin ka Dhigato Baydhabo & Jawhar

- Wednesday, May 11, 2005 at 18:37

 

Nairobi: Dood dheer oo u muuqatay in aan laysku mari doonin kadib, waxaa saacado ka hor golaha baarlamaanka Somaliya ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Geedi ay si ku meel gaar ah fadhiinsimo ay ka hawlgasho uga yagleesho magaalooyinka Baydhabo & Jawhar ee Koonfurta Somaliya; muddadaas oo labada gole ee dawladda ay tahay in ay u hawlgalaan sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimada Somaliya, l0ogana saari lahaa hubka iyo dablayda kala taabcsan hogaamiye kooxeedyada ka rimiya Muqdisho.

 

Tani waxaa ay dabasocotaa go'aankii golaha wasiirada xukuumada FKG Somaliya ay maalmo ka hor ku ansixiyeen isla qodobkan.

 

Muran badan oo ka dhashay in qodobkan loo codeeyo iyo in kale ayaa dhaliyey in Ra'iisal Wasaare Geedi uu ku adakaysto in labada qodob ee uu soo hordhigay golaha baarlmaanka sida ay yihiin loogu codeeyo. Xubno ka mid ah xildhibaanada baarlmaanka oo iayagu soo jeediyey in dib loo dhigo cod u qaadida qodobkan ayaa ku celceliyey in aanay munaasib ahayn in labada qodob isku fadhi loogu codeeyo, ayna tahay in la kala qaado labada qodob, sidaa darteedna ay tahay in fadhi kale uu goluhu isugu yimaado, una codeeyo qodobka ku saabsan ka hawlgalka xukuumadda ee Baydhabo & Jawhar.

 

Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa khudbad uu u jeediyey golaha baarlamaanka ku bayaamiyey sababaha ay la tahay in mudnaan la siiyo u codaynta labada qodob ee uu hor keenay golaha wakiilada, isla markaana ka codsaday mudanayaasha goluhu in ay qadariyaan codsida golaha wasiirada.

 

Iyada oo ay u muuqatay in aan laysku mari doonin u codaynta iyo dib u dhigista codaynta ayaa waxaa shirka ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dawladda FKG Somaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed oo halkaasi khudbad uu kula hadlayo xildhinaanada federaalak Somaliya ka jeediyey, kana codsaday in gahayrnimo iyo dhabar-adayg siyaasadeed la mujiyo, lagana gudbo laactanka shakhsiyadeed iyo is-fiirsashada, loona gudbo weji danayn aayaha ummadda iyo danta qaranka.

 

"Kuligeen waxaa inala gudboon in aan u caqli celino xubnaha qaldan ee inaga midka ah. Hadii ay arintu taagan tahay in aynu kala doorano qof iyo qaran, waxaa waajib ah in aynu doorano qaran." ayaa ka mid ahaa hadaladii Md. Yusuf.

 

Sida uu ku soo waramayo weriyahayagu intii uu Madaxweynuhu khudbada jeedinayey waxaa xildhibaanadu si dhextaal ah u qaadayeen heeso wadani ah oo ay ka mid tahay heesta caanka ah ee "Somaliyey toosoo, toosoo isku tiirsada e, hadba kiina taag daran, taageera abidkiineey."

 

"Aan is weheshano walaalayaal" ayaa uu ku soo gunaanaday hadalkiisii, halkaas oo deetani hoolkii shirka oo dhami uu sawaxan hal mar is qabsaday iyada oo xildhibaanadu ay qaadayeen heesta "Aan is weheshano walaalayaal, aan is gacan qabano walaalayaal".

 

Intaa ka dib ayaa waxaa bilawday codaynta qodobka labaad ee ah in xukuumaddu ay si ku meel gaar ah fadhiisimo ay ka hawl gasho u yagleesho Baydhabo & Jawhar.

 

141 mudane ayaana sidaa ugu codeeyey in xukuumada FKG Somaliya ay ka sii hawlgali karto Baydhabo iyo Jawhar inta laga sugayo ammaanka Muqdisaho, halka tiro kalena ay ka aamuseen.

 

Sidaa ayaanad moodaa in lagaga gudbay carqalad aad u adakayd oo bilihii la soo dhaafay ay la farganayeen xubnaha labada gole ee dawladda FKG Somaliya, keentayna in ay fikir ahaan aad u kala fogaadaan labada gole.

 

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Cabdullahi oo Jabiyay Axdigii KMG ee Soomaali

Wararka ka imanaya Magaalada Nairobi ayaa sheegay in galabta uu dhacay kulan uu soo qaban qaabiyay Col.Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed Geedi Kulankan ayaa ka dhacay meel wax yar u jirto xarunta Mbagathi ,Kulankan yaa waxaa soo xaadiray tiro ka yar tiradii la sugaayay oo dhan ilaa 96 Xildhibaan oo Daacad u ah Cabdullahi Yuusuf Axmed.

 

 

Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu ka codsaday Baarlamaanka in ay ka doodaan Ciidamada la keenayo Gudaha Dalka Soomaali iyadoo ay kulanakan ay joogeen Wasiiro ay ka mid yihin Xusen Caydiid iyo Salaad Cali Jeele inkastoo Mar aanu la xiriirnay Meesha uu shirka ka socday naloo xaqiijiyay in uusan joogin Goobta shirka Shariif Xasan Sh.Aadan oo ka soo hor jeestay in uu imaado Kulankaas isgoo ku adkeestay in uu dhacayo kulanka 17 Bishan

Cabdulaahi Yuusuf Ayaa Baarlamaanka u sheegay in aan loo kala kicin kulanka Manta oo usan joogin Shariif Xasan Sh. Aadan, waxaa kaloo kulankaas ka hadllay Cali Maxamed Geedi oo sheegay in uu barri u safri doono Wadanka Ethobiya

 

Sida uu qabo Axdiga KMG ee Soomaali waxaa meel looga dhacay Axdigii u yiilay qaranka soomaaliyeed oo ay jabiyeen Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi

 

Beesha caalamka ayaa aad u la yaabtay Dhaqanka Cabdullahi yuusf uu ku dhaqmayo ayagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay bur burto Dowlada KMG ee Soomaalia

 

Sidoo kale hogaamiya Kooxeedyada Muqdisho ayaan shaki ku jirin in ay qaadacayaan hadalka ka soo yeeray Cabdulaahi yuusf oo ay u arkaan hadaldii uu ku hadli jiray markii uu ah Hogaamiya kooxeedka

 

Dhinaca kale Maleeshiyada Xaabsade, Indha Cade iyo Dooxada Juba ayaa ku hanjabay in ay la dagaalami doonaan waxii soo weerara Magaalada Baydhabo

 

Cali Africa

 

Onkod News

 

Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Kulankii Barlamaanka ee inqilaabka ahaa oo furmi la kadib markii la layahay tirada uu ku furmi lahaa shirka.

Kulankii lagu doonayey in lagu inqilaaba masiirka Soomalida ayaa socon la ilaa iyo hadda ayadoona lagu waday in uu furma shirkasi labada duhurnimo kadib markii ay soo xadiri wayeen inta badan xildhibaanada ku sugan Nairobi .

 

Kulanka oo hadda xaadir ku yihiin tira xildhibaan ah oo dhan 98 xildhibaan oo badankood ah wasiirada si aadka ah u tageersan xukumada Itoobiya ayaa la meel ay u maraan qabsoomida shirka maanta waloow la sheegaya in uu furmi doona gar iyo gardaro saacadaha soo socda ,shirka maanta ee Garabka tageersan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa ku doonya in ay ansixiyaan shir uu joogin shir gudoonkisii kuna sugan meel u jirta xarunta shirka ka furmaya wax ka yar 10KM tasoo ku tuseysa shirkasi in uu yahay mid dad gaar ah leyhiin kuna doonya in ay ku ansixiyaan in ciidamo Itoobiyaan ah soo galaan gudaha dalka kadib markii la wayey wadamadii kale ee la sugayey, la kiinsa hadii is inkirada ay is in kirayaan xubnaha sar sare ee dowlada ay saan ku si isocota ay ka soo bixi doonta shirka Soomalida mudada loo fadhiyey laba madaxweyne oo is garb orda ee shirarka caalamiga isku feeri doona sidii hada ka horba ka dhacday madaxda Soomalida

 

Madaxweynah iyo Wasiirkiisa koowaad ayaa sugaya oo kaliya soo gala shirka waa loo dhanyahay waloow la sheegaya in cadaasi lagu sarayo madaxweynah in uu baajiya shirka inta laga xalinya qilaafka hadda tagan .

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Kulan ay yeesheen Gudoomiyeha baarlamaanka, ra'iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha oo khilaaf ku dhamaadey

Kulan adkaa oo ay ka wada qeybgaleen Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan Seekh Aadan, Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo madax ka socota caalamka ayaa xalay hoyga uu Nayroobi ka daggan yahay guddoomiyaha Baarlamaanku ka dhacay.

 

Kulankaan oo ahaa mid in badan la sugayey laguna doonayey in dhinac laysugu riixo khilaafka ragaadiyey waxqabadkii dowladda cusub ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ugu tageen Shariifka in ay ugu yaraan ka dhaadhiciyaan in uu guddoomiyo kulan Baarlamaan oo maanta ka dhici lahaa Nayroobi.

 

Intii uu socday kulankaan oo laysla jeex jeexay arrimahaan ayaa ugu dambeyntii ku soo gaba gaboobmay natiijo la’an iyo is afgaran waa kaddib markii uu Guddoomiyuhu ku adkeystay in aan maanta la qabaneyn kulan Baarlamaan oo Nayroobi ka dhaca.

 

Ilo u dhow dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi ay u qorsheysan yihiin safaro ay ku kala aadayaan dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya, sidaas daraadeedna ay doonayaan in inta aysan bixin ay helaan go’aan rasmi ah oo Baarlamaanka ka soo baxa kaasoo lagu oggolaanayo ciidan ka socda dalalka Afrika oo aan la kala sooc soocin, taasina ay keentay cadaadiskaan deg deg ah.

 

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Markacadeey.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Fadhi Lagu Muransan yahay oo Ay yeesheen Qaarka Mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, Go`aano ay gaareen xubnihii ka qeybgalay Fadhigaas, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo Khudbad ka jeediyey, Dalxa oo Gudoomiyey Fadhigaas, Shariifka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay fadhigaas.

Waxaa maantay magaalada Nairobi shir ku yeeshaay xubno ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo tiradooda la isku khilaafsan yahay, shirkaan ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu shalay madaxweyne Cabdullaahi soo saaray qoraal uu ka dalbanayey xildhibaanadu inay fadhi baarlamaan yeeshaan.

 

furitaankii shirkaan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo asagu eed dusha kaga tuurey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shairrif Xasan Sheekh Adan oo uu ku tilmamay nin wax walba diideey, waxaana ka mid ahaa qodobadii uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusf ku eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka dhacdadii 17/3/2005 ee ay dirartu ku dhexmartay xlidhibanaada qaarkood wuxuuna madaxwyenuhu ku tilmaamay go`aankii fadhigaas kasoo baxay inuu ahaa mid shariif jeebkiisa kala soo baxay, sidoo kale waxaa uu madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamaaka inuu diiday soo jeedin boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka KMG ah oo ay ku dalbanyey inuu Shariifku shir u qabto xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Dhanka kale kulanka maantay waxaa ka hadlay Cali Maxamed Geeddi oo xubnihii halkaas ku shirsanaa ka codsadey inay ogolaadaan soo jeedinta xuukumada ee ah in dalka ka keeni ciidamo ka socda dowladdaha IGAD gaar ahaan Suudaan iyo Ugandhan iyo in dowladdu si kumeel gaar ah ugu sii shaqeyso magaalooyinka Jawhar iyo Baydhabo.

 

khudbooyinkaas kadib ayaa waxaa dooda loo furay xubnihii kasoo qeybgalay shirkaan oo uu u gudoominayey shirka Gudoomiye Ku xiggeenka koowaad ee Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa.

 

Dalxa ayaa doodaas ka dib waxaa uu cod u qaaday soo jeedintii ra`iisul-wasaare Cali Maxamed Geeddi oo asagu la filyo inuu bari u socdaal dhanka Itoobiyo oo uu ka kula kumi doono saraakiil iyo madax ka tirsan Urur Midowga Afrka, wuxuuna Dalxa ku dhawaaqay in cod bixintaas la sameeyey kadib ay xubniii kasoo qeybgalay kulanka ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen soo jeediintii xukuumadda Cali Maxamed Geedi.

Kulankaan uu gudoominayey Maxamed Cumarv Dalx ayaa waxaan gooj joog ka aheyn Shariif Xasan Sheekh Adan Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah oo Axdiga KMH ahi dhigayo inuusan qof kale shirka baarlamaanka gudoomin karin haddii uu gudoomiyaha Baarlamaku joogo.arrintu si kastaba ha ahaatee shariif Xasan Sheekh Adan ayaa ku tilmaamay fadhigaan mid aan sharci aheyn dalxana waxaa uu ku sheegay inuusan sharcigu u ogaalnayen inuu shir gudoomiyo gudoomiyaha oo jooga.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa sheegay inay ka go`an tahay inuu qabto shirkii uu ku dhawaaqay inuu qabanayo 17/5/2005 asagoo ku andacoodey in ay xildhibaano badani ka maqan yihiin Nairobi ayna lagaba maarmaan tahay in ay shirka ka qeybgallaan.

 

Guud ahaan arrintaan maantay dhacdey ayaa soo durkinaysa khilaafkii dhawaanahanba u dhaxeeyey xubnaha labada golle iyo madaxda ugu sareyasa dowladda FKMG ah waxayna tillaabooyinkaas soo dadajinayaan burburka hanaankii nabada iyo natiijadii shirkiim mudada dheer qaatay.

 

Gedonet.com

London, Uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

^^Ninba Ceesaantii Ceel gee,,Ar soomali maxaa kala haysta.

runtaa Farxaan. Toloow aniga iyo adigana ceesaameheennii meeye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

QUOTE: SOO MAAAL: think you should stop the nonsence, the era of warlords and mayhem ended for good.

 

U KNOW BROTHER U TALK THE TRUE I LIKE THAT IT'S OVER OF THE WARLORDS IN SOMALI THE FINAL STEP TO TAKE THEM OUT IS ON IT'S WAY IT'S A TRUNING POINT IN SOMALI HISTORY THAT WILL BE REMEMBERED FOR EVER.

MAY GOD BE ONE THE SIDE OF THOSE THAT ARE FOR THE GOOD OF SOMALI.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this