Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Vs Galmudug in Galkacyo

Recommended Posts

Magaalada Gaacalka ee xarunta G/Mudug ayaa sheegaya in saaka indhaha lagu kala qaaday dagaal Culus, oo u dhexeeyay Ciidamada Pl iyo Galmug, dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhasha ka dib markii la dilay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamda cashuuraha ee Dawlada Hoose kaasi oo Maydkiisa la helay.

 

Ciidamo xoogan oo dhanka PL ka socda ayaa weeraray Fadhiisimiha Ciidamada Galmug ee Koonfurta Gaalkacayo, Lama sheegin wali khasaaraha hase yeeshee ilo wareed ayaa sheegaya inuu dagaalkaasi yahay mid Culus oo Jilibka laysu Laabay.

 

Gurmad Xoogan ayaa la sheegay in laga diray Garoowe oo uu haatan ku suganyahay Dr Faroolaha Puntland Hogaamiya kaasi oo la sheegay inuu wacad ku Maray in layska Caabiyo xoogaga Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Loooool @ Indhaha lagu kala qaaday Dagaal Culus

 

JB, be careful of what you wish for your fellow Somalis, the blood and Somali conflict may erupt anywhere, enough Somali blood is spilled, no more please...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by UZTAAD:

beeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeen

Does that mean you don't like the news ?? ,,,,, it is not been adeer.

 

and yes, it is only news ,,,, the same thing you report when Alshabab does something or TFG gets slapped ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rabshado ka dhashay dil loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland oo maanta ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

 

 

Rabashado la sheegay in ay ka dhasheen dil loo geystay askari ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu waraamayaa in ay maanta ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

 

Rabshadahaani ayaa yimid kadib markii askari ka tirsanaa Maamulka Puntland meel dheer laga toogtay xili uu marayay suuqa Bartahamaha ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo xiligaasi kadibna rabshado rasaas wata ay ka bilowdeen Suuqa Bartamaha ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida rabshadaasy ay u dhaxeyso waxaana warar aan la isku haleyn Karin ay sheegayan in Israsaaseyn ay dhexmartay ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah ganacsatada Suuqaasi kuwaasi oo mudo halkaasi isku rasaaseynayay.

 

Rabshadaha maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada Puntlnad oo la sheegay in rabshado ay ka bilaabatay iyo sedax kale oo rayid ah,waxaana la sheegayaa in dhawaaco intaasi uu ka badanbyahay.

 

Si kastabaha ha ahaatee Xaaladda goobta uu falkaasi ka dhacay ayaa waxaa ay tahay mid Xasiloon iyadoo marar qaar ka maqlayo dhawaqa rasaas teel teel ah oo aan la aqoon cida rideysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo saakay degan kadib dagaalo goos goos ah oo ilaa iyo shalay ka dhacayay bartamaha Magaaladaasi

 

 

Waxaa saakay degan Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo ilaa iyo xalay ay ka dhacayeen dagaalo goos goos ah oo sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Xaalad deganaan ah ayaa saakay laga dareemayaa Suuqa Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kaidb markii halkaasi shalay ay ka dhaceen dagaalo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaais oo ka bilowday kadib markii askari ka tirsanaa ciidamada Puntland halkaasi lagu toogtay.

 

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadyada halkaasi ay ka dhacayeen ilaa xalay kuwaasi oo la sheegayo in ay u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Ganacsatada suuqaa wallow warar kale ay sheegayana in ciidamada Maamulka Koofurta ay dagaalka ku jiraan.

 

Israsaaseyntii xalay ka dhacday Suuqa Bartahamaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa sedax ruux oo rayid ah kuwaasi oo dhamaantood rasaasi ay xaafadaha ku haleeshay.

 

Labada dhinac ee isdagaalay ayaa waxaa la sheegayaa in ay wali isku horfadhiyaan gudaha Suuqa Bartamha Magaalada Gaalkacyo iyadoo ilaa iyo hadda aysna jirin cid dhex gashay labadaasi dhinac si xaaladda loo qaboojiyo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland C/raxmaan Xaaji Max’uud oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in fowdada halkaasi ka dhacday ay horsed u ahaayeen ciidamada koofurta Magaalada Gaalkacyo sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this